Saturday, March 12, 2011

Faah Faahinta kulanka Caawa ee Darbiga ah Waa Man Utd vs Arsenal iyo Qodobo kale oo Muhiim ah

Waxaa kadhici doona garoonka Old Trafford caawa kulan adag oo dhex mari doona kooxda iska leh garoonkaas ee Man United iyo kooxda reer London Arsenal

Waxaa kadhici doona garoonka Old Trafford caawa  kulan adag oo dhex mari doona kooxda iska leh garoonkaas ee Man United  iyo kooxda reer London Arsenal

Kulaan oo katirsan koobka ugu da,da weyn wadanka ingriiska ee FA Cup-ka ayaa waxaa laga daawan doona Geeska Afrika saacadu Markey tahay 8:15.
Xusuusta labadaan kooxood
Kulankaan waxaa uu dhex marayaa indhaha koobka FA up-ka maxaa yeelay waa labada naadi ee ugu badan hanashada koobkan

Kooxahan Man United waxaa ay isku cel celkis ahaan qaadeen koobkan 21 jeer United ayaa hanatay koobkan 11 mar halka Arsenal ay qaaday 10 jeer

Labadan koox waxaa kadhaxeysa cadow tooy weyn waaana labada koox ee ugu xafiiltanka badan wadanka ingriiska

Waxaa xusid mudan in Gunners-ka dhowaan lagu hor qaatay koobka Carling Cup-ka waxaana sidoo kale laga soo cirib tiray koobka horyaalada yurub waxaana lafilayaa in ay caawa ciyaarto banooni adag si ay ugu yaraan sanadkaan 1 koob uqaaado.

Labadan nadi waxaa ugu danbeysay koobkan oo ay qaadaan 2004 iyo 2005 waxaana xusid mudan in Arsenal ay koobkan 2005-tii rigoorayaal kaga qaaday Man United

Labadaan koox waxey kukulmeen  koobka FA Cup  13 jeer waxaa  6 kamida adkaatay United halka  5 kulana ay badisay Arsenal  2 kulana bar bar dhac ayey galeen

Guud ahaan waxey kooxahani kulmeen  dhamaan tartamada  211 kulan   87 kamida waxaa adkaatay kooxda caawa martida loo yahay ee Man United 78 jeerna waxaa badisay Arsenal halka 46  kulana ay bar bar dhac galeen

Warbixinta kulanka Caawa
Naadiga Man United ayaa caawa wayn doonta xidigeeda Reer Portugal Nani kas oo dhaawac uu kazoo gaaray kulankii Liverpool iyo Man United laakin waxaa kooxda dib ugu soo laabtay kabtan  Nemanja Vidic oo ganaax kumaqnaa

Xidigaha Rio Ferdinand iyo  Park Ji-sung ayaa iyana seegi doona kulankaan waxaana sidoo kale wli rajadiisu yartahay in uu ciyaaro ninka garabka ah ee Antonio Valencia

Kabtanka da,dayar ee kooxda Arsenal Cesc Fabregas ayaa markale waxaa uu kamaqnaan doonaa kooxdiisa  kadib markii uu dhaawac kazoo gaaray kulankii ay kooxdiisu laciyaartay kooxda Barcelona .

Robin van Persie  ayaa markale hogaamin doona kooxda Arsenal waxaana sidoo kale kooxda kamaqan oo aan ciyari doonin kulan xidigo ay kamid yihin Wojciech Szczesny, Theo Walcott, Alex Song iyo  Thomas Vermaelen oo dhamaantood dhaawac qaba


Kooxda Arsenal oo kulankii ugu danbeysay oo ay kooxda United wada ciyaareen lagu maray 1-0 13-kii December ee sanbadkii tagay ayaa doonaysa in ay boorka iska jafto caawa


Waxaa sidoo kale xusid mudan in kulankii ugu danbeeyay oo ay labadaan koox kukulmaan koobkan FA Cup-ka lagu raaxeeystay Arsenal markaasoo looga badiyay 4-0

Kulanka caawa waxaa dhex dhexaadin doona garsooeraha caanka ah ee Chris Foy oo laga soo doorto gobolka Merseyside-ka waxaana caawin doona ama calan wadayaal unoqon doona Adam Watts iyo John Flynn garsooraha keydkuna waa Mark Halsey

Zlatan Ibrahimovic oo Murugo iyo foolxumo kutilmaamay in ay Tottenham Reebto Milan
Weerarahanka kooxda AC Milan iyo xulka Sweden Zlatan Ibrahimovic ayaa wax murugo leh kutilmaamay guul daradii kooxiisa kazoo gaartay koobka horyaalada yurub habeenkii arbacada.


