Tuesday, April 12, 2011

Wasiirka Kalluumaysiga Oo Ka Xogwaramay Gurmad Loo Sameeyey Markab Muwaadiniin S/land Ahi Saarnaayeen Oo Badda Ku Xumaaday

 
Hargeysa, April 11, 2011 (burcotoday) - Wasiirka wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire)  ayaa ka waramay gurmad loo sameeyey markab ay saarnaayeen muwaadiniinta reer Somaliland ah oo ka soo cararay rabshadaha iyo kacdoonada ka taagan dalka Yemen, kaas oo mudo afar maalmood ah dulsabaynayey biyaha badda cas.
Markabkan oo la yidha Saalaxu-diin ayaa waxa saarnaa dad ka badan todobaatan qof iyo alaab bagaash ah oo badan, waxaan soo wajahday markabkaas cilad kaga timid mishiinka.
Wasiirka wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire)  oo xalay Haatuf uga xogwaramayey xaalada markabkaas iyo dadka saarnaaba ayaa si kooban u yidhi “Markabkaas la yidhaa Saalaxu-diin waxa u gurmaday isaga iyo dadkii saarnaaba ciidamada bada ee Somaliland,waxaan ahayn ciladaasna dhib ahina ma jirto dhamaan dadkii saarnaana way wada badqabaan, waana laga soo jiiday markabkii goobtii uu ku xumaaday oo Berbera ayaa lagu soo wadaa”.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay mar uu shalay saxaafada u waramayey in markabkaasi mishiinka ka soo gaadhay ciladu, waxaanu tilmaamay inay u direen Dooni soo jiida oo ay ku maqan tahay.
Markabkan waxa dadka ku go’doonsan ka mid ah Haween xaamilo ah oo wadata 9 carruur ah, waxaanay xukuumada Somaliland ka dalbatay inay u soo gurmadaan.

0 comments:

Post a Comment