Monday, April 2, 2012

Wasaarada Duulista Somaliland Oo Adeegii Ugu Balaadhnaa Ee Dhinaca Amaanka Ka Hir Gelisay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Hargeysa +Daawo Sawirada Qalabka Amaanka


Wasaarada Duulista Somaliland Oo Adeegii Ugu Balaadhnaa Ee Dhinaca Amaanka Ka Hir Gelisay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Hargeysa +Daawo Sawirada Qalabka Amaanka


(Hadhwanaagnews) Monday, April 02, 2012
Hargeysa(BCT)Xukuumada Somaliland ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada hargeysa ka hir gelisay adeegii ugu balaadhnaa ee dhinaca amaanka.

Hargeysa(BCT)Xukuumada Somaliland ayaa garoonka diyaaradaha ee  magaalada hargeysa  ka hir gelisay adeegii ugu balaadhnaa ee dhinaca amaanka.
Xukuumada Somaliland ayaa ku guulaysatay in markii ugu horaysay garoonka diyaaradaha ee magaalada hargeysa la keeno qalab casriya oo ka hawl gali doono amaanka garoonka, qalabkan ayaa ka kooban mishiino casriya oo baadhi doono dhamaan alaabta kala duwan ee ay sitaan dadka ka soo degaya ama ka dhoofaya  garoonka iyo sidoo kale qalab computer-ro ah kuwaas oo iyaguna qayb ka ah mishiinada baadhaya alaabta kala duwan ee ka soo degaysa ama ka dhoofaysa garoonka diyaraadaha ee magaalada hargeysa.

Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada  Somaliland md:Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka war bixiyey qalabkan ayaa sheegay  in qalabkan lagu dhamaystiray garoonka diyaaradaha ee magaalada hargeysa,isaga oo tilmaamay inuu wax ka tari doono amaanka dadka soo degaya,kuwa  dhoofaya iyo guud ahaan amaanka dalka, waxa kale oo uu sheegay in qalabkan ay ka caawisay dawlada ingiriiska, waxaaana hadaladii wasiirka ka mid ahaa “ waxa maanta madaarka caasimada  ee Egal International Airport lagu dhamaystiray qalabkii casriga ahaa ee baadhayey shandadaha iyo dadka, kaas oo xoojin doona amaanka dadka dhoofaya, kuwa soo dagaya iyo guud ahaan amaanka qarankaba.
Hawshan mudo dheer ayaanu soo wadnay waxaana aad nooga caawisay dawlada dalka ingiriiska oo aanu aad ugu mahad naqayno, qalabkana waxa loo tababaray dhalinyaro jaamiciyiin ah kuwaas oo iyagu ku shaqayn doona.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in hawlaha dhinaca dhismaha iyo amaanka ee ka socda garoonka diyaaradaha ee magaalada hargeysa ay qayb ka qaadatay xukuumada Somaliland waxaanu yidhi “  hawlahan dhinaca amaanka iyo dhismayaasha ee ka socda garoonka diyaaradaha ee magalada hargeysa xukuumada Somaliland way ka qayb qaadatay maal gelintooda taas oo ilaa iyo intii ay xukuumada madaxweyne siilaany xilka la wareegtay  aan mar kaliya la joojin dhismaha madaarka, haatana maraya meel fiican  iyada oo dhismayaal badan lagusoo kordhiyey qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay madaarku.
Hawlaha ka socda dhamaan garoonka diyaaradaha ee magaalada hargeysa waxay salka ku hayaan inay xukuumada Somaliland horu mar balaadhan iyo isbadal laxaad leh ku samayso kaabayaasha dhaqaale iyo adeegyada bulshada gaar ahaan madaarada  dalka Somaliland leeyahay, si ay ula jaan qaadaan kuwa caalamka ayna la tartamaan kuwa dhigooda ah.
Waxa naga go,an inay madaarada Somaliland u ekaadaan kuwa dunida sida halka laga soo galayo,halka laga baxayo,qalabka wax lagu baadhayo iyo sida loo baadhayaba.”
Wasiirka oo ka hadlaya waxyaalaha u qorshaysan ee ay ka qaban doonaan garoonka diyaaradaha ee magaalada hargeysa ayaa waxa uu yidhi “ waxaanu qaban doono waxa ka mida in baanka sarifa lacagaha laga saaro madaarka oo aanay jiri doonin lacag qofka lagu khasbo inuu sarifo, waxa kale oo aanu wadnaa in meelaha lacagta lagu qabto ee wasaarada maaliyada u jooga madaarka lagu dhajin doono istikaro.”
Wasiirka duulista iyo hawada md:Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlaya wareegto ay soo saari doonto wasaarada arimaha gudaha iyo nuxurka ay wareegtadaasi xanbaarsan tahay ayaa waxa uu yidhi “ dhawaan wasaarada arimaha guduhu waxay soo saari doontaa wareegto taas oo wasiirka arimaha guduhu umada ugu sheegayo in dadka u  imanaya dalkeena dhinaca dalxiiska aan lagu khasbi doonin inay fiiso ka dalbadaan dalka balse laga siin doono laanta socdaalka ee wasaarada arimaha gudaha Somaliland, adeegyadaas oo dhamina waxay la xidhidhaaan inay madaaradeena ka dhigaan kuwo casri ah oo la jaan qaadi kara kuwa dunida”
Dhinaca kale  wasiirku waxa uu sheegay in marka ay  dhamaadaan hawlaha dhinaca horu marka ee ka socda madaarka caasimada in wasaarada duulista laga dhigo doono hay’ad madax banaan oo ah duulista iyo hawada isla markaana aan la hoos geyn doonin wax wasaarad ah.
Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay  in madaarka caasimada laga bilaabo doono mashaaariic lagu horu marinayo RUN-WAY-GA garoonka iyo in silig lagu soo wareejin doono madaarka caasimada.
Si kastaba ha ahaatee qalabkan casriga ah ee dhinaca amaanka ee  lagu soo kordhiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada hargeysa ayaa sii xoojin doona  kamarado dhinaca amaanka ah oo hore looga hawl galiyey garoonka diyaaradaha ee caasimada.
 

0 comments:

Post a Comment