Monday, April 2, 2012

Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo Ku nool Magaaladda Qahira Ee Dalka Masar Oo Buufis Dibadeed Darteed iskaaga Soo Tuuray Dabaq 5 Biyaano ah


Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo Ku nool Magaaladda Qahira Ee Dalka Masar Oo Buufis Dibadeed Darteed iskaaga Soo Tuuray Dabaq 5 Biyaano ah


(Hadhwanaagnews) Monday, April 02, 2012
Qahira-(HWN)-Muwaadin reer Somaliland ah oo lagu magacaabo Mustafe Yuusuf isla-markaasna kunool magaaladdan Qahira ee xarunta dalkan


Qahira-(HWN)-Muwaadin reer Somaliland ah oo lagu magacaabo Mustafe Yuusuf isla-markaasna kunool magaaladdan Qahira ee xarunta dalkan Masar,ayaa waxa uu iska soo tuuray fooq shan dabaqa oo uu qoyskiisa kula noolaa hase yeeshee waxa uu kabad baaday geeri kaddib markii uu dusha kaga dhacay geedo kahooseeya fooqa uu iska soo tuuray.
Sababta keentay inuu Mustafe fooqa iska soo tuuray ayaa ahayd kaddib markii hooyada dhashay wiilkan ay dhexmaray hadal kaas oo kudoonayey in hoyaddii Udhoofiso dalalka reer galbeedka hase yeeshee hooyaddii ayaa Mustafe kacodsatay inay dhoofin doonto uuna isdajiyo laakiin nasiib darro waxa uu iska tuuray fooqii shanta dabaq ahaa.
Musfate Yuusuf oo ah muwaadin udhashay Jamhuuriyadda Somaliland ayaa meeshuu uu ku soo dhacay ee fooqa hoostiisa ahayd waxay noqotay meel diisantay oo uu dhulku hoos Udagay.
Akhriste maan rumaysan dhacdadan illlaa aan arkay qaar kamida qoyska ninkan fooqa iska soo riday iyo isagii oo soconaya waxaana kayaabay arrintan dhakhaatiirta dawaysay oo badhitaan kaddib usheegtay Mustafe Yuusuf Qoyskiisa inay wiilkooda kaxaysan karaan oo aanu habayaraartee waxba qabin.

0 comments:

Post a Comment