Saturday, June 2, 2012

Total Mer Rouge oo Sheegtay inay Dacwad ku soo Oogayso Jamhuriyadda Somaliland



Total Mer Rouge oo Sheegtay inay Dacwad ku soo Oogayso Jamhuriyadda Somaliland

Hargeysa(Waaheen) Garyaqaano caalami ah oo ay qabsatay shirkaddaha Total Mer Rouge iyo PIL oo maamuli jiray haamaha shidaalka ee Berbera intaanu Madaxweyne Axmed Silaanyo ku guulaysan tartankii madaxtinimada ka dibna ka qaaday shirkadahaa maamulka haamaha ayaa bishii February ee ina soo dhaaftay ku wargeliyey Madaxweynaha Somaliland inay dacwad ku soo oogi doonaan Jumhuuriyadda Somaliland.  Waxay Garyaqaanadaa u doodaya Total ku eedaynayaan xukuumadda Somaliland “Dhac Hanti gaar ah”.
Garyaqaanada Total oo ah shirkad caalami ah laguna magacaabo Trilat and Associates ayaa sidaa ku wargeliyey madaxweynaha Somaliland iyaga oo warqad toos ah u soo diray 10kii February 2012, warqadaas oo cinwaan ahaan ahayd “dembi la xidhiidha heshiis burin iyo ku xad gudub sharciyada caalamka iyo kuwa Somaliland-ba”
Waxay garyaqaanada Total iyo PIL aad uga cawdeen jawaab la’aan dhinaca Somaliland waraaqo hore oo ay u soo direen xukuummadda SiIlaanyo iyo iyaga oo diiday inay la kulmaan dhibanayaasha oo dhawr goor isku dayey inay la kulmaan madaxda Somaliland.
Waxay sheegeen inay waraaqo hore u qoreen 1dii December Madaxweyanaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo kulamo ay la yeesheen saraakiil Somaliland ah 3dii iyo 4tii December oo aanay waxba la isku afgaran.
Xogaha dheeraadka ah ee ay Waaheen heshay ayaa tilmaamaya in bishii diicember ee ina soo dhaaftay ay afar xubnood oo ka socda Total iyo qaryaqaanadoodu ay yimaadeen Hargeysa balse la iska hortaagay inay la kulmaan madaxweynaha Somaliland iyada oo amarka lagu buriyey heshiiskii Total oo ka soo baxay madaxweynaha iyada oo aan diidmadaa loo sababayn Total ay faramadhinna kala noqdaan.
Dacwaddan ay Total iyo PIl ku soo oogayaan Somaliland ayaa laga yaabaa in haddii ay sii socoto cabsi gelin doonto shirkadaha badan ee wakhtigan xaadirka damacsan inay maalgashi gelayaan Somaliland.
Ka dib markii laga wareejiyey maamulkii haamaha Shirkadda PIl iyo Total ayey dawaladda Somaliland u xilsaartay guddi wasiira ah inay ka taliyaan maamulka haamahaas.  Ilaa imika si cad looguma wareejin haamahaa shirkad kale.  Warar aan sugnayn ayaa hase yeeshee sheegaya in laba shirkadood oo mid ka mid ah ay leeyihiin ganacsadayaal Somali ah oo deggan dalka Kenya oo la yidhaado HASS iyo mid kale oo dhawaan la abuuray oo uu leeyahay Maal-qabeen Somaliyeed oo deggan dalka Ingirisku ay tartan ugu jiraan la wareegida Haamahaas.
Waxay in badan mucaaridka Somaliland ka caban jireen in shirkadda Total ay cashuur dul-saar ah oo ay kula noqonayso maalgashigooda ay qaadan jireen, hase yeeshee intii maamulka laga wareejiyey TOTAL lama sheegin meel lagu joojiyey cashuurtaas dulsaarka ah iyo meesha ay imika gasho.

0 comments:

Post a Comment