Sunday, July 24, 2011

Maleeshiyadda Nabad-diidka Ah Ee SSC Oo Xilkii Ka Xayuubiyey Saleebaan Xaglo-toosiye, Hogaamiye Cusub-na U Magacaabay Ku Xigeenkiisii

Laascaanood (BURCOTODAY)  July 24,2011 –Maleeshiyadda nabad-diidka ah ee SSC, ayaa ku dhawaaqday inay xilkii guddoomiyenimo ka qaadeen Saleebaan Axmed Ciise (Xaglo-toosiye), oo muddo soo hogaaminayay Maleeshiyadaas.
Golaha khusuusiga ah ee Maleeshiyadda SSC ayaa sheegay in shir maalmihii u dambeeyay kooxda uga socday deegaanka Dharkeyn-geeyo ay ku go’aamiyeen in xilka laga qaado Saleebaan Axmed Axmed Ciise (Xaglo-toosiye).
Madaxa warbaahinta ee golaha khusuusiga ah ee Maleeshiyadda SSC Mukhtaar Xirsi oo maanta shir-jaraa’id qabtay ayaa shaaciyay in golaha khusuusiga SSC go’aamiyay in xilka laga qaado hogaamiyihii hore ee Maleeshiyadda nabad-diidka ah.
Ninkan u hadlay golaha xilka ka qaaday Xaglo-toosiye ayaa sheegay in xil ka qaadista Xaglo-toosiye ay sababtay hawl-gudasho la’aan ka timid Saleebaan Axmed Ciise (Xaglo-toosiye) sidaa daraadeedna xilka laga xayuubiyo isaga oo maqan.
Sidoo kale Mr Mukhtaar Xirsi, waxa uu tilmaamay in golaha khusuusiga ah ee SSC shirkooda ku go’aamiyeen in guddoomiyaha cusub ee kooxda SSC uu noqdo ku xigeenkii Xaglo-toosiye oo ah Mr Cali Sabarey.
Hogaamiyaha cusub ee Maleeshiyadda SSC Cali Sabarey oo isna markii guddoomiyenimadiisa lagu dhawaaqay warbaahinta la hadlay ayaa balan-qaaday inuu qaadi doono talaabooyin muhiim u ah maleeshiyadda hogaaminteeda loo dhiibay.

1 comments:

Anonymous said...

waan ka xumahay hadalada ka soo yeedhaya habar-xabashiyeeda. waayo yaa nabada diiday hotta waa su'aale waxa diiday waa iidoorka doonaya kala dhantaalida dhulbahante ee dhulka dhulbahante xabada kku yimi kuna jooga . dadku ilaa ma waalee abtiyaal cayda daaya ta kale kolay waxa aan ku soo ceshenaynaa dhulkeena waa xabad iyo naftoo la huro laakiin dee bal sii adakaysta hadaan si kale wax u tilmaamona xaglo toosiye wuxu noqday qof noormal ah wax loo baahan yahay waa qof dagaalami kara .........

Post a Comment