Tuesday, July 19, 2011

Gudomiyaha Arrimaha Gudaha Wakiilada Oo Sheegay Inay Maanta Golaha Hor Keeni Doonaan Xeerka Axsaabta Iyo Dooda Furitaanka Ururada Oo Xaasaasi ah


Hargeysa, July 19, 2011 (Haatuf)-Gudoomiyaha arrimaha gudaha iyo nabad galyada ee golaha wakiilada Somaliland mudane Siciid Cilmi Rooble, oo guddigiisu gacanta ku hayaan xeerka axsaabta siyaasada xeer lr 14/2000 iyo digreetadii madaxweynuhu ku soo ogolaaday furista ururada siyaasada ayaa sheegay, in fadhiga maanta ee golaha ay soo hordhigi doonaan xeerkaasi iyo tala bixintii uga soo baxday kulanadii ay la yeesheen saddexda xisbi iyo qaybaha bulshada.
Gudoomiyaha guddida arrimaha gudaha Md Siciid Cilmi Rooble, oo aanu xalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay, islamarkaana wax kaga waydiinay xeerka axsaabta siyaasada xeer lr 14/2000 ee guddigoodu ay naaqishaada ku samaynayeen xilliga ay golaha hor keenayaan, waxa uu yidhi “Xeerkaasi axsaabta siyaasada xeer lr 14/2000, oo aanu guddi ahaan gacanta ku  haynay waanu soo dhamaystirnay waajibaadkii goluhu naga sugayay, insha Allaahuna fadhiga maanta ee golaha ayaanu xeerka iyo warbixintayadaba hor keeni doonaa.
Xeerka axsaabta siyaasada xeer lr 14/2000, oo ahaa xeerkii saddexda xisbi ee hada jira lagu soo dhisay oo madaxweyne Axmed Siilaanyo wax ka badal iyo kaabis markii uu ku soo samayeeyay uu golaha wakiilada u soo gudbiyay digreetada uu ku fasaxay, in ururada siyaasada la furo ayaa la filayaa in golaha wakiiladu ay fadhiga maanta ku gudo galaan dooda xeerka axsaabta siyaasada, oo isaga ay ka muuqdaan qabyo badan oo la xidhiidha tafsiirka qodobadiisa oo u baahan in la dhamaystiro, islamarkaana lagu cadeeyo muddada jiritaanka axsaabta siyaasada oo aan hore ugu cadayn

0 comments:

Post a Comment