Sunday, April 15, 2012

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Cusbitaal Loo Dhigay Jugo Ka Soo Gaadhay Garba Duubkii Looga Saaray Hoolkii Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye Iyo Cali Guray Oo Madaxweyne Siilaanyo Dusha U Saaray Dhibka Dhacay Oo Dhan

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Cusbitaal Loo Dhigay Jugo Ka Soo Gaadhay Garba Duubkii Looga Saaray Hoolkii Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye Iyo Cali Guray Oo Madaxweyne Siilaanyo Dusha U Saaray Dhibka Dhacay Oo Dhan


(Hadhwanaagnews) Sunday, April 15, 2012
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Cusbitaal Loo Dhigay Jugo Ka Soo Gaadhay Garba Duubkii Looga Saaray Hoolkii Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye Iyo Cali Guray Oo Madaxweyne Siilaanyo Dusha U Saaray Dhibka Dhacay Oo Dhan

Hargeysa (HWN) Guddoomiye ku xigeenkii xisbiga Kulmiye Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa ka dib markii ay maanta Ilaaladda gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ay banaanka uga saareen hoolkii shirka golaha dhexe ee kulmiye uu ka socday, jug ay ka soo gaadhay dhabarka.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo u waramayay Horn Cable isaga oo ku jira Cusbitaalka Alxayaat ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in nabar hore ka gaadhay dhabarku uu ku soo kacdoomay isla markaana xaaladdiisa caafimaad ay marayso meel xun.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in wixii maanta ka qabsaday shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye uu ahaa mid aanu u dul qaadan doonin isla markaana aanu ka filaynayn.
Sidoo kale afhayeenka xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa nasiib darro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay sida loola dhaqmay guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee xisbiga Kulmiye Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax.
Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta warbaahinta ugu waramayay magaaladda Hargeysa, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Inta Xukuumaddani talada dalka qabatay dhacdooyinka dhacayaa waxay inoo sheegayaan wax badan, waxaana xabaal lagu riday midii Kulmiye ku faanay jiray ee ahayd inuu yahay xisbi dimuqraadi ah, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye, markii Axmed Guddoomiyihii Kulmiye baneeyay ee Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ka koowaad noqday waxa loo diiday inuu Guddoomiye ku xigeenka labaad noqdo oo uu durko, waxay ahayd in loo ogolaado inuu tartamo oo cod lagaga qaado kaalintaa oo uu ka saddexaad ku dhaco, midna laba yeelin ee meesha shirqool-baa ka dhacay, Siilaanyo-na anigu Madaxwayne odhan maayee waxa uu shalay shirka dib uga dhacay oo uu yidhi ilaa shirka Cabdiraxmaan Cabdiqaadir laga saarayo iman mayo shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo aniga iyo Cabdiraxmaan wada joogi mayno.”ayuu yidhi.
Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray oo uu cadeeyay in guddoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir uu ahaa nin naafo ah “Cabdiraxmaan waa Naafo, Axmed Siilaanyo oo Berbera ka soo degaya ayuu isaga, Maxamed Xaashi iyo Marxuum Cali Maarshaal gaadhi la qalibmay, saddexdaa nin waxa nasiib badnaa Cali Maarshaal oo aan arag Axmed Siilaanyo oo Madaxwayne ah.” Ayuu yidhi.

0 comments:

Post a Comment