Sunday, July 3, 2011

madaxweyne Siilaanyo Oo magacaabay gudoomiyahii maxkamada sare

Siilaanyo Oo magacaabay gudoomiyahii maxkamada sare,
Hargysa,(Burcotoday )- Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta daboolka ka qaaday in jagadii gudoomiyaha maxkamada sare uu u magacaabay Yuusuf Ismaaciil Cali, warsaxaafadeed maantaka soo baxay xafiiska Siilaanyo ayaa lagu sheegay sidaasi

Waxaanu madaxweynuhu ku yidhi Digreetadiisa:-


Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland,


Markuu Arkay: Qodobka 97aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland,


Markuu Arkay: Qodobka 101aad
iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,


Markuu Tixgeliyey: Talada iyo soo
jeedinta Guddida Cadaaladda,


Markuu Aqoonsaday: Baahida wayn ee loo
qabo buuxinta hawsha jagadan Gudoomiyaha Maxkamadda
Sare ee Qaranka,


Markuu ku Qancay: Kartidiisa,
aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,


Markuu Isku Qanciyey: In uu hanan karo
xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka.


Wuxuu Go’aansaday


In Mudane, Yuusuf Ismaaciil Cali, laga bilaabo
taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Maxkamadda
Sare ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Masuulkani ayaa ka mid ahaa 20 xubnood oo ka tirsnaa garsoorka oo uu xiligii Rayaale uu dalka maamulaayay uu shaqada uga fadhiisiyay musuq maasuq iyo cadaalad daro, xiligaasi uu Rayaale shada ka fadhiisiyay waxa uu ka hawlgalaayay oo uu ahaa gudoomiyaha maxkamada ee Berbera isga oo ka horna ahaa gudoomiyaha maxkmada ee gobolka Hargysa oo masuulkani aad looga qaylin jiray.
Mana jiraan wax isbadal ah oo laga filan karo masuulkani, taasi oo uu Siilaanyo lumiyay fursad dahabi ah oo oo uu xilkani ugu magcaabi lahaa shaqsi dib u soo celiya cadaaladii oo jagadani u qalma.

0 comments:

Post a Comment