Thursday, March 31, 2011

Maska dilaaga ah ee Cobra oo ku lumay Magaalada New York iyo booliska oo dadka uga digay

America (Burcotoday) Shaqaalaha Xerada Xayawaanaadka Bronx Zoo ee Magaalada New York ayaa baadi goobayo halka uu jaan iyo cirib dhigay mas nuuca ugu sunta badan Cobra kaasoo ka baxsaday halki uu ku jiray

America (Burcotoday) Shaqaalaha Xerada Xayawaanaadka Bronx Zoo ee Magaalada New York ayaa baadi goobayo halka uu jaan iyo cirib dhigay mas nuuca ugu sunta badan Cobra kaasoo ka baxsaday halki uu ku jiray


Maskan ayaa ah Cobra nuuca laga helo Masar waxaana qofka uu qaniino uu ku dhiman karaa ilbirqsiyo ama sikino sida ay sheegeen saraakiisha ku xeel dheer dhinaca masaska.

Jimcihi ayuu kasoo baxsaday Xarunta lagu xanaaneeyo xayawaanka ee Bronx Zoo Magaalada New York, waxa lagu sheegay dhererkiisa inuu dhanyahay 50cm waxaana la rumeysanyahay inuu ku dhuumaaleysanayo meelaha ay ku yaryihiin dadka ee magaalada.

Saraakiisha ayaa sheegay in masaska ay jecelyihiin in ay had iyo gooraale raadsadaan meelaha xiran iyo deegaanada aaney dadka jecleyn, sidaasi daraadeed dadka ay uga digeen in meelaha sifooyinkaasi leh ay iska jiraan.

Afhayeenad u hadashay xarunta ayaa sheegtay in wali uu socdo baadigoobka laakin waxa ay ka gaabsatay halka ay wax u maryaan.

"Waxaan ku wargelineynaa dadka in ay ka tagaan meelaha laga guuray si aysan ugala kulmin qatarta maskan, anaga waxaan wadnaa wax walbo oo taagneena ah oo dadaal ah si aan u xaqiijino amaanka dadka" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xarunta Bronx Zoo.

Wariyaha ooga soo warama New York: Maxamed Axmed Ismacil

0 comments:

Post a Comment