Saturday, June 2, 2012

Ciidanka Ilaalada Somaliland ee Degmada Laasqoray: Ciidamadda Xeebaha Sanaag iyo Dablay Maraakiib Watada oo Iska Hor-imaad ku dhex maray Badda dhexdeeda


Ciidanka Ilaalada Somaliland ee Degmada Laasqoray: Ciidamadda Xeebaha Sanaag iyo Dablay Maraakiib Watada oo Iska Hor-imaad ku dhex maray Badda dhexdeeda

Lasqoray(Waaheen)-Iska hor imaad ayaa maanta dhex maray ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland iyo Maraakiib ku soo jeeday Magaalada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.
Iska hor-imaadkan oo ka dhacay dhinaca Bada gudeheeda, isla markaana laysku waydaarsaday Hubka noocyadiisa, ayaa ka dambeeyay ka dib markii saddex Markab oo Rag hubaysani la socdaan u soo jihaysmeen dhineca Xeebta laasqoray, halkaasoo beryahan dambe warar soo baxayay ay sheegayeen inay imanayaan Maraakiib Qalab iyo Shaqaale u sidaa Dekeda laasqoray oo dib u dhis lagu samaynayo.
Wallow warar kale oo soo baxayayna ay tibaaxayeen inay deegaamadaasi dhanka xeebta Gobolka Sanaag iyo Buuralayda ku soo fool leeyihiin Kooxo Macdan qodayaal ah oo doonaya inay si tuugo ah dhulkaasi uga baadhaan Macdan.
Si rasmiya looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Israsaasayntan Maanta dhex marta Ciidamada Ilaalada xeebaha Somaliland iyo Dablayda Maraakiibta saarnayd, hase yeeshee Taliyaha Ciidanka Xeebaha Somaliland ee Gobolka Sanaag ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Hal Askari dhinacooda ka dhaawacmay, dhanka kalena aanay wax war ah ka haynin.
Geesta kale Taliye ku xigeenka ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Col Cabdi Xirsi Ducaale oo aanu Khadka Talefoonka kula xidhiidhnay si aanu arintaasi wax uga waydiinay, ayaa xaqiijiyay inay Ciidankooda isku dhaceen Dablay hubaysan oo la socday Maraakiib ku soo jeeday Degmada laasqoray, kuwaasoo ilaa hada ujeedada ay halkaasi u imanaayan aan la ogayn.
Taliyuhu waxa uu sheegay inay Ciidankoodu joojiyeen Maraakiibtaasi, ka dibna Rasaas loogu jawaabay, taasina dhalisay iska hor imaadkaasi, waxaanu intaasi ku daray inay wixii faahfaahin e la xidhiidha dhascdadaasi dib ka sheegi doonaan.
Degmada Laasqoray ayaa ka mida Deegaamada Somaliland ee dhinaca Xeebta ku teedsan, taasoo beryahan dambe damac badani kaga jiray Maamulka Puntland oo doonaya inay qayb libaax ku yeeshaan Did u dhiska Dekeda Laasqoray oo hada la bilaabayo, waxaana dhici karta inay puntland ka dambeyso Maraakiibtaasi hubaysan eek u soo xad gudbay Biyaha Somaliland.

0 comments:

Post a Comment