Tuesday, April 12, 2011

Shacabka Ivory Coast Oo U Dabaaldagaya Xadhiga Laurent Gbagbo Madaxweynihii Dalkaasi

Abidjan, April 13, 2011 (W.Wararka) - Madaxweynihii loo taagwaayey ee Diidey inuu ka dego xukunka dalka Ivory Coast Laurent Gbagbo iyo xaaskiisa ayaa la qabtey shalay Isniintii , waxaana qabtey ciidamo ay hogaaminayeen militaryga Faransiisku waxana laga qabtey gurigiisa oo ku yaala magaalada Abidjan ee xarunta dalkaas, waxana loo qaadey hutelka Golf Hotel oo ay deganyihiin ninka la aamin sanyahay inuu yahay madaxweynaha xaqa ah ee dalka Galbeedka africa Ivory Coast mr  Ouattara .
Safiirka faransiiska u fadhiyey dalka Ivory Coast iyo afhayeenka Ouattara mr Affoussy Bamba ayaa cadeeyey qabashada ninkan 65 jirka ah ee awooda weyn lahaa.
Laakiin saraakiil faransiis ah ayaa beeniyey in Gbagbo ay qabteen ciidamada Ouattara , waxaaney sheegeen in military-ga Faransiisku ay qabteen duhurnimadii shalay oo Isniin ahayd.
Ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan dalka Ivory Coast mr Youssoufou Bamba ayaa gelinkii danbe ee shalay sheegey in la hayo madaxweynihii horre ee Ivory Coast Laurent Gbagbo, iminkana uu nool-yahay oo uu caafimaad qabo waxaana loo gudbin doona maxkamad.
Horumarkan lagu soo qabtey Gbagbo ayaa yimi ka dib markii bilihii ugu danbeysey uu dalkaasi ka jirey qalalaase siyasadeed oo u dhaxeeyey ninka madaxa adag leh ee Gbagbo iyo Ouattara oo ah ninka ay caalamku u aqoonsadeen inuu ku guuleystey doorashadii dalka ka dhacdey 28 September ee sanadkii 2010 ee aynu soo dhaafney , waxa sidoo kale ka qayb qaatey qabashada Gbagbo ciidamada militaryga ee dalka Faransiiska oo diyaarado iyo ciidanka lugtaba ku weerarey guriga uu deganaa Gbagbo aroornimadii hore ee shalay waxaana lagu guuleystey in isagoo bedqaba gacanta lagu soo dhigey.
Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy iyo Ouattara ayaa khadka telephoneka ku wada hadley ka dib qabashadii mr Gbagbo marka loo eego wararka ka imanaya Elysee palace.
Dalkan Ivory Coast oo ku yaala galbeedka Africa ayaa la daalaa dhacaayey rabsasho iyo qalalase siyaasadeed oo ka dhaxey doorashii dalkaas ka dhacdey 28 September ee 2010, waxaana ku dhintey dad dhowr boqol gaadhaya, waxaana ka barakacay guryahodi dadkale oo aad u tiro badan. maagaalooyinka ayaa faaruq noqdey ,  ganacsigii iyo wax soo saarkii dalkaas ayaa iyaguna hoos u dhac wayni ku yimid.

Ibrahimovic Oo Seegi Doona Kalabadh Kulamda Ka Hadhsan Horyaalka Talyaaniga

Weeraryahanka kooxda AC Milan Zlatan Ibrahimovic ayaa ka maqnaan doona kooxda Milan kala badh inta ka hadhay horyaalka ka dib markii shalay lagu ganaaxay seddex kulan markii uu aflagaadeeyay calan wadaha ciyaartii ay Milan 2-1 kaga badisay kooxda Fiorentina.
Warbixin qoraal ah oo ay soo saareen Lega Serie A  ayaa lagu xaqiijiyay in 29 jirkan reer Sweden  la ganaaxay ka dib aflagaado uu u geystay calanwadaha ciyaarta dhexdhexaadinayay.
Ibrahimovic ayaa calaamada huruuda ah qaatay daqiiqadii 77aad ee ciyaarta, balse 10 daqiiqo ka dib waxa la siiyay casaan. Waxana uu seegi doonaa kulamada kooxdiisu ay la ciyaari doonto Sampdoria, Brescia iyo Bologna. Lamana oga weli in Milan ay racfaan ka qaadan doonto go’aanka Lega Serie A iyo in kale. Xidigan reer Sweden oo ciyaaraha kusoo laabtay isla ciyaartan uu hadana ganaaxa  la kulmay ayaa u muuqda mid ay hoos u dhacday heerka dulqaadkiisu kadib markii uu laba kulan oo isk xiga ku qaatay calaamada cas iyo ganaaxyo isdaba jooga ah.

Afhayeenka UDUB Oo Sheegay In Xisbigoodu Doonayo In Raali Galin Laga Siiyo Erigii Talaabo, Shaacana Ka Qaaday Ka Maqnaanshaha Xubnahoodu In Aanu Waxba U Dhimayn Go’aanada Guddida

