Monday, April 2, 2012

Qasaarihii Ka Dhashay Dagaaladii Ka Dhacay Dalka Yeman oo Sii Laba Jibaarmay.


Qasaarihii Ka Dhashay Dagaaladii Ka Dhacay Dalka Yeman oo Sii Laba Jibaarmay.


(Hadhwanaagnews) Monday, April 02, 2012
Cadan)Burcotoday) Dagaaladii ka socday Koonfurta Dalka yeman ayaa la soo sheegaya in uu sii kordhayo Tirada dhimashada ka dhalanaysa dagaal culus


Cadan)HWN)   Dagaaladii ka socday Koonfurta Dalka yeman ayaa la soo sheegaya in uu sii kordhayo Tirada dhimashada ka dhalanaysa dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada amaanka Yemen iyo xoogaga hubaysan oo la sheegay inay yihiin al qaacidada Yemen .
Wararka ka imaanaya koonfurta dalka Yeman ayaa sheegaya in ugu yaraan 40- qof oo isugu jira labada dhinac ay dagaalkaasi ku nafwaayeen tan iyo maalinkii uu bilowday oo sabtida ku beegneed inkastoo iminka la sheegayo in ay xaaladu tahay mid dagan.
.Dad goob jogaayaal ah oo la hadlay warbaahinta aya sheegay in ay arkeen 17 ka tirsan askarta Yemen oo ku geeriyootay dagaalka ay lagaleen ciidamada Al Qaacida waxaana goobaha ay daagalada ka socdaan meelaha u dhaw dhaw lagu arkayaa dadka shacabka ah oo qaxaya aoo gawaari ku qaxaya iyo ku lugeynaya..
Dagaaladaan udhaxeeya ciidamada Amaanka dalka yeman iyo kooxda argagixisada ah ee Al Qaacida ayaa noqday kii ugu qasaaraha badnaa ee waayahan dhac iyadoona diyaaradaha dagalka Yeman ay duqeyn la dhacaayn goobaha ay ku sugan yihiin ururka al Qaacida

0 comments:

Post a Comment