Tuesday, April 12, 2011

Nimcaan Brian BowdenOo Aabihii S/land Yimid 1958-kii Oo Ka Dayriyey Xaaladiisa Nololeed, Xukuumadana Ugu Baaqay Inay Gacan Qabato

“Hal Guri Oo Aabahay Ka Dhintayna Dad Kale Ayaa Haysta Oo Dagay, Wakhtigana Darbiyada Ayaan Seexdaa, Ma Awoodo In Aan Maxkamad Tago”

Hargeysa, April 12, 2011 (Burcotoday) - Nimcaan Brain Bowden oo dadiisu tahay 21 jir ku nool caasimada Hargeysa ee Somaliland ayaa Aabihii Dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Ingiriiska, kaas oo Somaliland Yimid 1958-kii xiligii Somaliland ay ku hoos jirtay Mustacmaradii Ingiiska ayaa ahaa Ingineer ka shaqaynayey dhinaca biyaha ee Somaliland.
Bowden ayaa 1960-gii xiligii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Ingiriiska kaga hadhay dalka, isla markaana ka sii hawlgalayey wasaarada Macdanta iyo Biyaha, gaar ahaan Wakaalada Biyaha ee Hargeysa, isla markaana uu ka ahaa Ingineer.
Brain Bowden ayaa la xididay Somaliland isagoo guursaday gabadh reer Somaliland oo caruurtiisa uu ka mid yahay Nimcaan.
Nimcan Brain Bowden oo hadda ku nool caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa sheegay in xaaladiisa nololeed aanay wanaagsanayn, isla markaana uu marar badan isku dayey inuu is dilo, kaas oo wakhti sii horaysay damcay inuu qudha iska jaro kadib markii sida uu sheegay ay naftiisa la soo darseen warwar (Stress) farabadan iyo dhibaato kaga timid dhinaca bulshada maadaama uu yahay Nin Cad oo xaga midabka kaga duwan dadka Soomaalida.
Sidoo kale Brain Bowden ayaa ahaa ninka kaliya ee Ingiriis ah ee ka sii shaqaynayey Somalia xiligii rabshadaha ay bilowdeen Muqdusho ee lagu kacay dawladdii Maxamed Siyaad Barre, isla markaana ay icaadada BBC-du baahisay waraysi ay ka qaaday daqiiqado ka hor intii aan la dilin Brain Bowden, halka ay Radio Muqdisho-na baahisay Warka dila Bowden.
Nimcaan Barain Bowden ayaa sidaasi ku sheegay mar uu shalay nagu soo booqday xarunta Wargeyska Haatuf, waxaanu yidhi “Magacaygu Waa Nimcaan Brain Bowden, Aabahay Waxa uu ka shaqaynayey Wakaalada Biyaha ee Hargeysa ilaa 1958-dii intii aan lagu dilin Muqdisho oo uu u tagay hawl shaqo 1991-kii, xukuumaddiihii kala dambeeyey ee Somaliland kamaan halin wax xuquuqdii Aabahay, maadaama oo uu shaqaale dalka u ahaa, laakiin waxaan filayaa in xukuumaddan cusubi ay si degdeg ah wax iila qaban doonto. Wakaalada Biyaha Hargeysa dhawr jeer baan tahayb oo aan ka dalbaday in la iga shaqaalaysiiyo, balse cid igama shaqaalaysiin. Hal Guri oo Aabahay ka dhintayna dad kale ayaa haysta oo dagay markii ay hooyaday Dhimatay aniga oo 6 jir ah. Wakhtigana Darbiyada ayaan Seexdaa, ma awoodo in aan maxkamad tago, mana awoodo in aan hantidaydii ka qaato, Waayo Waxa aan ahay Dadka laga tirada badan yahay mid ka sii hooseeya.”
Mr Nimcaan ayaa sidoo kale Haatuf uga warmaay dhibaatooyinka uu kala kulmo bulshada uu ku dhex noolyahay, waxaanu yidhi “Ummadda oo dhan waan ka takooranahay midab ahaan, mar mar waxa dhacda aniga oo jidka maraya in ay maskaxdaydu baxdo oo aanay jooginba oo ay isigaan baabuurtu ina jiidhi gaadha, maanta haddii ay dhibaato igu dhacdo cid aan miciin bidaa ma jirto, waayo Qoyskii ay hooyaday ka soo jeeday waa dan yar oo wax ay haystaan ma jirto. Markii Aan Gacanta Iska gubay ee aan damcay in aan is dilo waxa igu kalifay waxa aan ahay nin ka midab duwan dadka uu la noolyahay oo haddii ay dhibaato qabsato uu dhibaatadii meel uu la tagaa aanay jirin illaahay mooyaane cid kale oo wax la qabataa jirin ayaa igu kalifay in aan ficilkaa ku dhaqaaqo. Inaad Gacan iska gubto iska daaye in aad qudhaba is dhaafiso ayaan waxba kugu ahayn. Ilaa lix jirkaygii oo hooyaday dhimatayna ilaa maanta oo aan 21 jir ahay dee nolol adag baan ku soo noolaa, Balse illaahay waxa aan ka rajaynayaa sidan si dhaanta”.

0 comments:

Post a Comment