Tuesday, July 19, 2011

Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Oo Socdaal Shaqo Ugu Ambabaxay Djibouti

Hargeysa, July 19, 2011 (Burcotoday) - Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa shalay socdaal shaqo oo ku tagay wadanka Jabuuti ka dib markii ay marti qaad ka heleen wasaarada maaliyada ee dalka Jabuuti.
Weftigan Wasiirka Maaliyada waxa xubno ka ah Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo dalxiiska Md. C/Risaaq Khaliif Axmed iyo sarkaal ka socday Rugta Ganacsiga Somaliland.
Weftigan waxa madaarka Jabuuti shalay galab ku qaabilay Wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada Jabuuti u qaabilsan Miisaaniyadda Cali Siciid iyo Cabdi Ashkir oo ka mid ah saraakiisha wasaarada maaliyada.
Wasiirka Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo markii uu gaadhay Jabuuti madaarka ugu waramayay Saxaafadda ayaa sheegay in socdaalkoodu qaadan doono muddo sadex maalmood ah isla markaana ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Wasaaradaha dalka Djibouti.
Maxamed Xaashi waxa uu tilmaamay in socdaalkoodani uu ka dhashay marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen dawlada Jabuuti.
Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, ayaa isaguna uga mahad celiyay masuuliyiinta wasaarada maaliyada ee soo dhaweeyay waxaanu sheegay in socdaalkoodani uu qeyb ka yahay iskaashiga labada dal dhinacyadda dhaqaalaha.

0 comments:

Post a Comment