“Waxaan U Arkaa Gudidu Inay Dhinac Ka Raran Tahay, Ururo Yar Yar Oo Cusub Xisbiga Ka Baqanayana Waa Mid Aan Markii Hore-ba Wax Jira Ahayn” Afhayeenka UDUB Cali Guray
Hargeysa, April 11, 2011 (Burcotoday) – Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa shaaca ka qaaday in ay dhinac ka raran tahay gudida talo bixinta ururada siyaasada, waxaanu tilmaamay inaanay haboonayn markii horeba in gudida lagu daro xubno ka socda saddexda xisbi ee Kulmiye, UDUB iyo UCID, maadaama oo ay iyagu mawqifkooda markii hore-ba cadeeyeen, isla markaana ay sheegeen inaanay raali ka ahayn furista ururada siyaasada.
Mujaahid Cali Guray waxa kale oo uu sheegay in saddexda xisbi ay nusqaan ku tahay cabsida ay ka qabaan ururo cusub oo hadda la yagleelo, kaas oo tilmaamay in xisbigigooda UDUB xubnihii uu kala baxay ka talo bixinta ururada siyaasada aanay waxba u dhimayn xilka iyo waajibaadka loo xilsaaray guddidaasi.
Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay Haatuf khadka Telefoonka ugu waramayey isaga oo ku sugan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Ugu horayna Mujaahid Cali Guray isaga oo ka hadlaya gudida talo bixinta ee labadoodii xubnood midna la Eryey midka kalena ay iyagu kala soo baxeen ayaa waxa uu yidhi “Guddidu markii hore 13 ayey ahayd baa la yidhi, sadex iyo tobonka lixbaa noqonayey sadexda xisbi, markaa anigu waxa aan u arkayey arintaas inay dhinac ka raran tahay sababta oo ah waxaynu ognahay in xubnaha xisbiyada matalayaa inay odhanayaan yaan la furin ururada waayo waxay xajisanayaan xisbi nimada ah. Ururo yar yar oo imika la sameeyey oo aan wali hano qaadin xisbiga ka baqayaa waa xisbi aan marka horeba wax jira ahayn, waxa u furnaan lahayd inay xisbigooda dib u qaabayn ku sameeyaan oo ay xisbigoodu ku tartamo kalsoonida shacbiga, laakiin inay xuquuq distuuriya oo ay muwaadiniintu leedahay inay diidaan waxaan u arkaa khalad”.
Waxa uu intaa ku daray mar uu ka hadlayey aragtidiisa furista ururada “Horta aragtida furitaanka ururada dadku laba ayey ka dhigaan laakiin waa sadex,. In doonaysa in la furo iyo in ogol in la furo iyo in diidan in la furo, anigu shakhsi ahaan nin diidana ma ihi, inta diidana ma ihi ee inta ogol ayaan ahay, inta doonaysaa waa in u baahan inay ururo furtaan anigu shakhsi ahaan nin urur furanaya ma ihi, ninka urur cid kale furatay galayana ma ihi, laakiin waxaan daafacayaa xuquuq distuuri ah oo ay muwaadiniinta Somaliland leedahay, kaas oo odhanaya waxay muwaadiniinta Somaliland xaq u leeyihiin inay isku abaabulaan ururo siyaasadeed taasina waa xaq distuurku siiyey muwaadiniinta, markaa anigu qodobkaas ayuun baan taageersanahay”.
Mar wax  laga waydiiyey xisbiga uu afhayeenka u yahay ee Udub ee isagu ka baxay gudida ka soo talo bixinta furinta ururada, waxa uu yidhi “Waxa la yidhi Yuusuf Talaabo waxay wada shaqayn kari waayeen gudida, markaa waxaan qabaa in UDUB mid ku garleeyahay oo waxay ahayd in hadii laga soo cawdo warqad xisbiga loo soo qoro, taas oo nuxurkeedu ahaa waar ninkii soo badasha inta aan isaga laga saarin, dabadeedna badalka xisbigu sameeyo laakiin iyada oo aan la ogaysiin in laga saaro, khalad ayuu xisbi ahaan taagan yahay UDUB, markaa waxa weeyi in imika raali galin laga bixiyo oo la yidhaa khalad farsamo ayaa dhacay ayey UDUB doonaysaa ayaan u malaynayaa, ka maqnaashaha gudida ee UDUB waxaan filayaa in aanu go’aankii gudida waxba u dhimayn, hadii ay is raajiciyaan oo ay ku soo noqdaana fursada way leeyihiin hadii ay sidaa kaga maqnaadaana maaha waxa sharciya in hawsha gudida loo joojiyo xubnahaas, maadaama oo waxay soo jeedinayaan ay tahay Talo, cida talada loo soo jeedinayaana waa madaxwaynaha, markaa madaxwaynuhuna marka uu xisbigiisa la tashado ayuu waxa markaa la quman yeelayaa oo uu u gudbinayaa wakiiladda, markaa hadii ay noqoto in ururada la furo waxay noqonaysaa in xeerarkii la waafajiyo oo ka fursan mayso wakiiladda”.
Mujaahid Cali Guray mar uu ka hadlayey khilaafka la sheegay inuu ka dhaxeeyo madaxda xisbiga Kulmiye, kaas oo la sheegay inuu u dhaxeeyo gudoomiyaha xisbigaas Muuse Biixi iyo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbigaas Jaamac Shabeel, waxa uu yidhi “Anigu waxba kalama socdo arintaas, laakiin sharciga UDUB iyo ka Kulmiye-ba waxa ay qorayaan in sanadkiiba hal mar ay isku yimaadaan golaha dhexe ee xisbigu, laakiin waxaad moodaa in aynaan inagu u baran maalinta doorasho soo dhawaato mooyaana in golaha dhexe ee xisbigu isku yimaaddo, laakiin hadii uu Kulmiye shirkiisaas qabsanayo iyo hadii kaleba iyaga ayey u taalaa ee anigu dhexgali maayo”.
Mujaahid Cali Guray mar uu ka hadlayey doorashada dalka Djibouti, waxa uu yidhi “Guud ahaan waxaan hambalyeynayaa shacbiga dalka Djibouti sida nabadgalyada ah ee sharafta leh ee gobanimadu ku jirto ee ay u codkooda u dhiibteen, doorashadaasi waa xor oo waa xalaal waxa inta badan la yidhaa marka ay doorashadu si nabad galyo ah u dhacdo, isla markaana la isla qaato natiijadeeda. Madaxwaynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle-na waxa aan ku hambalyeynayaa doorashada shabigiisu dib ugu soo doorteen markii sadexaad, waxaanan shacbiga Djibouti oo dhan u rajaynayaa inay barwaaqo iyo badhaadhe iyo nabad galyo ku noolaadaan”.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray “Waxa cad oo aynu wada ognahay in Djibouti iyo Somaliland xidhiidhkoodu uu marayo halkii ugu saraysay ee uu waligii gaadho, taasna waxaan u arkaa wanaag iyo horumar u soo kordhay labada shacbi iyo labada dawladdood-ba, waxa kale oo iyaduna xusid mudan in markii ugu horaysay ay Djibouti iyo Somaliland ay isku mawqif ka noqdaan arimo badan, kaas oo uu ugu horeeyo shirkan Somalida gobol gobolka loogu qayb qaybinayo ee reer walba la leeyahay halkaaga samayso dhibaatada badana ku haya amniga mandaqada, arintaas gobolaysiga ee ay qaramada midoobay wadana madaxwaynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo labaduba way cadeeyen sida ay uga soo horjeedaan arintaas”.
Si kastaba ha ahaatee Masuuliyiinta Xisbiga UDUB ayaa u muquuqda kuwo aan mawqifkooda siyaasadu Midaysnayn oo aanay wada socon, isla markaana ay ku kala aragti duwan yihiin mawduuca Furitaanka ururada siyaasada iyo guud ahaanba waaqaca siyaasadeed ee dalku marayo.
Xisbiga UDUB ayaa ah xisbi ay masuuliin badan ku dhawaaqeen inay u taagan yihiin Musharaxnimada jagada Madaxweynaha ee Mustaqbalka Dhaw, iyagoo inta badana ay hogaamiyeyaasha xisbigaasi ka soo wada jeedaan xukuumaddii hore ee talada dalka lagaga guulaystay iyo xubnihii golaha wasiirada.

Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Yeelatay Xeer Isgaadhsiineed Oo Ka Caawin Doona Xaqiijinta Gooni Isku Taageeda Heer Caalami


Hargeysa, April 11, 2011 (Burcotoday) - Somaliland ayaa markii ugu horaysay yeelatay Xeerka Isgaadhsiinta qaranka oo ka caawin doona Xaqiijinta gooni-isku taaga iyo madaxbanaanida ilaa heer caalami, iyadoo si rasmiya-na ay Golaha Wakiilada Somaliland fadhigoodii Shalay cod-gacan taag ah ku meel mariyeen ansixinta Xeerkaasi.
Golaha Wakiilada Somaliland oo Fadhigoodii Shalay ku ansixiyay Xeerka Isgaadhsiinta Qaranka oo mudanayaashu ay ka yeesheen dood Xasaasiya oo u kala qabisay Golahaasi laba Garab oo si weyn ugu kala jabay doodii iyo ansixintii Xeerkaasi, kuwaas oo Garabka ku guulaystay meel marinta Xeerkaasi ay ku doodayeen in sidiisa loo ansixiyo, halka Garabka lagaga guulaystay-na ay afkaartoodu ku wajahnayd in dib loo celiyo Xeerkaa Isgaadhsiinta qaranka ee muhiimka u ah dalka.
Fadhiga Shalay oo uu Guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md C/casiis Maxamed Samaale oo ay ka soo xaadireen 67 mudane ayaa waxa sidoo kale Madasha fadhigaasi goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah Shirkadaha Isgaadhsiinta dalka oo ay ka mid tahay Shirkada Telesom oo lagu arkayay xubno ka mid ah Masuuliyiinta Shirkadaasi oo si weyn ugu ololeynayay in Xeerkaasi Isgaadhsiinta dib loo celiyo, isla markaana Garabka mudanayaasha ee diidanaa meel marinta Xeerkaasi ay ka hor intii aan codka la qaadin ay Shirar doceedyo kula yeesheen Xarunta Golahaasi ay kaga dalbanayeen sidii ay codkooda ugu hor istaagi lahaayeen.
Guddoomiye C/casiis Samaale ayaa Gole weynaha u soo jeediyay inay u kala codeeyaan laba soo jeedimood oo kala ahaa in Xeerkaasi duuduub lagu anisixiyo iyo in qod-qodob cod loogu qaado, ka dib 35 mudane ayaa ogolaaday in duuduub lagu anisixiyo, halka ay 25 mudane-na ay ka diideen, 7 mudene-na ay ka aamuuseen.
Intaa ka dib Guddoomiye ku xigeenka koowaad Md C/casiis Samaale ayaa isagu Gole weynaha u soo jeediyay in loo codeeyo in Xeerkaasi Isgaadhsiinta la ansixiyo iyo in dib loo celiyo.
Intaa ka dib waxa ay mudanayaashu ku ogolaadeen ansixinta Xeerkaasi Isgaadhsiinta cod dhan 34 mudane, halka ay 29 mudane-na u codeeyeen in dib loo celiyo Xeerkaasi, 3 mudane-na ka aamuuseen Guddoomiyuhu-na muu codayn, halkaasi ayaanu ansax ku noqday Xeerka Isgaadhsiinta qaranka, isla markaana ay waji-gabax kala huleeleen 29-kii m,udane ee diidanaa Xeerani meel merintiisa  iyo Shirkadihii dabada ka riixayay in dib loo celiyo Xeerka Isgaadhsiinta qaranka ee qalinka lagu duugay, isla markaana go’aanka Gole ku ansaxay.
Dhinaca kale Xeerkan Isgaadhsiinta ee la ansixiyay ayaa noqonaya markii ugu horaysay ee Xeer-isgaadhsiineed yeesho dalka Jamhuriyada Somaliland, waxaanu xeerkani u horseedayaa inay Somaliland ay hesho Cord u gaar ah.
Waxaanu suurto galinayaa oo uu fududaynayaaa in dawladu ay cashuuraha ku waajibayey shirkadaha isgaadhsiinta ay ogaato oo ay la socoto, maadaama xeerkani jidaynayo inay shirkaduhu isku xidhmaan (Interconnectivity).
Waxa kale oo uu xeerkani suurta galinayaa in ay dawaddu waxyaabo badan kala socoto amniga dalka iyo xaaladaha amni ee xuduudaha Somaliland iyo Badda iyo bari-ba.
Sidoo kale waxa uu suurta galinayaa in maalgalin shisheeye ay helaan shirkadaha isgaadhsiinta ee maxaliga ahi inay maalgalin ka helaan shirkadaha caalamiga ah, waxaanu kor u qaadayaa aqoonta casriga ah ee ICT-ga oo uu kobcinayaa.
Waxa la filayaa inuu xeerkani horseed u noqdo xeerar kale oo uu dalka aad ugu baahan yahay wakhtigan xaadirka ah, sida xeerka baananka ganacsiga ah, xeerka maalgalinta shisheeye Foreign Investment.