Isagoo lahadlaya warbaahinta wadanka Talyaaniga Ibra waxaa uu sheegay in  aaney Tottenham uqalmin in ay soo reebto kooxda facaweyn ee AC Milan waxaana uu taageerayaasha kooxda Milan karaali galiyay kazoo haritaankii koobka horyaalada yurub.


 Zlatan Ibrahimovic oo warbaahiunta talyaanigu ay ugu yeereen Flop-kii kulankii Tottenmham iyo Milan ayaa sheegay in uusan isagu masuul ka aheyn guuldaradii  soo gaartay kooxiisa

“Waan dadaalay waxaan sameeyay waxii aan awooday waaan ogahay in uu Pato siwanaagsan uciyaaray laakin xaqiiqdii isma dhahayo adiga ayey ku eersatay Milan ayuu yiri Ibra.



Leonardo  oo sheegay in Inter ay leedahay Awood ay kuqaado Horyaalka Talyaaniga

Macalinka kooxda Inter Milan Leonardo  ayaa kadhawaajiyay in kooxdiisu ay soo kabsatay waxaana uu qiray in lagaaray waqtgiii guusha ee kooxdiisa Inter Milan

Isagoo hadlayay kahor inta aaney kooxdiisu wajihin Brescia ayuu macalinka Inter sheegay in ay muuqato fursad ay kooxdiisu kuqaadi karto horyaalka wadnka Talyaaniga

Waxaa uu hoosta kaaxariiqay in loolanka horyaalka uu udhaxeeyo mataanaha Milan waxaana uu sheegay in marka ay labadaan koox kulmaan la ogaan doono cida kuguuleysan karta horyaalka Talyaaniga.

Mar uu kahadlay guusha iyo rajada ay kaqabto koobka horyaalada yurub kooxda Inter waxaa uu sheegtay in ay hami fiican kaqabaan in ay soo dhaafaan kooxda Reer Jarmal ee Bayer Munich.
 

Garsooraha labaad ee ugu wanaagsan wadanka Ingriiska Graham oo sheegay in ay sharci daro aheyd wixii lagu sameeyay Van Persie.
Garsooraha labaad ee ugu fiican wadanka ingriiska ee Graham Poll ayaa sheegay in wax lalayaab ay aheyd wixii uu Camp Nou kasameeyay garsooraha reer Switzerland


Garsoorahaan caalamiga ah ayaa sheegay in garsoore Massimo Busacca looga baahnaa in uu kafakaro waxa uu sameeynayo intii aanu kasaarin ciyaarta weeraryahanka kooxda Arsenal Van Persie.

“Waxii dhacay habeenkii talaadada waxaa ay kutusineysa in mar marka qaar ay garsooerayaashu kuciyaaraan ciyaaraha runtii ma,ahan wax xitaa saxda udhow wixii uuu sameeyay Busacca waxaana aheyd wax kayaabiyay dhamaan garsoorayaasha aduunka ayuu yiri garsoore Graham Poll

Garssoraha kudhashay magaalada Bellinzona, ee wadanka Switzerland Massimo Busacca oo 42 jir ah ayaa lagu dhaleecceeyay in uu si aan wanaasaneyn ula dhaqmay kooxda Arsenal habeenkii Talaadada.
 


Xiriirka France oo Ganaaxay Madaxweynaha koox Dalab udirsatay Messi waa maxay sababtu?
Xirrirka kubada cagta ee France ayaa ganaaxay mid kamida madaxweynayaasha kooxaha ciyaara horyaalka heerka labaad ee France kadib markii uu dalab udirsaday weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi.


Cedric Enjolras oo ah madxweynaha kooxda FC Borne,oo ciyaarta horyaalka heerka labad ee France ayaa laganaaxay 6 bilood kadib markii uu dalbaday laacibka aduunka iyo kooxda Barcelona Lionel Messi.

Madxweynaha kooxdaan ayaa sida uu qabo sharciga heerka labad ee france waxaa uu ugud biyay xiriirka wadanka France qoraal dhameystiran oo ay kooxdiisu kaua soo saxiixneyso Messi si ay ugu gudbiyaan kooxda Barcelona laakin waxaa lagu abaal mariyay ganaax

Sargaal uhadlay xiriirka Frace ee loo soo gaabiyo FFF ayaa sheegay in  ay aad uga caroodeen in kooxdaasi kadhisan tuulada  Haute-Loire oo leh garoon qada 400 oo qof ay dalab udirto laacibka aduunka oo asbuucii garoonka Camp Nou kaqaata £180,000 oo bound



Massimo Busacca.




0 comments:

Post a Comment