Monday, July 25, 2011

Madaweyne Siilaanyo Oo Talaabo Horumar Leh Ku Tilmaamay Bariis Laga Beeray Dalka Oo Si Wanaagsan U Soo Go’ay.

Hargeysa (Burcotoday)-Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ayaa  talaabo dhiirigelin leh oo loo qaaday dhanka horumarka ku tilmaamay bariiska laga beeray  dalka oo markii ugu horeysay la isticmaalay.
 Md Siilaanyo waxa uu hadalkan ka sheegay munaasibad lagu soo bandhigay bariiska cusub ee laga beeray dalka oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada, taasoo ay ka soo qaybgaleen  kooxo wasiiro iyo agaasimayaal isugu jirtay, isaga oo sheegaya in uu aad  ugu faraxsan yahay in markii ugu horeysay noloshiisha in uu cuno bariis laga beeray Somaliland oo wakhtigan ka yahay Madaxweyne. maanta ka qayb galay munaasibad qado ah oo lagu soo bandhigayay.

 “Waxaa farxad wayn inoo ah oo weliba aniga mid gaara ii sii ah,in aan halkan ku marti qaado Wasiirada oo ah madaxdii qaranka,iyada oo aynu maanta halkan ku cunayno bariiskii dalkeena ka baxay,taasi waxay muujinaysaa in aan dalkeena ka beeri karno kana soo saari karno bariis,hadhuudh iyo nooc kasta oo ah wax soo saar,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
 Waxa kale oo uu Madaxweyne ugu baaqay shacabka reer Somaliland in ay dadaal u galaan sidii ay dalkooda ugu beeri lahayeen dalagyo kala duwan si looga maarmo raashin laga keeno dibedaha oo ay ku baxdo lacag tiro badan.
“Waa in aynu ku dadaalno kuna dhiirano lagana hawl galo sidii aynu uga shaqayn lahayn in midhaha aynu u baahanahay aynu dalkeena kala soo baxno gaar ahaana bariiska oo aynu ula soo baxno sida aynu waxyaabaha kaleba ula soo baxno,haddii aynu ku dadaalno wax soo saarka dalkeena waxaynu kaga maarmaynaa cuntooyinka dibada inooga yimaada,” ayuu raaciyay Madaxweynuhu. 
 Wasaarada beeraha  Somaliland ayaa muddooyinkan dambe ku  hawalanayd sidii ay dalka ugu beeri lahayd bariis    ay Somaliland leedahay, waxaana ay  arrintan muujinaysaa in sida ay wasaarada ugu dadaalayso in  hoos loo dhigo badeecadaha raashinka ah  ee laga soo dhoofiyo wadamada kale.

0 comments:

Post a Comment