Liiska Magacyada Mudanayaasha U Codeeyay Xeerka Isgaadhsiinta, Kuwa Ka Codeeyay Iyo Xubnaha Isgaabiyey

Hargeysa, April 11, 2011 (Burcotoday) - Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland oo fadhigii Shalay ee lagu ansixiyay Xeerka Isgaadhsiinta qaranka ugu kala qaybsamay laba Garab, oo Garab ka mid ahi ku meelmariyay ansixintiisa 34 mudane, halka 29 mudane iyagu-na ay ka codeeyeen 3 mudane-na la sheegay inay ka aamuseen ansixnta oo Shaki badani ku jiro Xubnaha ay yihiin kuwa aamusay, balse ay tirsanayaan Garabka guulaystay, hase yeeshee waxa ilaa hadda si cad loo ogyahay Garabka laga guulaystay Magacyadooda iyo tiradooda guud marka tiradaasi la isku daro ee Guddoomiyaha oo aan isagu coday-na lagu daro ay noqonayso 67 mudane.
Magacyada Garabka ka codeeyay ansixinta Xeerkaasi oo Haatuf daraasad ku soo sameeyay Xubnaha 29-ka mudane ah ee lagaga guulaystay meel-marinta Xeerkaasi oo aqlabiyadoodu ka soo jeedo bariga Burco iyo galbeedka Burco ayaa waxay Magacyadoodu kala yihiin.
1-         Aadan Tarabi Oogle
2-         Ibraahim Jaamac Cali (Rayte)
3-         C/raxmaan Yuusuf Cartan
4-         Maxamuud Dhunkaal Gutaale
5-          C/casiis Ismaaciil Dhulcun
6-         Xariir Siciid Bulaale
7-         Ibraahim Caraale Maxamed (Ruush)
8-         Axmed Ducaale Bulaale
9-         Faarax Maxamuud Cabdule (Faarax-dheere)
10-     Xaashi Xuseen Caabi
11-     C/raxmaan Maxamed Xoog
12-     Maxamed Saalax Cige
13-     Cali Xaaji Maxamed Muuse
14-     Jaamac Xasan Aadan
15-     Axmed Maxamed Nuur
16-     C/qaadir Xuseen Askar
17-     Ibraahim Mahdi Buubaa
18-     C/raxmaan Cismaan Caalin (C/raxmaan-dheere)
19-     Maxamed Faarax Qabile
20-     Maxamed Baaruud Shidde
21-     Saleebaan Yuusuf Cali Koore
22-     Maxamed Axmed Dhakool
23-     Siciid Maxamed Cilmi
24-     C/raxmaan Muuse Jaamac
25-     Axmed Maxamed Maxamuud (Afweyne)
26-     Abuubakar Sheekh C/raxmaan Good
27-     Axmed Madar Sii-arag
28-     Baar Siciid Faarax Dhahar
29-     Maxamed Cismaan Bulqaas.
Garabka mudanayaasha codkooda ku meel-mariyay ansixinta Xeerkaasi oo lagu sheegay 34 mudane ayaa hadda-na waxay tirsanayaan inay yihiin 37 mudane, iyadoo aan ilaa hadda la garanayn 3 mudane ee aamusay ee Liiskoodan ku dhex jira kuwa ay yihiin, hase yeeshee Xubnaha Garabkani tirsanaya ayaa lagu tilmaamayaa Liiska Magacyadooda.
1-         Maxamed X Maxamuud Cumar Xaashi
2-         Maxamed Xuseen X. Ciise
3-         Xasan Cawaale Caynaan
4-         Ibraahim Axmed Haybe
5-         C/kariim Aw Cali Shabeel
6-         Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale
7-         Siciid Cilmi Rooble
8-         Maxamuud Jaamac X Cilmi (Dable)
9- Aadan Xaaji Diiriye Dirir (Sanqoole)
10- Naasir Xaaji Cali Shirre
11- Axmed Xasan Aadan (Waysa-cade)
12- Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari)
13- Maxamuud Axmed Obsiiye
14-  Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac)
15- Cali Yuusuf Axmed
16- C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirdde
17- Axmed Cabdi Kijaandhe
18- Aadan Maxamed Hoori (Mataan)
19- Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle
20 Axmed Barkhad Obsiiye
21- Mahdi Xuseen Cadare
22- Maxamed Barkhad Miigane
23- Cabdi Maxamed Gaagaale
24- Cali Obsiiye Diiriye (Cali-Gabiley)
25- Muuse Maxamed Ismaaciil (Hoos-ujeed)
26- Cali Sheekh Ibraahim Aareeye
27- Baashe Maxamed Faarax
28- Xamse Maxamed Gaada-weyne
29- C/raxmaan Maxamed Talyanle
30- Maxamed Jaamac Cabdi
31- C/qaadir Jaamac Xaamud
32- Cali Maxamed Aadan (Cali-Bare)
33- Cumar Axmed Saleebaan (Sanweyne)
34- Farxaan Maxamed Cali
35- Maxamed Jaamac Cali
36- Maxamed Cali Xirsi
37- Mahdi C/laahi Maxamuud.
Saddexdan Xubnood ee lagu sheegay inay aamuseen ayaan iyagu cod Gacan taag ah aan ku aamusin, balse tirada guud ee madasha fadhiga ku sugnaa markii la isku geeyay 29-ka iyo 34 mudane ay ku dhex milmeen, gaar ahaan Xubnaha guulaystay, iyadoo la rumaysan yahay in saddexdaa Xubnood ay ka tirsanaayeen Garabka laga guulaystay.
Waxa kale oo iyagu Madasha fadhigaasi aan ka soo xaadirin Xildhibaan Maxamed Cumar Jiir iyo Xildhibaan Axmed Ibraahim Daahir (Axmed-weyne) iyo Ikraan Xaaji Daa’uud Warsame.

