Saturday, March 26, 2011

Magaalada Hargaysa Oo Biyo La´aantii Ugu Xumayd Soo Wajahday, Qiimaha Foosta Oo Cirka Galay Iyo Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Oo Sheegay Inaanu Wax Ka Qaban Karin Biyo La´aanta Hargaysa

Hargaysa (BCT):-Iyadoo wakhtiyadii u dambeeyey ay deegaanada Somaliland iyo Dhulka kale ee Soomaaliduba ay jiraan Abaaro aad u ba´an oo daba dheeraaday ayaa waxay Saamayn xoog


Aamiin Hassan Daacad
Maamulha shabakadan
Hargaysa (BCT):-Iyadoo wakhtiyadii u dambeeyey ay deegaanada Somaliland iyo Dhulka kale ee Soomaaliduba ay jiraan Abaaro aad u ba´an oo daba dheeraaday ayaa waxay Saamayn xoog leh ku yeelatay  Dadka iyo Duunyadaba, isla markaana waxaa adkaata oo cidhiidhi gasha Waxkasta oo qawtal daruuri ah, kuwaasoo inta badan la jaan-qaada hadba xilliga lagu jiro, hase ahaatee marka ay yimaadaan duruufaha noocan oo kale ahi waxa lagu baxsan jiray oo Dad iyo Duunyaba ciirsi la bidi jirey Magaallooyinka waa weyn, kuwaasoo Gurmad iyo taakulayn looga samayn jirey Dadyowga abaaruhu saameeyaan.

Magaalada Hargaysa ee caasimadda Somaliland waxa ka jirta Biyo la´aan baahsan, taasoo dhawrkii sanno ee u dambeeyey marba marka ka dambaysa isa soo taraysay, isla markaana ay soo badanayeen Xaafadaha aan Biyuhu gaadhin ee iyagu Maalinkasta isticmaalla Foosto Biyo ah oo Qiimaheedu heerar kala duwan soo maraayey, iyadoo Wakhti xaadirkan ay Qiimaha foostada biyaha ahi Hargaysa marayso 15 oo Somaliland Shillin ah, waxaana duruuftaasi haysataa Boqolaal qof oo ku Nool daafaha magaalada Hargaysa oo aan awoodi karin Maalintii inay cabbaan Foosto qiimaheedu 15-kun oo Lacagta Somaliland shillinka ah.

Xukuumadda tallada haysa oo iyadu Muddo Sideed bilood ka hor Xilka la wareegtay ayaa sheegtay inay wax ka qabban doonto aya aan ilaa hadda aanay muuqan wax dedaal ah oo ay ugu jirto sidii ay u yarayn lahayn Biyo la´aanta ku sii fidaysa dhammaanba Caasimadda Hargaysa, taasoo ay balan ku qaadeen inay wax ka qaban doonaan Biyo la´aanta ragaadisay magaalada Hargaysa.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo dhawaan ay Su´aallo weydiiyeen Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in Biyo la´aanta Hargaysa ay tahay mid aan wakhtiyadan si fudud wax looga qaban karayn, waxaanu shaaca ka qaaday inaanay jirin qorshe hadda u diyaara oo wax ay kaga qabanayaan, hase yeeshee waxa uu tilmaamay inay Mustaqbalka dhaw rajaynayaan in Biyo loo hello magaalada Hargaysa.;

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale waxa kale oo uu sheegay inaanay Miisaaniyada sanadkan loo qoon-deeyey Wasaaraddiisu aanu ku filnayn qorshayaashooda ay rajaynayaan sanadkan inay fulliyaan, taasoo uu walaac ka muuiyey, waxaanu daboolka ka qaaday inuu isaga laftiisu (Wasiirka Macdanta iyo Biyaha), ay Gurigiisa u dhaamiso Booyadi, isla markaana uu isticmaallo Biyaha ay booyaduhu iibiyaan, hase yeeshee waxa aanu ka fekerin in Bulshada ku dhaqan Caasimadda Hargaysa ay iska wada bixin karayaan Qiimaha booyada iyo in kale, balse waxa jira Duruufo adag oo haysta dadka ku nool daafaha magaalada, kuwaasoo sixir bararkii qawtal daruuriga ku darsaday sixirka biyaha  ee Kor u kaca weyni ku yimid.

Si kastaba ahaatee Xukuumadda cusub ee dhawaan talada dalka la wareegtay waxa looga fadhiyaa inay la timaado Qorshayaal deg deg ah oo wax lagaga qabanaayo Biyo la´aanta baahsan ee ku habsatay magaalada Hargaysa.

0 comments:

Post a Comment