Tuesday, March 15, 2011

Maydadka Laba Kun Oo Qof Oo Maanta La Helay Iyo Qarax Kale Oo Ka Dhacay Dab Dhaliye Ku Yaala Warshad Nukliyeeka Ee Japan

Wakaaladaha Wararka-(Burcotoday)- Wararka ka imanaya dalka Japan ayaa sheegaya in qarax kale uu ka kacay

 Wakaaladaha Wararka-(burcotoday)- Wararka ka imanaya dalka Japan ayaa sheegaya in qarax kale uu ka kacay dab dhaliyaha saddexaad ee ku yaala xarun Warshad Nukliyeer ah oo waxyeelo ka soo gaadhay dhulgariirkii ka dhacay dalka Japan.

Qaraxan ayaa sababay in uu dab ka kaco iyada oo uuro iyo qiiq aad u badani ay cirka isku shareereen, waxaana goobtaa ku xidhmay dayaan iyo daruuro ceeryaan ah.
Xoghayaha golaha Wasiirada ee dalka Japan ayaa ka dhawaajiyay in aanay khatar badan lahayn halista ka iman karta qaraxa shucaaca ka soo burqanaya walxaha hydrogen-ta ah ee ku yaala
War ay maanta faafisay Wakaalada wararka ee dalka Japan ayaa daboolka ka qaaday in ciidamadda samata bixintu ay maanta ka heleen goobo ku yaala dhinaca Waqooyi bari ee dalkaas, waxaanu warku intaa ku daray in Kun qof oo maydadkaa ka mid ah laga helay deegaanka lagu magacaabo Ojika peninsula, halka Kun qof oo kalena mayadadkooda laga helay deegaano ku yaala oo ay waxyeelo badani ka soo gaadhay mawjadihii sunaamida ahaa ee ka dhacay dalka Japan.
Waxa lagu soo waramayaa in ay weli go”doonsan yihiin magaalooyin aad u tiro badani, taas oo meesha ka saartay gebi ahaanba gargaarkii  degdeg ahaa ee samato bixinta ahaa ahaa ee goobahaa la gaadhsiin lahaa.
Geesta kale, Shirkada gacanta ku haysa maamulka sare ee Warshadan Nukliyeerka ah ee Tokyo Electric Power ayaa ku dooday in qaraxu aanu wax khasaare ah soo gaadhsiin konteenarka dab-dhaliyaha, waxay ka dhawaajiyeen waa sida ay hadalka u dhigeene in Seddex ay ku dhaawcmeen, Todoba qof oo kelana weli la la”yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.
 balsewaxaase goor dhow ay sheegeen in sadex qof ay dhaawacmeen iyadoo ilaa 7 qofna ay maqan yihiin, sidoo kale dadkii deganaa agagaarka warshadan ayaa lagu amray in ay aad u taxadiraan oo aanay guryahooda ka soo bixin.
Si kastaba aha ahatee, tirada dadka ku dhintay masiibadan ayaa kor u dhaaftay dad gaadhaya ilaa Laba iyo Toban Kun oo qof, welina waxa socda dadaalada hawlaha gurmadka degdeg ah ee samoto bixinta.

0 comments:

Post a Comment