Saturday, June 2, 2012

Wasiiradii Somaliland ee Shirka Turkiga tegay oo ku dhex Libdhay qorshaha dibu-dhiska Somaliweyn


Wasiiradii Somaliland ee Shirka Turkiga tegay oo ku dhex Libdhay qorshaha dibu-dhiska Somaliweyn

Istanbul(Waaheen) Shirkii Dawladda Turkigu u qabatay kooxaha Somaliya ayaa labadii cisho ee loo qabtay soo gabagabowday shalay kadib markii la dhamaystiray qorshayaashii looga baahnaa dhinacyada Somalida in loo bandhigo si ay ugu camal falaan.
Shirkan oo mudadii uu socday kooxo loo qaybiyay ka soo qayb galayaashii Somaliyeed  oo isugu jiray Maamul Goboleedyo, Dawladda TFG, Somaliland iyo Oday dhaqameed isla markaana loo yeedhiyay Barnaamijyadda lagu dhaqi doono mustaqbalka dhaw ayaa ku soo xidhmay jawi degan oo ay ku wada qanceen ka soo qayb galayaashu.
Shirka ayaa sida ka muuqatay ahaa mid u shidan Dawladda TFG-da oo kaliya oo habayaraatee aanay ka muuqan Maamul Goboleedyadda iyo Somaliland Midkood-na, tusaale ahaana hadalada xafladihii lagu furayay iyo kuwii lagu xidhayayba wax aka jeediyay Raysal Wasaare Gaas iyo Madaxweyne Faroole, halka ay beesha Caalamkana Baanka Adduunka iyo Qaramada Middoobay door weyn ku lahaayeen.
Sidoo kale Dawladda Turkiga ee shirka Martigelisay ayaa dedaal dheeraad ah ka muujisay shirkaasi iyadoo u hagar baxday qaabilaada iyo sooryaynta Martida Somaaliyeed iyo kuwa Caalamka uga socdayba, iyadoo mudadii uu shirku socday adduunyadda u muujisay cududeeda ay ku doonayso inay Somaaliya wax kaga qabato.
Si kasta ha ahaatee dadweynaha Reer Somaliland oo ay ka dhur sugayay weftigii uu Madaxweyanahoodu Axmed Siilaanyo u diray shirkaas oo markoodii hore ahaa afar wasiir balse sadex ka mid ahi tageen sida la saadaalinayo ayaan dareeno hoose ka muujiyay ka qayb galka shirkaasi kadib markii ay ka arki waayeen Casuumaddii uu wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed C/laahi u sheegay inay Dawladda Turkigu u fidisay maalmo kadib uun markii uu ku dhawaaqay inuu qaadacay isagoo sheegay Meeqaamka la inagu casuumay inaanu ahayn mid inoo cuntama balse hadana aan la hayni dhawaqii uu ku baxay xaqiiqadiisa.
Dadweynaha Reer Somaliland, waxa u quus gooyay haddiiba ay ka sugu lahaayeen weftiga Wasiiradda Somaliland hadalo ay ku nayaayiroodaan marka ay soo noqdaan wixii ay ka arkayeen shirka oo ahayd inaanay weftigaas iska daa hadal laga siiyee aanay ka dhex muuqanba Shirka.
Wararka laga soo tabinayo weftiga Somaliland ayaa sheegaya in ay ka qayb galeen labadii maalmoodba Shirka, halka uu wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland ka sheegay inay ka qayb gali doonaan oo kaliya wajiga koowaad ee shirka balse waxa muuqata inuu shirku ahaa uun mid kaliya oo ujeedo qudha loogu qabtay Kooxaha Somaliya. Iyadoo gidaar kasta lagu xardhay khariiradda Somaliya oo ay ku jirto Somaliland-na.
Xukuumadda Somaliland ilaa hada wax war ah kamay soo saarin shirkaasi iyo waxa ay kala kulmeen toona hase yeeshee sida ay Bulshada inteeda badani u aragto waxa uu u muuqdaa shir ah Somaliland ku dhex Libidhay kooxihii Somaliya ee ay 21 ka sano ka fayo qabtay dhibaatadii haysatay ee Xukuumadd la’aanta ahayd iyadoo imika u muuqata inaanay jirin aragti lagu qancin karo Beesha Caalamka oo Somaliya mid u aragta iyo Reer Somaliland oo u doortay Madaxweyne Siilaanyo inuu keeno Ictiraafkii ay sugayeen 21ka sano.
Taa bedelkeeda Sh Shariif iyo C/wali Gaas qudbadihii ay shirka Turkiga ka jeediyeen ayaa ahaa kuwo Jees Jees ah oo ay Somaliland ugu quus goynayeen iyagoo labadooduba iska daba maray inaanay Somaliland Gooni isutaagu dhab ka ahayne ay sugayeen Somali inteeda kale inta ay wax noqonayaan maantana marxaladaas la soo gaadhay oo Dawladnimadii la dhisayo.

0 comments:

Post a Comment