Xukuumadda Oo Dib U Furtay Masaajidkii Burco Ee Ciidamada Amaanku Ay Albaabada U Xidheen Iyo Badhasaabka Oo Sheegay Inay Raadinayaan Imaamkii

Hargeysa, April 11, 2011 (Burcotoday)- Badhasaabka Gobolka Togdheer Yaasin Muxumed Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in  si rasmiya loo furay Masaajidka Al-Huda ee Ciidamada Amaanku ay Albaabada u xidheen dabayaaqadii Bishii March 2011-ka, iyadoo Xabsiga-na loo taxaabay Imaamkii iyo Mu’adin
kii Masaajidkaasi Xiligii la xidhayay.
Badhasaabka gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi, ayaa sheegay in la dhameeyay  murankii uu sababay Masaajidka la xidhay, isla markaana uu hada masaajidku furan yahay oo loogu tukanayo sidii caadiga ahayd oo aanay jirin wax dhibaato ahi xilligan.
Badhasaabku waxa kale oo uu sheegay, in Imaamkii Masaajidka Al-Huda ay  Ciidmada amaanku baadi goobayaan oo ay ka raadinayaan Magaalada gudaheeda, iyada oo aan ilaa hadda la garanaynin asbaabaha ay u raadinayaan 
Sida lagu baahiyay Shabakada Ramaas News ayaa lagu sheegay in Badhasaabka Gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi uu sheegay in Khilaafkii ka taagnaa Gacan ku haynta Masaajidkaasi la dhameeyay, isla markaana Albaabada loo furay.
Masaajidkan ayay dadku xidhitaankiisa siyaabo kala duwan u fasireen, iyada oo dadka qaarkood ay ku tilmaameen in ahayd cabudhin diimeed oo lagu horjoogsanayo xuquuqda cibaadada, halka ay qaar kalena ay aaminsan yihiin in ay ahayd marinhabaabin siyaasadeed oo dadka lagaga jeedinayo xasiidaha siyaasadeed ee ka jira qaybo ka mida wadanka.

Wasiirka Kalluumaysiga Oo Ka Xogwaramay Gurmad Loo Sameeyey Markab Muwaadiniin S/land Ahi Saarnaayeen Oo Badda Ku Xumaaday

 
Hargeysa, April 11, 2011 (burcotoday) - Wasiirka wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire)  ayaa ka waramay gurmad loo sameeyey markab ay saarnaayeen muwaadiniinta reer Somaliland ah oo ka soo cararay rabshadaha iyo kacdoonada ka taagan dalka Yemen, kaas oo mudo afar maalmood ah dulsabaynayey biyaha badda cas.
Markabkan oo la yidha Saalaxu-diin ayaa waxa saarnaa dad ka badan todobaatan qof iyo alaab bagaash ah oo badan, waxaan soo wajahday markabkaas cilad kaga timid mishiinka.
Wasiirka wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire)  oo xalay Haatuf uga xogwaramayey xaalada markabkaas iyo dadka saarnaaba ayaa si kooban u yidhi “Markabkaas la yidhaa Saalaxu-diin waxa u gurmaday isaga iyo dadkii saarnaaba ciidamada bada ee Somaliland,waxaan ahayn ciladaasna dhib ahina ma jirto dhamaan dadkii saarnaana way wada badqabaan, waana laga soo jiiday markabkii goobtii uu ku xumaaday oo Berbera ayaa lagu soo wadaa”.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay mar uu shalay saxaafada u waramayey in markabkaasi mishiinka ka soo gaadhay ciladu, waxaanu tilmaamay inay u direen Dooni soo jiida oo ay ku maqan tahay.
Markabkan waxa dadka ku go’doonsan ka mid ah Haween xaamilo ah oo wadata 9 carruur ah, waxaanay xukuumada Somaliland ka dalbatay inay u soo gurmadaan.

Maamulaha Guud Ee Shirkadda Dahabshiil Oo Cashar U Jeediyey Arday Ka Qalin-Jabisay Kulliyadda Dhaqaalaha Jaamacad Ku Taal Helsinki


LONDON, April 11, 2011 (Burctoday) - Abdirashiid Dahabshiil, maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil, ayaa dhawaan lagu casuumay inuu ka hadlo Jaamacadda Aalto University ee magaalada Helsinki ee dalka Finland, munaasabaddii qalinjebinta sare ee dufcad ka mid ah ardaydii qaybta culuunta dhaqaalaha ee jaamacaddaas.
Machadka dhaqaalaha ee Jaamacadda Aalto waxa uu caalami ahaan caan ku yahay cilmiga maaraynta iyo maamulka, waxanu xusayey machadkaasi sanadguuradiisii 100-aad.
Cashark
a uu ka jeediyey Abdirashiid Dahabshiil jaamiacadda Aalton, bishii March 29-dii, oo qaatay muddo laba sacadood ah, waxa uu ku saabsanaa qayb ka mid ah manhajka Isbedelka iyo afkaarta hor leh, qaybtaas oo ay madax ka tahay Prof Liisa Alikangas.
Prof Liisa Alikangas oo ah cilmi-baadhe waayo-aragnnimo iyo khibrad loo bogey u leh daraasooyinka culuunta fikradaha ganacsiga iyo istraatijiyooyinka la xidhiidha, waxay shirkadda Dahabshiil u xulatay inay tahay tusaale lagu dayan karo marka laga hadlayo ganacsi si dhakhso ah u hirgala oo ku dhisan fikrado iyo ha-labuur cusub, kana gudba dhibaatooyin badan, kana faa’iidaysta fursadaha ka bannaan suuqayada ganacsi ee Africa, shirkadda Dahabshiil oo maanta noqotay mid caalami ah.
Casharkii uu jaamicaddaasi ka jeediyey Abdirashiid, ayaa waxa uu kaga hadlay ahmiyadda ay xawaaladdu u leedahay guud ahaan Soomaalida adduunka ku baahsan, iyo kaalinta shirkadda Dahabshiil ka qaadato xawilaadda lacagayowga meel kasta oo baahi degdeg ah looga qabo. Waxa kale oo uu ka hadlay taariikhda shirkadda, qorshayaasha mustaqbalka, hawlihiisa iyo kaalinta hoggaamineed ee maamulka guud (CEO).
Ganacsiga asaasiga ah ee shirkadda Dahabshiil waxa uu ku qotomaa xawaaladaha loo dirayo Geeska Afrika, kaasi oo muhim u ah nolosha dadweynaha gobolkaasi. Bilawgii khudbaddiisa, Abdirashiid waxa uu faahfaahiyey baaxadda lacagaha la xawilo guud ahaan oo baanka adduunku ku qiyaasay ilaa $1.6 bilayan oo dollar in sanad kasta loo diro Somalia. Lacagtaasi oo ay xawilaan qurbajoogta Soomaalidu, waxa adeegga ugu badan u fidisa shirkadda Dahabshiil oo xawisha qiyaastii saddex-dalool laba ahaan. Taasina waxay ka dhigtay Dahabshiil shirkadda ugu weyn sharikadaha xawaaladaha ee Afrika.
Waxa kale oo xawaaladda ku tiirsan nolosha dadweynaha miyiga ee Geeska Afrika ee ku  nool meelaha fogfog. Waxa kale oo xawaaladdu u adeegtaa heyadaha gargaarka banii’aadminnimada ee ka shaqeeya gobolkaas. Shirkadda Dahabshiil waxa kale oo ay gacan ka geysataa  mashaariicda horumarinta gudaha – kaalintani oo shirkaddu caan ku ahayd ilaa bilawgeedii, una ah mabda’ asaasi ah.
Waxa kale oo mudan in la xuso in adeegga xawaaladdu gacan ka geysto baayacmushtarka gudaha iyo debadda oo ka faa’iidaysta, waxanu adeeggani muhim u noqday maalgelinta mashaariicda ganacsiga iyo kobcinta suuqa xorta ah.
Abdirashiid Dahabshiil waxa kale oo uu faahfaahiyey markii uu la hadlayey ardayda kala geddisan ee Jaamicadda, taariikhda Shirkadda iyo heerarkii ay soo martay oo aan wada sahlanayn. Shirkadda waxa la bilaabay sanaddii 1970, waxana bilaabay Mohamed Said Duale, oo ah Abdirashiid aabbihii. Isla markiiba shirkaddu waxay ku takhasustay hawlaha xawaaladda, iyada oo la macaamili jirtey qurba-joogtii Soomaalida ee Bariga Dhexe. Lacagta adage ee qurba-joogtu u dirayaan qoysaskoodii ku sugnaa Somalia ayay shirkaddu ka qaban jirtey, waxayna soo gelin jirtey badeecad. Qoysaska ku sugan Somaliyana waxay ku siin jirtey hadba sarrifka lacagta guduhu joogto xilligaasi
Sanaddii 1988, waxa heer xun gaadhay dagaalkii sokeeye ee Somalia. Qoyskii Mohamed Said Duale, Dahabshiil, waxay ka mid noqdeen boqolaal kun oo qof oo khasab ay ku noqotay inay ka qaxaan dagaalladaasi, una qaxaan dhinaca Ethiopia. Halkaasi ayayna dib uga bilaabeen abaabulka shirkaddii Dahabshiil. Duruufaha cusub ee bilawgani ma ahayn meel amma waddan cusub oo qudha, waxase ka mid ahaa adeeggii iyo macmiishii oo iyagana isbedel ku dhacay, tartanno cusub oo ku soo kordhay suuqii ganacsiga noocaas ah, iyo xaaladihii gudaha ee gobolkaasi oo isbedelay oo noqaday gobol dagaallo sokeeye aafeeyeen oo aan lahayn sal siyaasadeed iyo mid sharciyeed oo deggan midna.
Labaatan sano ka bacdi, Shirkadda Dahabshiil waxay runtii noqotay shirkad caalami ah oo u adeegta dhammaan dadweynha Bariga Afrika. Waxa kale oo shirkaddu ay ku leedahay xafiisyo goboleed magaalooyinka London iyo Dubai. Laamo iyo wakiillo gaadhaya kumanaan ayaa iyaguna ku kala baahsan oo ka hawl gala ilaa 150 dal oo adduunka ku kala yaal. In kasta oo weli xawaaladdu ay tahay xuddun dhexaadda ganacsiga shirkadda, haddan shirkaddu waxay ballaadhisay noocyadakala geddisan ee  adeegyada ganacsi ee ay u fiidiso macmiisheeda caalamka.
Adeegyada cusub ee dhakhsaha ah ee shirkadda, waxa ka mid ah isgaadhsiinta SOMTEL, oo ay ku leedahay saami weyn, waana adeeg telifoon oo mobile ah oo la abuuray 2008-dii. Suuqyada adeegyada isgaadhsiinta Afrika waa qaar cammiran, si weynna u kobcay, waxana ka dhashay adeegyo la isku hallayn karo oo mobile ah oo qiime fudud jooga. Shirkadda Dahabshiil oo ka faa’iidaysanay adeeggan mobileka ee SOMTEL oo watta Internet dheereeya oo tayo fiican, ayaa ka dib awoddey inay bilawdo qaab xawaaladeed oo ku dhisan telifoonka mobile-ka oo ay ka hirgeliso gobolka. Isla markaana shirkaddu waxay sii ballaadhisay, korna u sii qaadday adeegyadii kale ee xawaaladda tooska ah ee Internetka ee lacag-qabashada iyo lacag-bixinta.
Nidaamkani waxa uu noqday mid ay aad ula qabsadeen macmiishu, kana mid ah qaababka ugu dhakhso badan ee xawaaladaha iyo ganacsiga ee Afrika gudaheeda iyo debaddaba, waxanu qaataa daqiiqado kooban in aad ku dirto lacag amma qaadato, meel kasta oo aad adduunka kaga sugan tahay.
Soo rogidda la soo rogey adeegga SOMTEL, waxay ahayd tallaabo kale oo la xidhiidhay samaynta 2009-kii adeegga kaadhka Dahabshiil ee ‘Dahabshii eCard’, ahna kii ugu horreeyey ee noociisa ahaa ee Somalia. Adeegga kaadhkani waxa uu fududeeyey culayskii iyo jiitankii ganacsigii ku xidhnaa rogrogista lacagah xaddiga badan ee naqadka ah ee Shiln-Somaaliga. Waxa kale oo kor u sii qaadaya adeeggan xawaaladda Mobile-ka. Dadka qaar ayaa xataa aaminsan in Somaliland ay noqon doonto dalka ugu horreeya adduunka ee ka maarma listicmaalka lacagayow naqad ah.
Abdirashiid Dahabshiil waxa uu rumaysan yahay in ganacsiga iyo adeegyada dhaqaale ee dalalka ka hooseeya saxaaraha ee afrika ay yihiin qaar rajo fiican leh, ayna jiraan fursado cusubi. Waxanu gunaanadkii hadalkiisa ku daray in “mustaqbalku uu yaallo Afrika”; iyo in kaalinta dhaqaale ee gobolkaasi uu ku leeyahay caalamka, inay tahay mid sii koraysa. Waxa kale oo sii koraaya, ayuu yidhi, adeegga lacagaha xawaaladda ee u socda gudaha.
Isaga oo ka hadlaya hawshiisa ah maamulaha guud ee shirkadda (CEO), Abdirashiid waxa uu ku tilmaamay inay ka mid tahay hubinta in shirkaddu la jaanqaaddo hadba fursadaha ganacsi iyo xaaladaha is bedelaya, samaynta maalgelin ku dhisan istraatijiyooyin habboon, iyo sahaminta suuqyo wax-ku-ool ah, iyada oo isla markaasi ku tiirsan oo daryelaysa ganacsigeeda asaasiga ah. Waxa kale oo ka miod ah ayuu yidhi, wax-ka-qabashada saboolnnimada miyiga iyo taageeridda dadweynaha Soomaaliyeed, ha noqdaan kuwa Afrka ku sugan amma kuwa adduunka ku kala baahsan, taasi oo ah  masuuliyadda shirkaddu iska saarto gacansiinta mashaariicda horumarineed ee dadweynaha.
END

