Tuesday, April 12, 2011

Markab Sida Muwaadiniin Reer S/land Oo Sabaynaya Meel 5Km Badda Kaga Beegan Buulacado Iyo Qaylo Dhaanta Dumar Xaamilo Ah Oo Saaran

Burco Today warar la hubo
“Anigu Waxaan Wataa 9 Caruur Ah Imikana Xaamilo Ayaan Ahay, Waxaan Ka Soo Cararay Rabshadaha Yemen, Hadana Waxaan Ku Go’doon-Sanahay Bad Waynta, Hargeysa Ayaan Ku Socday” Sahra Cumar Maxamed
Hargeysa, April 10, 2011 (bctHaatuf) – Markab sida Muwaadiniin u dhashay Somaliland oo ka soo kicitimay dalka Yemen, isla markaana ka soo cararay rabshadaha iyo kacdoonada siyaasadeed ee ka socda dalka Yemen ayaa sabaynaya meel 5Km dhinaca badda kaga beegan Buulacado oo ka tirsan Saylac..
Markabkan oo lagu magacaabo Saalaxu-Diin ayaa sida dad ka badan 70 qof oo u badan Caruur iyo Dumar, kuwaas oo qaar ka mid ah Haweenka Saarani ay xaamilo yihiin, sida uu Haatuf u sheegay Taliyaha Ciidamada Xeebaha Galbeedka Somaliland Ciise Axmed, kaas oo intaasi ku daray in Markabka ay soo wajahayday Cillad kaga timid dhinaca Ijiinka oo sababtay inuu Afar maalmood uu ku jiro badda, isla markaana uu dul sabeeyo bada, balse hadda Baroosinka ayaa loo dhigay.
Sidoo kale Wargeyska Haatuf ayay u suuro gashay inuu khadka Telefoonka kula xidhiidho markabka iyo dadka saaranba, kuwaas oo sheegay in xaaladoodu ay hadda wanaagsan tahay kadib markii Cunto iyo Biyo ay soo gaadhsiiyeen Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo Ciidamada Wadamada reer galbeedka ka jooga biyaha Badda Cas.
Ugu horayn Faysa Cilmi Axmed oo ka mid dadka Saaran Markabka Sabaynaya oo Xaamilo ah ayaa Haatuf u sheegtay inay ka soo kicitimeen Magaalada Ticis oo ka tirsan dalka Yemen, waxaanay intaasi ku dartay inay ka soo carareen rabshadaha Siyaasadeed ee ka taagan dalkaasi, waxaanay tidhi “Walaal halkan waxa aanu joognaa saddex cisho, habeenkii Arbacadii ayaanu ka soo baxnay Yemen oo waxaanu ku soconay Berbera, inkasta oo wax aanu cuno aanu helnay oo naloo keenay, anigu waxaan wataa laba Wiil imikana xaamilo ayaan ahay, waxa jirta iyaduna gabadh kale oo ay jug gaadhay markii ay markaba ka dhacday”.
Sidoo kale Waxa iyaduna Haatuf la hadashay gabadh kale oo Xaamilo ah oo magaceeda Noogu sheegtay Sahra Cumar Maxamed waxaanay tidhi “Walaal waxa aanu ka soo baxnay dalka Yemen gaar ahaan magaalada Ticis, waxaanan wataa 9 caruur ah, xaamilona waan ahayn, imikana waxa aanu ku go’doonsanahay bad waynta, waxa Yemen naga keenay baqdin aanu u baqanay naftayada iyo ta ubadkayagaba, isla markaana waxa aanu ku socdaa Hargeysa, markii horena waxaan ka tagay Hargeysa”.
Dhinaca kale Taliyaha ilaalada xeebaha Saylac Ciise Axmed ayaa Haatuf u xaqiijiyey in markabkani uu ka yimid dalka Yemen, isla markaana u ku socday magaalada Berbera waxaanu yidhi “Markabkani waxa uu ka yimid dalka Yemen dad ilaa dhawr iyo todobaatan qof oo iskugu jira Caruur, Dumar iyo Ragba, alaab badan oo bagaash ahina way saaran tahay waxaanu markabkan la yidhaa Saalaxu-diin, waa markab macruuf ah oo iskaga goosho Somaliland iyo Yemen, waxa la sheegay inay ciladi kaga timid mishiinka, taas oo keentay inuu badda dhexdeeda istaago oo uu sabeeyo. Markii ku soo  dhawaaday xeebaheena ayaanu gurmad samaynay anagu ciidan ahaan, markii aanu hawlgalka bilawnay waxa nala shaqeeyey oo dadka iyaguna u gurmaday ciidamada reer galbeedka ee ku sugan badda Cas, kuwaas oo dadkii markabka saarnaa wax siiyey. Markabku markuu soo galay biyaheena Baroosinkaa loo dhigay isaga oo markii hore sabaynayey, baroosinkuna ilaa imika halkii ayuu yaalaa”.
Dhinaca kale Taliye ku xigeenka ciidanka xeebaha Salal Abdiraxmaan Xasan Cali Geesaale oo isagu ku sugnaa markabka dushiisa ayaa Haatuf u sheegay in xaalada dadku ay aad u wanaagsan tahay, waxaanu sheegay in wax ay dadkaasi Cunaan loo geeyey, maanta galinka horena markab laga diri doono Berbera uu ka soo jiidi doono halkaas.
Si kastaba ha ahaatee waxa si weyn looga dayrinayaa xaalada dadkaasi inay halis gasho haddii aan laga soo daad-gurayn dadka saaran markabkaasi, iyadoo sidoo kalena ay sheegayaan dadka u dhuun daloola arrimaha baddu in aan lagu dagdagin jiiditaanka Markabka Ciladaysan, kaas oo sababi kara masiibo haddii qalabka lagu jiidayaa u go’o ama u furto, dadka oo saaran.

0 comments:

Post a Comment