Tuesday, April 12, 2011

Fadeexad Ka Soo Baxday Tirinta Cododkii Mudanayaashu Ugu Kala Codeeyeen Ansixinta Xeerkii Isgaadhsiinta Oo Xoghayaha Iyo Ku Xigeenkiisu Musuqmaasuqeen

Shirguddoonka Wakiilada Oo Ka Fiirsanaya Talaabadii Laga Qaadi Lahaa Xoghayaha Iyo Ku Xigeenkiisa
Hargeysa, April 12, 2011(Burcotoday) - Tirinta codadkii ay mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ay ugu kala codeeyeen ansixintii Xeerka Isgaadhsiinta qaranka ee Axadii doraad ayaa la sheegay in Xoghayaha Golahaasi C/risaaq Siciid Ayaanle iyo ku xigeenkiisa Jamaac Cabdi Jiir ay Musuq-maasuqeen, isla markaana halkii ay 37 mudane cod gacan taag ah ugu codeeyeen Xeerkaasi meel-marintiisa ay u badaleen 34 mudane.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Shirguddoonka Wakiilada oo faah-faahin ka bixinaya in cod-bixintii ansixinta Xeerka Isgaadhsiinta Musuq-maasuq iyo is daba marin lagu sameeyey, hase yeeshee ilo xogogaal ah ayaa Wargeyska Haatuf u xaqiijiyay in Xoghayaha Golahaasi Mr C/risaaq Siciid Ayaanle iyo ku xigeenkiisa Jamaac Cabdi Jiir ay mudanayaal ka tirsan Golahaasi ay  ka soo dacweeyeen Shirgudoonka, isla markaana ay Xoghaynta ku soo eedeeyeen in tiradii cododkooda ay Musuq-maasuqeen, halkii ay 37 mudane ugu codeeyeen ansixinta Xeerka Isgaadhsiinta-na ay ka dhigeen 34 mudane, taas oo ilo wareedyadu-na sheegeen in Fadeexadaasi Musuq-maasuq ee dul hoganaysa Golahaasi Wakiilada ay ku cadaatay Xoghayaha iyo ku xigeenkiisa inay masuul ka ahaayeen tirada cod-bixintaas la qalday.
Shirguddoonka Golaha Wakiilada oo wakhtigan xaadirka ah ku simaha Guddoomiyaha Wakiilada uu yahay Guddoomiye ku xigeenka koowaad Md C/casiis Maxamed Samaale iyo mudanayaal ka tirsan Golahaasi ayaa la sheegay inay Shalay Shir ka yeesheen Fadeexada culus ee ka dhalatay tirinta codadkii ay mudanayaasha Wakiiladu ugu kala codeeyeen ansixinta Xeerka Isgaadhsinta oo ay ilo-wareedyadu intaa ku dareen in Shirguddoonka ay mudanayaal ka tirsan Goluhu ay kula garnaqsadeen in cidii masuulka ka ahayd marin habaabinta codadkii Golaha, haddaan talaabo laga qaadin aan dib loo aamini karin qaabka uu Goluhu codka ugu qaado Xeerarka iyo go’aamada ka soo baxa ee la meel-marinayo, kuna tilmaameen Fadeexad iyo Sum-cad daro dul hoganaysa Golahooda, isla markaana aan loo dul qaadan karin.
Shirguddoonka Golaha Wakiilada ayaa la sheegay inay ka wada hadlayaan talaabadii laga qaadi lahaa cidii dambigaasi Masuulka ka ahayd ee ku kacday in tirinta codadka ay si Sharci daro ah uga faa’idaystaan, uguna adeegsadaan danahooda gaar ahaaneed.
Fadeexadan lagu Musuq-maasuqay codadka ansixinta Xeerkaasi Isgaadhsiinta ee la meel mariyay ayaa ah Fadeexadii ugu horaysay ee ka soo ifbaxda Aqalkaasi Wakiilada ee Shacbigu soo doortay.

0 comments:

Post a Comment