Monday, March 14, 2011

SAwir Qaade ka tirsana Al-jazeera oo lagu dilay dalka Liibya

Chanel-ka Aljazeera ayaa waxey shaacisay in lagu dilay meel u dhow magaalada Banqazi mid kamid ah shaqaalaheeda oo lagu magacaabayay Cali Xasan Al-Jabir oo ahaa filim qaade aad looga qadariyo Saxaafada isagoo dhashay 1955-tii

Chanel-ka Aljazeera ayaa waxey shaacisay in lagu dilay meel u dhow magaalada Banqazi mid kamid ah shaqaalaheeda oo lagu magacaabayay Cali Xasan Al-Jabir oo ahaa filim qaade aad looga qadariyo Saxaafada isagoo dhashay 1955-tii.


Al-jabir oo ahaa sawir qaade ayaa u dhashay dalka Qadar waana qofkii ugu horeeyay oo katirsan chanelka Aljazeera oo ku geeriyooda dibad baxyada kasocda liibiya ee bilowday bartimihii bishii February.

Wariyaha Chanelka Al-Jazeera ugu soo warama Banqazi ayaa sheegay in Aljabir ay ku dhacday 3 xabad  dhaawaca dardiina uu u geeriyooday, Naasir Alhadar oo kamid ah wariyayaasha Aljazeera ayaa sidoo kale ku dhaawacmay rasaastaas.

Madaxa guud ee Chanel-ka Aljazeera Wadaax Khanfar ayaa cadeeyay in aysan ka aamus doonin dhacdadan islamarkaana ay maxkamad la tagi doonaan cid kasta oo ka dambeesay arinkaasi.

Weli dalka liibiya waxaa ka socda dagaalada iyo duqeynta ay isaga soo horjeedaan fallaagada iyo xukuumadda liibiya, Ciidamada daacadda u ah hoggaamiyaha dalka Liibiya ayaa qabsaday magaalooyin badan oo ay kamid tahay Ra´s Lanof, Zaawiyah iyo Binjad sidoo kale waxey weli wadaan dagaalo ay doonayaan in ay gacantooda markale kusoo celiyaan  gebi ahaanba  dalka liibiya

Hoggaamiyaha dalka liibiya ayaa u muuqda mid ka dhabeeyay hadal uu horey ugu jeediyay Tv-ga qaranka ee dalkiisa isagoo carabaabay in uu dagaalami doono inta ay meesha kabaxayaan waxa uu ugu yeeray argagixiso dooneysa in ay carqaladeeyaan degenaashaha iyo amniga dalka liibiya, ciidamada qadafi ayaana u muuqda kuwa ka awood roon fallaagada oo aan awood u laheyn sida bilowgii dibadbaxa inkatoo ay weli ka taliyaan qeybo kamid ah bariga libiya gaar ahaan magaalada Banqazi. 

0 comments:

Post a Comment