Tuesday, April 12, 2011

Urur Siyaasadeed Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Laascaanood


“Udhis-ba soo-taa hawsheeda wadata, shirweynihii ururka-na dhawaan baanu qabanaynaa” Cabdi C/laahi Liibaan Afhayeenka Ururka
Hargeysa, April 12, 2011 (Haatuf) - Guddoomiyihii hore ee xisbiga UDUB ee Gobolka Sool Cabdi C/laahi Liibaan ayaa shaaca ka qaaday in urur Siyaasadeed cusub ee lagu Magacaabo Qabyo-diid ay kaga dhawaaqeen Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, isagoo tilmaamay-na inay taageersan yihiin in la furo ururada Siyaasada, isagoo intaa ku daray in ururkoodaasi ay Hogaankiisa iyo guddidii Fulinta ay ku dooran doonaan Shirweyne ay qaban doonaan dhawaan.
Waxaana ku dhawaaqista ururkaasi Haatuf u xaqiijiyay Cabdi C/laahi Liibaan oo isagu sheegay inuu yahay Afhayeenka ururkasi oo Xalay Khadka Telefoonka nagula soo xidhiidhay isagoo ku sugan Laascaanood, kaas oo uu sidoo kale sheegay in Bulshada ka soo jeeda Gobolka Sool marka la furo ururada Siyaasada ay kaga qayb gali doonaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ururkoodaasi, kuna baaqay in la furo ururada Siyaasada.
Cabdi C/laahi Liibaan oo arrimahaasi ka hadlayaana, waxa uu yidhi “Waxaan halkan ka cadaynayaa inaanu ku dhawaaqnay urur Siyaasadeed cusub oo lagu Magacaabo qabyo-diid, anigoo ah Afhayeenkii ururkaasi waxaananu ku baaqaynaa in ururada Siyaasada la furo si aanu tartanka doorashooyinka ugaga qayb-galno haddaanu reer Sool nahay ururkaasi oo aanu ka samaynay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool”
Mar aanu weydiinay Mr Liibaan in ururkoodaasi Sharci daro yahay, maadaama oo aan si sharciya wali loogu dhawaaqin fasaxaada ururada Siyaasada, waxa uu yidhi “Ururka UDHIS-ba soo-kaa hawshiisa iska wata, anagu Sharciga ku tuman maynee marka ururada Siyaasada la furo ayaanu ururkayagaasi kaga qayb-gali doonaa, waxaan se hadda kuu xaqiijinayaa in ururkaasi Qabyo-diid aanu hadda ku dhawaaqnay”.
Mar aanu weydiinay in urukoodaasi yahay urur Beesha Dhulbahante ku kooban iyo Xubnaha Siyaasiyiinta ah ee Guddoomiyaha ka ah, waxa uu yidhi “Somaliland oo dhan baa ku jirta, Shirkiibaa-na dhawaan la qaban doonaa oo lagu dooran doonaa Hogaankii iyo Guddidii fulinta, hadda se anigoo Afhayeen ah ayuun-baa ka sii Magacaaban wixii faah-faahin ah ee intaa dhaafsiisana mar dambe ayaanu ka warami doonaa iyo Xubnaha ku jiraba, waxan se kuu sheegayaa inaanu taageersa nahay in ururada Siyaasada la furo”.

0 comments:

Post a Comment