Saturday, March 26, 2011

MUCJISO- Wiil Yar Oo Seddex Jir Ah Oo Lagu Arkay Astaamo Amakaag Leh Oo Ay Werwer Xoog Leh Ka Muujiyeen Waalidkii.

China-(BCT)- Wiil aad u da” yar oo Seddex jir ah oo u dhashay dalka China ayaa lagu soo waramayaa in uu ka yaabiyay waalidkiisii dhalay iyo guud ahaan dadka dunida ku noolba.

China-(Burcotoday)- Wiil aad u da” yar oo Seddex jir ah oo u dhashay dalka China ayaa lagu soo waramayaa in uu ka yaabiyay waalidkiisii dhalay iyo guud ahaan dadka dunida ku noolba.


Wiilkan yar  oo cuna maalin walba xilliga qadada Seddex sixni oo waaweyn oo bariis ah ayaa culayska miisanka jidhkiisu uu shan jeer ka weyn yahay kii caadiga ahaa ee looga bartay da”diisa, waxaanu gaadhay in ka badan Lixda kiilo oo xoogga ka maso ah.
Qadadii ayuu cunaa 3 Saxan oo Bariis ah oo Saxuuntan ah

Ilmahan yar oo lagu magacaabo Lu Hao, ayaa lagu soo waramayaa in niisaankiisa culayska jidhkiisu uu ahaa 2.6kg (5lb 8oz), balse, markii laga soo bilaabo markii ay da”diisu gaadhay Seddex bilood ayuu bilaabay in miisaankiisu uu si xawli ah oo qayral caadi ah uu u kordho, iyada oo sanadkii u danbeeyay uu missaankiisa ku kordhay culays gaadhaya 10 kg.

Hooyada dhashay wiilkan yar ayaa ka dhawaajisay in ay dhib xoog leh kala kulanto kor u qaadista cunugeeda, oo aanay kor u hinjin karin culays xad dhaaf ah awgii, waxaanay xustay in ay dugsiga carruurta ku geyso Dhugdhugley, halkii ay ka lugaysiin lahayd.

Waalidka ilmahan yar dhalay ayaa xoogga saaray sidii ay ilmahan yar ugu samayn lahaayeen jimicsi culays dhimis ah, laakiin waxay tibaaxeen in arrintani ay sii kordhisay uun culayskiisa jidhkiisa, sabatoo ah bay yidhaahdeen waxa uu jimicsigani ku keenay gaajo saa”id ah oo keentay in uu cuno raashin badan.
Aabaha dhalay wiilkan ayaa warfidiyeenada u sheegay in uu aad uga werwersan yahay xaalada caafimaad ee wiilkasan yar.
 

0 comments:

Post a Comment