Sunday, June 17, 2012

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Group B Euro 2012 Ee Denmark v Germany.


Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Group B Euro 2012 Ee Denmark v Germany.

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara xulka Denmark  Dennis Rommedahl ayaa seegi doona kulanka ay xulkiisu ku wajihi doonaan hogaamiyayaasha Group B Germany sababo la xiriira dhaawac cajirka kasoo gaaray ciyaaryahanka.
Tobias Mikkelsen oo ahaa ciyaaryahankii lagu soo bedelay Rommedahl kulankii ay 3-2 guul darro ah kala kulmeen Portugal ayaa kusoo bilaaban kara iyadoona uu meesha ku jiro ninka dhowaan ay lasoo saxiixatay kooxda Ajax ee Lasse Schone halka Niki Zimling uu ku xeyn daabah yahay dhaawac Kubka ah.
Tababaraha xulka Jarmalka Joachim Low ayaa isbedel xoog badan ku sameyn doona difaaciisa isagoo kasoo tegi doona Jerome Boateng kaasoo ganaax ku maqan ka dib markii uu qaatay hurdigii labaad kulankii ay 2-1 guusha uga gaareen xulka Netherlands.
52 jirkaani ayaana laga yaabaa inuu u isticmaalo garabka midig midkood Howedes ama ninka qadka dhexe Lars Bender,waxaana dhici karta inuu Kabtan Philipp Lahm ciyaarsiiyo booska difaaca midig halka ciyaaryahanka kooxda Borussia Dortmund  Marcel Schmelzer la siin karo booska difaaca bidix.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
DENMARK: AndersenJacobsen, Kjaer, Agger, S PoulsenKvist, J Poulsen;Mikkelsen, Eriksen, Krohn-Dehli; Bendtner
GERMANY: NeuerBender, Hummels, Badstuber, Lahm ; Khedira, SchweinsteigerMuller, Ozil, Podolski;Gomez
Ma ogtahay ?
  • Denmark� 25 kulan oo ay ka horyimaadeen Germany waxay guuleysteen 8 jeer sedax jeerna Barbaro ayey la galeen halka ay guul darro kasoo gaartay 14 jeer,si kastaba ma aysan kala kulmin guul darro sedaxdoodii kulan ee ugu dambeysay oo ay ka horyimaadeen Jarmalka 2 jeer way garaaceen halka ay marka kale barbaro ku kala bexeen.
  • Wiilasha Morten Olsen ayaana qarka usaaran inay usoo gudbaan wareega sideed dhamadka hadii ay garaacaan deriskooda ama ay barbaro ka helaan Taasi lidkeeda waxayse u baahnaan doonaan in Netherlands ay garaacdo Portugal.
  • Denmark marnaba lagama badin kulan Euro ah iyadoo gool ku hormartay, waxa ay badiyeen lix jeer afar jeerna barbaro ayay galeen.
  • Simon Poulsen, William Kvist, Lars  Jacobsen iyo  Jakob Poulsen ayaa min hal jaale u jira ganaax.
  • Kulankii ugu danbeeyay ee tartan rasmi ah ee ay Jarmalku la ciyaaraan Denmark waxa ay aheyd finalkii Euro 1992,  markaasoo 2-0 looga badiyay, waana koobka Euro ee kaliya ay qaaday Denmark.
  • Germany barbaro ayaa u dhiibi kara hugaanka Group B, hadii ay guuldarro soo gaarto ayana Portugal soo garaacdo Holland Germany daaqada ayey ka bixi doonaan.
  • Lukas Podolski hadii uu ciyaaro kulanka caawa waa kulankisii 100 uu u safto xulka qaranka Germany isaagoo ka dambeeya ninka kaalinta Todobaad ee Mannschaft , Thomas Hassler, Franz Beckenbauer, Jurgen Kohler, Jurgen Klinsmann, Lothar Mathaus iyo Miroslav Klose.
  • Holger Badstuber ayaa hal hurdi u jira inuu ganaax ku seego kulanka xiga hadii ay xulkiiso soo baxaan caawa.

0 comments:

Post a Comment