Sunday, April 15, 2012

Wardegdeg ah:- Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Rabshado Ka Dhacay Sariibadda Inji ee Magaaladda Hargeysa

Wardegdeg ah:- Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Rabshado Ka Dhacay Sariibadda Inji ee Magaaladda Hargeysa


() Sunday, April 15, 2012
Wardegdeg ah:- Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Rabshado Ka Dhacay Sariibadda Inji ee Magaaladda Hargeysa

Hargeysa (BCT) Hal qof ayaa ku dhintay saddex kala kalena wey ku dhaawacmeen ka dib markii uu muran ka dhashay Sariibadda Inji geesteeda Bari oo iyada ka soo horjeeda dugsiga Sare ee Quule Aadan Dool ee  Degmadda Axmed Dhagax, taas oo sida la sheegay dadka lagu wareejiyay si ay u dhistaan.

Dadkan gadooday oo ah kuwa ku ganacsadda suuqaas ayaa waxa ay burburiyeen isla markaana dhulka la simeen dhismeyaal cusub oo ay dhisteen dadka la sheegayo in uu mayorku u fasaxay in ay dhistaan
Dhinaca kale ku dhawaad 40 qof ayaa la sheegayaa in xabsiga loo taxaabay, waxaana hadda goobta soo gaadhay ciidamada Booliska oo uu hor kacayo Jananka guud ee ciidamadda Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan.
Wixii war ah ee ka soo kordha kala soco shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.com

0 comments:

Post a Comment