Saturday, April 9, 2011

Dadweynaha Djibouti Oo Maanta U Dareeraya Doorashada Madaxtooyada

Djibouti, April 7, 2011 (Burcotoday) – Dadweynaha reer Djibouti ayaa maanta u dareeraya goobaha cod bixinta ee dalkaasi si ay u codeeyaan doorashada Madaxtinimada dalkaasi oo maanta oo bishu 8 tahay ka bilaabanaysa.
Doorashadan dalka Djibouti ayay ku tartamayaan Madaxweynaha hadda talada dalkaasi aya Ismaaciil Cumar Geelle iyo Musharaxa madaxbanaan Maxamed Warsame Raage, kuwaas oo maalintii shalay soo gabogabeeyey ololihii doorashada ee ay muddada soo wadeen.
Shacabka reer Djibouti ayaa si weyn ugu diyaar garoobaya siddii ay doorashada uga qayb-gali lahaayeen, isla-markaana u soo dooran lahaayeen Madaxwaynaha dalkaasi hogaamin doona shanta sanadood ee soo socda.
Saadaasha doorashadan ayaa dadku ay u badinayaan inuu ku guulaysan doono Madaxweynaha hadda Talada dalkaasi haya Ismaaciil Cumar Geele oo sida la sheegay ah musharaxa ugu cad cad, kaas oo dadweyne isugu soo baxay Djibouti u sheegay in haddii la doorto uu dedaal iyo waxqabad muujin doono.
Sidoo kale Mushaharaxa Madaxweynaha ee dalka Djibouti ee Madaxa banaan Maxamed Warsame Raage ayaa isna dhiniciisa u sheegay taageerayaashiisa inuu wax weyn ka qaban doono horumarinta dalka.
Dhinaca kale hogaamiyaha xisbiga UMP ahna Madaxwaynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle, oo Shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Djiboutui ayaa ku dhawaaqay inuu aqbali doono natiijada ka soo baxda doorashada Madaxtooyada ee maanta dhacaysa, waxaanu yidhi “Shacabka waxaan ugu baaqayaa inay amaanka ilaaliyaan, haddii doorasahada la iiga guuleysto waan aqbalayaa, anigoo faraxsan ayaana xilka ku wareejin doonaa ruuxa iga guuleysta. Haddii aan doorashada ku guuleysto waxaan ku dadaalayaa sidii aan u horumarin lahaa mashruuca korontada iyo biyaha, sidoo kalena aan qiimo dhimis aad ah ugu sameyn lahaa qiimaha korontada.”

0 comments:

Post a Comment