Gabadh 11-Jir U Dhalatay Dalka Thailand Oo Wajiga Timo Ku Leh

Gabadh u dhalatay daka  Thailand ah oo lagu timaamo gabadha ugu timaha badan aduunka ee nool iyada oo lagu wado in dhawaan la gudoonsiin doono shahaadada gabadha ugu timaha badan caalamka. Gabadhan 11 jir ah oo u dhalatay dalka Thailand waa la yidhaa Supatra Sasuphan ayaa sheegtay in ayna waxba ka qabin in haatan uu buuga dhacdooyinka caalamka lagu qoro ee Guiness uu u aqoonsado ‘Gabadha ugu Timaha badan Caalamka’, balse hore ayay caan u ahayd. Gabadhan oo jecel in luugu yeedho “Nat,”  ayaa u sheegtay Guiness, “Ma dareemayo in aan ka duwanahay ruux kale, waxan ku leeyahay saaxiibo badan iskuulka. ” Marco Frigatti oo ah garsoore Guiness uu leeyahay ayaa yidhi “Waa gabadh  cajiib ah, waxay aad ugu faantaa shaqsiyadeeda, waxayna rabtaa in loola dhaqmo sidii qof kale loola macaamililahaa, wax dhib ihi mahayso, balse waa kuwa sida qaldan ula dhaqmo kuwa ay dhibta kala kulantaa.” Gabadhan ayaa sheegtay in ay aad uga hesho timaha dhamaan jirdheeda ka soo baxay oo dhan. Ma jecla gabadhan yar in loogu yeero magacyada inta badan ay ugu yeeraan dadka naxariista lahayn sida:- waji daanyeer iyo uubato/yeey, balse waxay si aad ah ugu raaxaysaneysaa caannimada ay dhawaan heshay, iyada oo dhawaan markii ugu horeysay lagu qaadey diyaarad. “Tima badidayda ayaa iga dhigtay qof heer sare ah,” ayey tidhi. Gabadhan yari waxana ay intaa sii raacisay Tani waa maalintii iigu farxadbada badneyd noloshayda” Gabadhan yar oo timo dhumucdoodu waa wayn yihiin ku leh wajiga, dhagaha, gacmaha, lugaha iyo dhabarka ayaa xitaa daawayn laser ah oo ladoonayay in lagaga jaro  lagu guul daraystay kadib  markii timehii lagag jaray laserka kuwa ka badan oo kasii dhumuc wayni kasoo baxeen.

Ferguson Oo Qorsheynaya In Uu La Soo Wareego Wiil Uu Dhalay Zidane Oo Jooga Real

Tababare Sir Alex Ferguson ayaa qorsheynaya in uu xagaaga la soo wareega wiilka uu dhalay halyeeyga reer France Zinedine Zidane. Enzo Zidane, oo 16 jir ah ayaa haatan la joogaa kooxda Real Madrid, halkaas oo uu qeyb ka yahay da’yarta Real Madrid. Sida ay qortay jariirada Daily Mirror Zidane ayaa doonaya in uu wiilkiisa u kexeeyo dhinaca Manchester United si uu uga faa’ideysto mustaqbalkiisa ciyaareed, waxana tababaraha Old Trafford Sir Alex  haatanba diirada u saaaran Enzo, Juventus ayaa sidoo kale isha ku heysa Enzo oo khadka dhexe ka ciyaara sidii aabihii Zinedine Zidane.
wargeyska The Mirror ee kasoo baxa dalka ingiriiska ayaa lagu daabacay “Zinedine wuu dareemi karaa in mustaqbalka wiilkiisu uu ku fiican yahay Manchester United sababta oo ah Sir Alex Ferguson waxa uu fursad siiyaa ciyaartoyda da’da yar ah” “Enzo ayaa waxa lagu qiimeyaa in uu yahay xiddiga mustaqbalka, waxana uu kasoo baxay booska khadka dhexe ee kubad sameeyaha taas oo lagu wado in uu qaado jidkii aabhii.

