Tuesday, April 12, 2011

Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Yeelatay Xeer Isgaadhsiineed Oo Ka Caawin Doona Xaqiijinta Gooni Isku Taageeda Heer Caalami


Hargeysa, April 11, 2011 (Burcotoday) - Somaliland ayaa markii ugu horaysay yeelatay Xeerka Isgaadhsiinta qaranka oo ka caawin doona Xaqiijinta gooni-isku taaga iyo madaxbanaanida ilaa heer caalami, iyadoo si rasmiya-na ay Golaha Wakiilada Somaliland fadhigoodii Shalay cod-gacan taag ah ku meel mariyeen ansixinta Xeerkaasi.
Golaha Wakiilada Somaliland oo Fadhigoodii Shalay ku ansixiyay Xeerka Isgaadhsiinta Qaranka oo mudanayaashu ay ka yeesheen dood Xasaasiya oo u kala qabisay Golahaasi laba Garab oo si weyn ugu kala jabay doodii iyo ansixintii Xeerkaasi, kuwaas oo Garabka ku guulaystay meel marinta Xeerkaasi ay ku doodayeen in sidiisa loo ansixiyo, halka Garabka lagaga guulaystay-na ay afkaartoodu ku wajahnayd in dib loo celiyo Xeerkaa Isgaadhsiinta qaranka ee muhiimka u ah dalka.
Fadhiga Shalay oo uu Guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md C/casiis Maxamed Samaale oo ay ka soo xaadireen 67 mudane ayaa waxa sidoo kale Madasha fadhigaasi goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah Shirkadaha Isgaadhsiinta dalka oo ay ka mid tahay Shirkada Telesom oo lagu arkayay xubno ka mid ah Masuuliyiinta Shirkadaasi oo si weyn ugu ololeynayay in Xeerkaasi Isgaadhsiinta dib loo celiyo, isla markaana Garabka mudanayaasha ee diidanaa meel marinta Xeerkaasi ay ka hor intii aan codka la qaadin ay Shirar doceedyo kula yeesheen Xarunta Golahaasi ay kaga dalbanayeen sidii ay codkooda ugu hor istaagi lahaayeen.
Guddoomiye C/casiis Samaale ayaa Gole weynaha u soo jeediyay inay u kala codeeyaan laba soo jeedimood oo kala ahaa in Xeerkaasi duuduub lagu anisixiyo iyo in qod-qodob cod loogu qaado, ka dib 35 mudane ayaa ogolaaday in duuduub lagu anisixiyo, halka ay 25 mudane-na ay ka diideen, 7 mudene-na ay ka aamuuseen.
Intaa ka dib Guddoomiye ku xigeenka koowaad Md C/casiis Samaale ayaa isagu Gole weynaha u soo jeediyay in loo codeeyo in Xeerkaasi Isgaadhsiinta la ansixiyo iyo in dib loo celiyo.
Intaa ka dib waxa ay mudanayaashu ku ogolaadeen ansixinta Xeerkaasi Isgaadhsiinta cod dhan 34 mudane, halka ay 29 mudane-na u codeeyeen in dib loo celiyo Xeerkaasi, 3 mudane-na ka aamuuseen Guddoomiyuhu-na muu codayn, halkaasi ayaanu ansax ku noqday Xeerka Isgaadhsiinta qaranka, isla markaana ay waji-gabax kala huleeleen 29-kii m,udane ee diidanaa Xeerani meel merintiisa  iyo Shirkadihii dabada ka riixayay in dib loo celiyo Xeerka Isgaadhsiinta qaranka ee qalinka lagu duugay, isla markaana go’aanka Gole ku ansaxay.
Dhinaca kale Xeerkan Isgaadhsiinta ee la ansixiyay ayaa noqonaya markii ugu horaysay ee Xeer-isgaadhsiineed yeesho dalka Jamhuriyada Somaliland, waxaanu xeerkani u horseedayaa inay Somaliland ay hesho Cord u gaar ah.
Waxaanu suurto galinayaa oo uu fududaynayaaa in dawladu ay cashuuraha ku waajibayey shirkadaha isgaadhsiinta ay ogaato oo ay la socoto, maadaama xeerkani jidaynayo inay shirkaduhu isku xidhmaan (Interconnectivity).
Waxa kale oo uu xeerkani suurta galinayaa in ay dawaddu waxyaabo badan kala socoto amniga dalka iyo xaaladaha amni ee xuduudaha Somaliland iyo Badda iyo bari-ba.
Sidoo kale waxa uu suurta galinayaa in maalgalin shisheeye ay helaan shirkadaha isgaadhsiinta ee maxaliga ahi inay maalgalin ka helaan shirkadaha caalamiga ah, waxaanu kor u qaadayaa aqoonta casriga ah ee ICT-ga oo uu kobcinayaa.
Waxa la filayaa inuu xeerkani horseed u noqdo xeerar kale oo uu dalka aad ugu baahan yahay wakhtigan xaadirka ah, sida xeerka baananka ganacsiga ah, xeerka maalgalinta shisheeye Foreign Investment.

0 comments:

Post a Comment