Wednesday, July 27, 2011

Faysal Cali waraabe oo Fagaare kala hadlay taageerayaal ganafkana ku dhuftay xilkaqaadistii gudida fulinta

July 26, 2011 - Written by editor

Hargeysa (Burcotoday) 25/07/2011 Isu soo bax ay manta taageerayaasha xisbiga UCID ku qabteen xarunta dhexe ee xisbiga UCID oo uu soo abaabulay gudoomiyaha Xisbiga UCID ee ay Gudida fulintu sheegtay inay ka qaaday xilkii uu xisbigaas ka hayay ayaa waxba kama jiraan kutilmaamay shirkii golaha fulinte ee xisbigaas.
Faysal cali waraabe oo ay garab taagan yihiin laba xubnood oo ka tirsan gudida fulinta ayaa sheegay in xisbigii ay ka dhex dilaacday SSC isl markaana waxa uu ku eedeeyey madaxda wada fadqalalada xisbiga dhexdiisa inay yihiin qaar uu isagu meesha keensaday oo uu wax ka dhigay.
“Ragii aan waday ee aan wax ka dhigay ayaa manta dagaalkii gondahayga ka bilaabay” ayuu faysal caliwaraabe madasha ka yidhi.
Waxa iyaguna madasha ka hadlay xoghayaha arimaha gudaha ee xisbigaas oo sheegay inay xisbiga kala jebinayaan ragas wax wadaa isla markaana waxa uu ku dhawaaqy in maalinta beri ah ay ku qaban doonaan Hargeysa shirweynihii xisbigaas ee loo baahan yahay buu yidhi inaad nagala soo qayb gashaan taageerayaashayadow.


0 comments:

Post a Comment