Jaamacadda Gollis Oo Lagu Soo Kordhiyey Kuuliyadda Caafimaadka


Hargaysa, April 12, 2011 (Burcotoday)  - Munaasinada lagu daah furaayey  Kuuliyada caafimaadka ee jaamacada Gollis iyo iskaashi ay la yeelan doonto 25 Jaamacadood oo caalamiya oo daafaha dunida ku kala yaala ayaa shalay lagu qabtay Hotel maansoor  ee magaalada Hargeysa.
Munaasibadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaarada waxbarasha Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, Gudoomiyaha jamadacada Gollis Proff. Siciid Axmed Xasan, Axmed Jaanbiir Suldaan oo ka mida maamulka jaamacadaasi, Gudoomiyaha Xafiiska sama-falka ee Madaxtooyada Somaliland, Xoghayaha Xisbiga UCID, waalidiin, Arday iyo waliba marti sharaf kale.
Munaasibadan oo si aad u heer sareeya loo soo qaban-qaabiyey  ayaa waxaa ugu horeyba halkaasi ka hadlay Axmed Jaanbiir Suldaan oo ka mida maamulka Jaamacad Gollis University waxaanuu ka war bixiyey heerka wax barasho ee jaamacada Gollis iyo halka uu marayo,  isaga oo sheegay inay jaamacadu soo martay marxalado kala duwan, isla markaana ay tahay jaamacada maanta xaga Injineerinka uu wanaagsay Somaliland, waxaana hadaladiisii kamid ahaa “Jaamacada Gollis waa jaamacada ugu wanaagsan xaga Injineerinka maanta dalkeena, waxay soo kordhisay oo hada jaamacada lagu baran doonaa Kuuliyada caafimaadka”.
Sidoo kala waxaa isna  halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha jaamacadda Gollis Proff. Siciid Axmed Xasan oo warbixin dheer ka bixiyey  heerka wax barasho ee jaamacadaas iyo waliba xidhiidhka ay la sameeyeen 25 jaamacadood oo caalamiya, isla markaana ku kala yaala  China, PHillippine, India iyo Netherland  ku waasi oo uu gudoomiyuhu sheegay inay iska kaashan doonaan maadooyin badan. mar uu arintaa ka hadlaayeyna waxa uu yidhi “Waxaan xidhiidh iskaashi oo caalamiya  jaamacada Gollis la samaysay 25 jaamacadood kuwaasi ardaydooda iyo ardayda Somaliland ay isku Subject barandoonaan”. “
Gudoomiyuhu waxaa kale oo uu shaaciyey inay ardayda ka baxda jaamacada Gollis ay si fudud ku tagi karaan jaamacadahaasi iyagoo si weyn loogu soo dhaweyn doono jaamacad kasta oo ka mida 25-ka jaamacadood ee aanu xidheedhka la leenahay, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa  uu yidhi ”Waxaan u sheegayaa ardayda iyo waalidiinta-ba in si weyn loogu soo dhaweyn doono  ardayda ka baxda jaamacadan Gollis dhamaanba jaamacadahaa kale, xaga kharashkana  ardaydu way ka jabnaan doontaa ardayda kale ee ka taga meelaha kale”.”
Ugu danbayntii waxaa halkaas hadalo kooban ka soo jeediyey Wasiirka wasaarada waxbarashada Marwo Sam-Sam Cabdi Aadan  oo sheegay sida ay uugu hawlan yihiin  sii ay horumar u gaadhsiin lahaayeen wax barashada dalka oo idil min Degmo-Degmo ilaa tuulo tuulo, iyada oo arimahaas ka hadlaysana waxa ay tidhi“”Si aan u tayeyno wax barashada waxaanu samaynay intii aanu xilka haynay inaan bilaash ka dhigno Dugsiya Hoose iyo kuwa Dhexe-ba, isla markaana aanu Macalimiin badan mushar siino. waxa kale oo aanu samaynay  Komishanka Tacliinta Sare  oo aanu hada dhamaystirnay samayntiisa kana dhiman tahay ku dhawaaqistii oo kaliyi kuwaas oo aanu ugu talo galnay inay kala shaandhayn ku sameeyaan jaamacadahan dalka ku soo badanaaye oo ay kala ogaadaan ta ardayda cilmi baraysa iyo kuwa kale”.”

Urur Siyaasadeed Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Laascaanood


“Udhis-ba soo-taa hawsheeda wadata, shirweynihii ururka-na dhawaan baanu qabanaynaa” Cabdi C/laahi Liibaan Afhayeenka Ururka
Hargeysa, April 12, 2011 (Haatuf) - Guddoomiyihii hore ee xisbiga UDUB ee Gobolka Sool Cabdi C/laahi Liibaan ayaa shaaca ka qaaday in urur Siyaasadeed cusub ee lagu Magacaabo Qabyo-diid ay kaga dhawaaqeen Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, isagoo tilmaamay-na inay taageersan yihiin in la furo ururada Siyaasada, isagoo intaa ku daray in ururkoodaasi ay Hogaankiisa iyo guddidii Fulinta ay ku dooran doonaan Shirweyne ay qaban doonaan dhawaan.
Waxaana ku dhawaaqista ururkaasi Haatuf u xaqiijiyay Cabdi C/laahi Liibaan oo isagu sheegay inuu yahay Afhayeenka ururkasi oo Xalay Khadka Telefoonka nagula soo xidhiidhay isagoo ku sugan Laascaanood, kaas oo uu sidoo kale sheegay in Bulshada ka soo jeeda Gobolka Sool marka la furo ururada Siyaasada ay kaga qayb gali doonaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ururkoodaasi, kuna baaqay in la furo ururada Siyaasada.
Cabdi C/laahi Liibaan oo arrimahaasi ka hadlayaana, waxa uu yidhi “Waxaan halkan ka cadaynayaa inaanu ku dhawaaqnay urur Siyaasadeed cusub oo lagu Magacaabo qabyo-diid, anigoo ah Afhayeenkii ururkaasi waxaananu ku baaqaynaa in ururada Siyaasada la furo si aanu tartanka doorashooyinka ugaga qayb-galno haddaanu reer Sool nahay ururkaasi oo aanu ka samaynay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool”
Mar aanu weydiinay Mr Liibaan in ururkoodaasi Sharci daro yahay, maadaama oo aan si sharciya wali loogu dhawaaqin fasaxaada ururada Siyaasada, waxa uu yidhi “Ururka UDHIS-ba soo-kaa hawshiisa iska wata, anagu Sharciga ku tuman maynee marka ururada Siyaasada la furo ayaanu ururkayagaasi kaga qayb-gali doonaa, waxaan se hadda kuu xaqiijinayaa in ururkaasi Qabyo-diid aanu hadda ku dhawaaqnay”.
Mar aanu weydiinay in urukoodaasi yahay urur Beesha Dhulbahante ku kooban iyo Xubnaha Siyaasiyiinta ah ee Guddoomiyaha ka ah, waxa uu yidhi “Somaliland oo dhan baa ku jirta, Shirkiibaa-na dhawaan la qaban doonaa oo lagu dooran doonaa Hogaankii iyo Guddidii fulinta, hadda se anigoo Afhayeen ah ayuun-baa ka sii Magacaaban wixii faah-faahin ah ee intaa dhaafsiisana mar dambe ayaanu ka warami doonaa iyo Xubnaha ku jiraba, waxan se kuu sheegayaa inaanu taageersa nahay in ururada Siyaasada la furo”.

