Wednesday, March 23, 2011

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo U Magacaabay Agaasime Cusub Waaxda Farsamada Wasaaradaasi Agaasimihii Horena Xilka Ka Qaaday

Hargeysa (Burcotoday)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maanta agaasime cusub u magacaabay Waaxda farsamada ee wasaaradaasi Mr. Axmed Saleebaan Maxamed, kadib markii uu isla



Wasiirka muu  sababayn xil ka qaadista masuulkaasi oo ah nin khibrad u leh farsamada uu ku shaqeeyo, ahna daacad, dadkuna wada jecel yihiin

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Xaabsade wax fah-faahina kamuu bixin xilka qaadista masuulkan Mr Ibraahin Shiine  kana mid ahaa aasaaseyaashii iyo xubnihii ugu miisaanka weynaa suxufiyiintii ka hawl geli jiray Idaacadii madaxa banaanayd ee Radio Horyaal, sidoo kalena ka mid ahaa aasaasayaashii iyo masuuliyiintii Idaacaddii Radio SNM ee Baligubadle wakhtigii halganka adag loogu jiray xoraynta dalkan Somaliland.

Ilaa imika lama garanayo waxa keenay qaadista Agaasimaha Waxaada Farsamada, Ibraahim Shiine, hasayeeshe sida ay tibaaxayaan warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inay xilka qaadistiisu ka danbeysay, kadib markii ay isku dhaceen Agaasimaha guud ee wasaaradda Faysal Cali Sheekh.

Inkasta oo Wararka qaar sheegayaan  xilka qaadista Agaasimaha waaxda Farsadamada inay salka ku hayso ka hor intii aan la bedelin Wasiirkii hore ee Warfaafinta Cabdilaahi Geel-jire  inay isku dhaceen Agaasimaha Farsamada Ibraahim, kadib markii ay isku qabteen mishiino duug ah oo uu Wasiirkaasi soo iibiyey, kadibna Agaasimaha Farsamadu uu wasiirku ku wargeliyey inaanay anfacayn mishiinada noocan ah ee uu soo iibiyey, laakin uu Wasiirku keeno agabkii lagu dayactiri lahaa.

Xilka qaadistan degdega ahayd ee uu Wasiirka Warfaafintu xilka kaga qaaday agaasimaha waaxda Farsamada Ibraahim Shiine ayaa waxa si weyn uga xumaaday Shaqaalaha iyo wariyayaasha ka hawlgala Idaacada iyo telefiishanka qaranka, kuwaas oo welwel weyn ka muujiyey xilka qaadistaasi.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta oo ka hadlayey saida uu arko xilka qaadista Masuulkani, waxaanu yidhi “Waanu ka xunahay xilka qaadistan degdega ah ee wasiirkan loo soo magacaabay wasaaradayadu uu ku eryay agaasimihii farsamada ee khibrada u lahaa farsamada warbaahinta, waana arrin aanu aad uga xunahay waaayo waxaanu filanaynay maaha, sababta oo ah aqoonta uu ninkani u leeyahay shaqada uu hayay iyo sida fudud ee uu wasiirkani isaga eryay.”

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade
Hargeysa (HWN)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maanta agaasime cusub u magacaabay Waaxda farsamada ee wasaaradaasi Mr. Axmed Saleebaan  Maxamed, kadib markii uu isla maanta xilkii ka qaaday Agaasimihii hore Waaxda Farsamada Ibraahim Axmed Maxamed (Ibraahim Shiine).

0 comments:

Post a Comment