Sunday, June 17, 2012

Ricardo Kaka Oo Laga Yaabo Inuu Ku Laabto Kooxdiisii Hore Ee AC Milan.


Ricardo Kaka Oo Laga Yaabo Inuu Ku Laabto Kooxdiisii Hore Ee AC Milan.

Waxaa jirar warar xan ah oo xiiso leh oo ku aadan in Ricky Kaka laga yaabo inuu ku laabto Milan ka dib seddex sanno ka hor markii uu 70 milyan Euro uga tagay kuna biiray Real Madrid.
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa loo iibiyay si ay dhaqaale u hesho Rossoneri bishii June 2009kii, lakiin waxa uu waayay qaab ciyaareedkiisii hore madaama uu dhaawac daashaday.
Sida ay qoreyso Corriere dello Sport, Kaka ayaa diyaar u ah inuu ka tago Madrid islamarkaana uu burburiyo qandaraaskiisa.
Waxaana wargeyska uu sheegayaa in kooxda reer Spain xitaa ay dani ugu jirto arintaas, madaama ay u harsan tahay seddex sanno oo ay mushahar ahaan ciyaaryahanka u siinayaan xilli ciyaareedkii 11 milyan euro.
Waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in Kaka laga yaabo inuu bedelo Zlatan Ibrahimovic, kaasoo laga yaabo in laga iibiyo Madrid si ay dib u midoobaan isaga iyo Jose Mourinho oo Inter ku soo wada shaqeeyay.

0 comments:

Post a Comment