Nimcaan Brian BowdenOo Aabihii S/land Yimid 1958-kii Oo Ka Dayriyey Xaaladiisa Nololeed, Xukuumadana Ugu Baaqay Inay Gacan Qabato

“Hal Guri Oo Aabahay Ka Dhintayna Dad Kale Ayaa Haysta Oo Dagay, Wakhtigana Darbiyada Ayaan Seexdaa, Ma Awoodo In Aan Maxkamad Tago”

Hargeysa, April 12, 2011 (Burcotoday) - Nimcaan Brain Bowden oo dadiisu tahay 21 jir ku nool caasimada Hargeysa ee Somaliland ayaa Aabihii Dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Ingiriiska, kaas oo Somaliland Yimid 1958-kii xiligii Somaliland ay ku hoos jirtay Mustacmaradii Ingiiska ayaa ahaa Ingineer ka shaqaynayey dhinaca biyaha ee Somaliland.
Bowden ayaa 1960-gii xiligii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Ingiriiska kaga hadhay dalka, isla markaana ka sii hawlgalayey wasaarada Macdanta iyo Biyaha, gaar ahaan Wakaalada Biyaha ee Hargeysa, isla markaana uu ka ahaa Ingineer.
Brain Bowden ayaa la xididay Somaliland isagoo guursaday gabadh reer Somaliland oo caruurtiisa uu ka mid yahay Nimcaan.
Nimcan Brain Bowden oo hadda ku nool caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa sheegay in xaaladiisa nololeed aanay wanaagsanayn, isla markaana uu marar badan isku dayey inuu is dilo, kaas oo wakhti sii horaysay damcay inuu qudha iska jaro kadib markii sida uu sheegay ay naftiisa la soo darseen warwar (Stress) farabadan iyo dhibaato kaga timid dhinaca bulshada maadaama uu yahay Nin Cad oo xaga midabka kaga duwan dadka Soomaalida.
Sidoo kale Brain Bowden ayaa ahaa ninka kaliya ee Ingiriis ah ee ka sii shaqaynayey Somalia xiligii rabshadaha ay bilowdeen Muqdusho ee lagu kacay dawladdii Maxamed Siyaad Barre, isla markaana ay icaadada BBC-du baahisay waraysi ay ka qaaday daqiiqado ka hor intii aan la dilin Brain Bowden, halka ay Radio Muqdisho-na baahisay Warka dila Bowden.
Nimcaan Barain Bowden ayaa sidaasi ku sheegay mar uu shalay nagu soo booqday xarunta Wargeyska Haatuf, waxaanu yidhi “Magacaygu Waa Nimcaan Brain Bowden, Aabahay Waxa uu ka shaqaynayey Wakaalada Biyaha ee Hargeysa ilaa 1958-dii intii aan lagu dilin Muqdisho oo uu u tagay hawl shaqo 1991-kii, xukuumaddiihii kala dambeeyey ee Somaliland kamaan halin wax xuquuqdii Aabahay, maadaama oo uu shaqaale dalka u ahaa, laakiin waxaan filayaa in xukuumaddan cusubi ay si degdeg ah wax iila qaban doonto. Wakaalada Biyaha Hargeysa dhawr jeer baan tahayb oo aan ka dalbaday in la iga shaqaalaysiiyo, balse cid igama shaqaalaysiin. Hal Guri oo Aabahay ka dhintayna dad kale ayaa haysta oo dagay markii ay hooyaday Dhimatay aniga oo 6 jir ah. Wakhtigana Darbiyada ayaan Seexdaa, ma awoodo in aan maxkamad tago, mana awoodo in aan hantidaydii ka qaato, Waayo Waxa aan ahay Dadka laga tirada badan yahay mid ka sii hooseeya.”
Mr Nimcaan ayaa sidoo kale Haatuf uga warmaay dhibaatooyinka uu kala kulmo bulshada uu ku dhex noolyahay, waxaanu yidhi “Ummadda oo dhan waan ka takooranahay midab ahaan, mar mar waxa dhacda aniga oo jidka maraya in ay maskaxdaydu baxdo oo aanay jooginba oo ay isigaan baabuurtu ina jiidhi gaadha, maanta haddii ay dhibaato igu dhacdo cid aan miciin bidaa ma jirto, waayo Qoyskii ay hooyaday ka soo jeeday waa dan yar oo wax ay haystaan ma jirto. Markii Aan Gacanta Iska gubay ee aan damcay in aan is dilo waxa igu kalifay waxa aan ahay nin ka midab duwan dadka uu la noolyahay oo haddii ay dhibaato qabsato uu dhibaatadii meel uu la tagaa aanay jirin illaahay mooyaane cid kale oo wax la qabataa jirin ayaa igu kalifay in aan ficilkaa ku dhaqaaqo. Inaad Gacan iska gubto iska daaye in aad qudhaba is dhaafiso ayaan waxba kugu ahayn. Ilaa lix jirkaygii oo hooyaday dhimatayna ilaa maanta oo aan 21 jir ahay dee nolol adag baan ku soo noolaa, Balse illaahay waxa aan ka rajaynayaa sidan si dhaanta”.

Fadeexad Ka Soo Baxday Tirinta Cododkii Mudanayaashu Ugu Kala Codeeyeen Ansixinta Xeerkii Isgaadhsiinta Oo Xoghayaha Iyo Ku Xigeenkiisu Musuqmaasuqeen

Shirguddoonka Wakiilada Oo Ka Fiirsanaya Talaabadii Laga Qaadi Lahaa Xoghayaha Iyo Ku Xigeenkiisa
Hargeysa, April 12, 2011(Burcotoday) - Tirinta codadkii ay mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ay ugu kala codeeyeen ansixintii Xeerka Isgaadhsiinta qaranka ee Axadii doraad ayaa la sheegay in Xoghayaha Golahaasi C/risaaq Siciid Ayaanle iyo ku xigeenkiisa Jamaac Cabdi Jiir ay Musuq-maasuqeen, isla markaana halkii ay 37 mudane cod gacan taag ah ugu codeeyeen Xeerkaasi meel-marintiisa ay u badaleen 34 mudane.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Shirguddoonka Wakiilada oo faah-faahin ka bixinaya in cod-bixintii ansixinta Xeerka Isgaadhsiinta Musuq-maasuq iyo is daba marin lagu sameeyey, hase yeeshee ilo xogogaal ah ayaa Wargeyska Haatuf u xaqiijiyay in Xoghayaha Golahaasi Mr C/risaaq Siciid Ayaanle iyo ku xigeenkiisa Jamaac Cabdi Jiir ay mudanayaal ka tirsan Golahaasi ay  ka soo dacweeyeen Shirgudoonka, isla markaana ay Xoghaynta ku soo eedeeyeen in tiradii cododkooda ay Musuq-maasuqeen, halkii ay 37 mudane ugu codeeyeen ansixinta Xeerka Isgaadhsiinta-na ay ka dhigeen 34 mudane, taas oo ilo wareedyadu-na sheegeen in Fadeexadaasi Musuq-maasuq ee dul hoganaysa Golahaasi Wakiilada ay ku cadaatay Xoghayaha iyo ku xigeenkiisa inay masuul ka ahaayeen tirada cod-bixintaas la qalday.
Shirguddoonka Golaha Wakiilada oo wakhtigan xaadirka ah ku simaha Guddoomiyaha Wakiilada uu yahay Guddoomiye ku xigeenka koowaad Md C/casiis Maxamed Samaale iyo mudanayaal ka tirsan Golahaasi ayaa la sheegay inay Shalay Shir ka yeesheen Fadeexada culus ee ka dhalatay tirinta codadkii ay mudanayaasha Wakiiladu ugu kala codeeyeen ansixinta Xeerka Isgaadhsinta oo ay ilo-wareedyadu intaa ku dareen in Shirguddoonka ay mudanayaal ka tirsan Goluhu ay kula garnaqsadeen in cidii masuulka ka ahayd marin habaabinta codadkii Golaha, haddaan talaabo laga qaadin aan dib loo aamini karin qaabka uu Goluhu codka ugu qaado Xeerarka iyo go’aamada ka soo baxa ee la meel-marinayo, kuna tilmaameen Fadeexad iyo Sum-cad daro dul hoganaysa Golahooda, isla markaana aan loo dul qaadan karin.
Shirguddoonka Golaha Wakiilada ayaa la sheegay inay ka wada hadlayaan talaabadii laga qaadi lahaa cidii dambigaasi Masuulka ka ahayd ee ku kacday in tirinta codadka ay si Sharci daro ah uga faa’idaystaan, uguna adeegsadaan danahooda gaar ahaaneed.
Fadeexadan lagu Musuq-maasuqay codadka ansixinta Xeerkaasi Isgaadhsiinta ee la meel mariyay ayaa ah Fadeexadii ugu horaysay ee ka soo ifbaxda Aqalkaasi Wakiilada ee Shacbigu soo doortay.

