Monday, March 14, 2011

Dawladda Kenya Oo Shaaca Ka Qaaday Cabsi Ay Ka Qabto Suurtta Galnimada Weeraro Is Qarxin Ah Oo Xarakada Al-Shabaab Ay Ka Fuliso Gudaha Dalka Kenya

Kampala- (Burcotoday) –Dawlada dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay ka baqdin qabto weeraro is miidaamin ah oo
Kampala- (HWN) Dawlada dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay ka baqdin qabto weeraro is miidaamin ah oo qaraxyo ah in Xarakada Al- Shabaab ay ka fuliso meelo ka midb ah gudaha dalka Kenya, gaar ahaan caasimada dalkaa ee Nairobi, sidaana waxa daboolka ka qaaday afhayeen maanta u hadlay xukuumada Kenya oo lagu magacaabo Bogita Ongeri.
Af hayeenku waxa uu si weyn uga dayriyay cabsida dalkiisa kala soo kala gudboonaatay dagaalada ka socda xadka uu dalka Kenya la wadaago dalka Soomaliya, waxaanu tibaaxay in ay halkaa geeyeen ciidamo tiro badan oo aad u hubaysan si ay u baajiyaan halisaha jira, isagoo xusay in ay ka warqabaan hanjabaadihii is daba jooga ahaa ee dalkiisa uga imanayay dhinaca Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku sheegayeen in ay weeraro la beegsanayaan gudaha dalka Kenya.
Masuulkan u hadlay Dawladda Kenya waxa uu ku dooday in uu dalkiisu ka foojigan yahay qaraxyada noocan ah, isaga oo ka dhawaajiyay in heegan culus la galiyay ciidamada amaanka ee dalka Kenya.
Hadalkan ka soo baxay xukuumada dalka Kenya ayaa daba socda digniino hanjabaado ahaa oo uu Urrurka Al Shabaab wacad ku maray in ay weeraro la beegsan doonaan dalal dhawr ah oo ku yaala Mandaqada oo ay Kenya ay ka mid tahay.

0 comments:

Post a Comment