Markab Sida Muwaadiniin Reer S/land Oo Sabaynaya Meel 5Km Badda Kaga Beegan Buulacado Iyo Qaylo Dhaanta Dumar Xaamilo Ah Oo Saaran

Burco Today warar la hubo
“Anigu Waxaan Wataa 9 Caruur Ah Imikana Xaamilo Ayaan Ahay, Waxaan Ka Soo Cararay Rabshadaha Yemen, Hadana Waxaan Ku Go’doon-Sanahay Bad Waynta, Hargeysa Ayaan Ku Socday” Sahra Cumar Maxamed
Hargeysa, April 10, 2011 (bctHaatuf) – Markab sida Muwaadiniin u dhashay Somaliland oo ka soo kicitimay dalka Yemen, isla markaana ka soo cararay rabshadaha iyo kacdoonada siyaasadeed ee ka socda dalka Yemen ayaa sabaynaya meel 5Km dhinaca badda kaga beegan Buulacado oo ka tirsan Saylac..
Markabkan oo lagu magacaabo Saalaxu-Diin ayaa sida dad ka badan 70 qof oo u badan Caruur iyo Dumar, kuwaas oo qaar ka mid ah Haweenka Saarani ay xaamilo yihiin, sida uu Haatuf u sheegay Taliyaha Ciidamada Xeebaha Galbeedka Somaliland Ciise Axmed, kaas oo intaasi ku daray in Markabka ay soo wajahayday Cillad kaga timid dhinaca Ijiinka oo sababtay inuu Afar maalmood uu ku jiro badda, isla markaana uu dul sabeeyo bada, balse hadda Baroosinka ayaa loo dhigay.
Sidoo kale Wargeyska Haatuf ayay u suuro gashay inuu khadka Telefoonka kula xidhiidho markabka iyo dadka saaranba, kuwaas oo sheegay in xaaladoodu ay hadda wanaagsan tahay kadib markii Cunto iyo Biyo ay soo gaadhsiiyeen Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo Ciidamada Wadamada reer galbeedka ka jooga biyaha Badda Cas.
Ugu horayn Faysa Cilmi Axmed oo ka mid dadka Saaran Markabka Sabaynaya oo Xaamilo ah ayaa Haatuf u sheegtay inay ka soo kicitimeen Magaalada Ticis oo ka tirsan dalka Yemen, waxaanay intaasi ku dartay inay ka soo carareen rabshadaha Siyaasadeed ee ka taagan dalkaasi, waxaanay tidhi “Walaal halkan waxa aanu joognaa saddex cisho, habeenkii Arbacadii ayaanu ka soo baxnay Yemen oo waxaanu ku soconay Berbera, inkasta oo wax aanu cuno aanu helnay oo naloo keenay, anigu waxaan wataa laba Wiil imikana xaamilo ayaan ahay, waxa jirta iyaduna gabadh kale oo ay jug gaadhay markii ay markaba ka dhacday”.
Sidoo kale Waxa iyaduna Haatuf la hadashay gabadh kale oo Xaamilo ah oo magaceeda Noogu sheegtay Sahra Cumar Maxamed waxaanay tidhi “Walaal waxa aanu ka soo baxnay dalka Yemen gaar ahaan magaalada Ticis, waxaanan wataa 9 caruur ah, xaamilona waan ahayn, imikana waxa aanu ku go’doonsanahay bad waynta, waxa Yemen naga keenay baqdin aanu u baqanay naftayada iyo ta ubadkayagaba, isla markaana waxa aanu ku socdaa Hargeysa, markii horena waxaan ka tagay Hargeysa”.
Dhinaca kale Taliyaha ilaalada xeebaha Saylac Ciise Axmed ayaa Haatuf u xaqiijiyey in markabkani uu ka yimid dalka Yemen, isla markaana u ku socday magaalada Berbera waxaanu yidhi “Markabkani waxa uu ka yimid dalka Yemen dad ilaa dhawr iyo todobaatan qof oo iskugu jira Caruur, Dumar iyo Ragba, alaab badan oo bagaash ahina way saaran tahay waxaanu markabkan la yidhaa Saalaxu-diin, waa markab macruuf ah oo iskaga goosho Somaliland iyo Yemen, waxa la sheegay inay ciladi kaga timid mishiinka, taas oo keentay inuu badda dhexdeeda istaago oo uu sabeeyo. Markii ku soo  dhawaaday xeebaheena ayaanu gurmad samaynay anagu ciidan ahaan, markii aanu hawlgalka bilawnay waxa nala shaqeeyey oo dadka iyaguna u gurmaday ciidamada reer galbeedka ee ku sugan badda Cas, kuwaas oo dadkii markabka saarnaa wax siiyey. Markabku markuu soo galay biyaheena Baroosinkaa loo dhigay isaga oo markii hore sabaynayey, baroosinkuna ilaa imika halkii ayuu yaalaa”.
Dhinaca kale Taliye ku xigeenka ciidanka xeebaha Salal Abdiraxmaan Xasan Cali Geesaale oo isagu ku sugnaa markabka dushiisa ayaa Haatuf u sheegay in xaalada dadku ay aad u wanaagsan tahay, waxaanu sheegay in wax ay dadkaasi Cunaan loo geeyey, maanta galinka horena markab laga diri doono Berbera uu ka soo jiidi doono halkaas.
Si kastaba ha ahaatee waxa si weyn looga dayrinayaa xaalada dadkaasi inay halis gasho haddii aan laga soo daad-gurayn dadka saaran markabkaasi, iyadoo sidoo kalena ay sheegayaan dadka u dhuun daloola arrimaha baddu in aan lagu dagdagin jiiditaanka Markabka Ciladaysan, kaas oo sababi kara masiibo haddii qalabka lagu jiidayaa u go’o ama u furto, dadka oo saaran.

Saturday, April 9, 2011

Dadweynaha Djibouti Oo Maanta U Dareeraya Doorashada Madaxtooyada

Djibouti, April 7, 2011 (Burcotoday) – Dadweynaha reer Djibouti ayaa maanta u dareeraya goobaha cod bixinta ee dalkaasi si ay u codeeyaan doorashada Madaxtinimada dalkaasi oo maanta oo bishu 8 tahay ka bilaabanaysa.
Doorashadan dalka Djibouti ayay ku tartamayaan Madaxweynaha hadda talada dalkaasi aya Ismaaciil Cumar Geelle iyo Musharaxa madaxbanaan Maxamed Warsame Raage, kuwaas oo maalintii shalay soo gabogabeeyey ololihii doorashada ee ay muddada soo wadeen.
Shacabka reer Djibouti ayaa si weyn ugu diyaar garoobaya siddii ay doorashada uga qayb-gali lahaayeen, isla-markaana u soo dooran lahaayeen Madaxwaynaha dalkaasi hogaamin doona shanta sanadood ee soo socda.
Saadaasha doorashadan ayaa dadku ay u badinayaan inuu ku guulaysan doono Madaxweynaha hadda Talada dalkaasi haya Ismaaciil Cumar Geele oo sida la sheegay ah musharaxa ugu cad cad, kaas oo dadweyne isugu soo baxay Djibouti u sheegay in haddii la doorto uu dedaal iyo waxqabad muujin doono.
Sidoo kale Mushaharaxa Madaxweynaha ee dalka Djibouti ee Madaxa banaan Maxamed Warsame Raage ayaa isna dhiniciisa u sheegay taageerayaashiisa inuu wax weyn ka qaban doono horumarinta dalka.
Dhinaca kale hogaamiyaha xisbiga UMP ahna Madaxwaynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle, oo Shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Djiboutui ayaa ku dhawaaqay inuu aqbali doono natiijada ka soo baxda doorashada Madaxtooyada ee maanta dhacaysa, waxaanu yidhi “Shacabka waxaan ugu baaqayaa inay amaanka ilaaliyaan, haddii doorasahada la iiga guuleysto waan aqbalayaa, anigoo faraxsan ayaana xilka ku wareejin doonaa ruuxa iga guuleysta. Haddii aan doorashada ku guuleysto waxaan ku dadaalayaa sidii aan u horumarin lahaa mashruuca korontada iyo biyaha, sidoo kalena aan qiimo dhimis aad ah ugu sameyn lahaa qiimaha korontada.”