Wednesday, July 27, 2011

Ciidamada Bileyska Oo Gacanta Ku Dhigay Xafiiskii Baasaaboorada Sheekh Shariif Lagu Bixinayay, Saddex Xubnood Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Xukuumada Oo Hore U Beenisay jiritaanka Xafiiskaasi

Hargeysa, July 21, 2011 (BURCOTODAY) – Ciidamadda Bilayska Somaliland ayaa hawlgal ay shalay ka fuliyeen Caasimada Hargeysa gacanta ku soo dhigay xafiiskii Baasaaboorada dawlada Sheekh Shariif ee Somalia lagu bixinayey, isla markaana xabsiga u taxaabay saddex nin oo ka soo jeeda Somaliland iyo Ducment-yada aqoonsiga Baasaaboorkaasi oo loogu tagay xafiiskaasi.
Xafiiskan Baasaaboorada dawlada Somalia lagu bixinayey ayay xukuumadu hore u beenisay inuu ka furan yahay caasimada Hargeysa, kaas oo muddooyinkii u dambeeyay-ba ka furnaa caasimada, balse aanay xukuumadu wax talaabo ah ka qaadin.
Waxa sidaasi shaaca ka qaaday Taliye ku xigeenka Bilayska Somaliland C/raxmaan Maxamed Fooxle oo xalay u waramay Idaacada dawlada ee Radio Hargeysa, kaas oo taliyuhu sheegay in hawlgalkaasi ciidanka Bilaysku fuliyeen uu in muddo ah ay dabagal ku hayeen kadib ay ku soo qabteen saddex xubnood oo Somaliland u dhashay iyo agabkii xafiiskaasi oo ay ka mid ahaayeen Baasaaboorada Somalia, waraaqo aqoonsiya iyo qalab ka mid ah Aaladaha loo adeegsado samaynta iyo bixinta Baasaaboorada sharci darada ah.
Taliye ku xigeenka Bilayska C/raxmaan Fooxle, waxa kale oo uu sheegay in ciidanka Bilaysku ay muddo-ba ku daba jireen xafiiskaasi lagu bixinayay baasaaboorka dawlada Somalia, balse ay ku guulaysteen in xafiiskaasi sharci darada ah hawlgalkii ay ku hayeen, isagoo intaa ku daray in sharciga la hor gayn doono saddexda nine e Bilaysku u qabteen dhacdadan, oo aanu magacooda xusin taliyuhu, balse uu cadeeyay inay ka soo jeedaan Somaliland.
Dhinaaca kale xukuumada Somaliland ayaa iyadu hore u beenisay jiritaanka xafiiska baasaaboorada dawlada Somalia uga furnaa Hargeysa, taas oo agaasimaha guud ee arrimaha dibada Mr Maxamuud Raage oo dhawaan soo saaray warsaxaafadeed ayaa beeniyay, isla markaana ku tilmaamay war aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo dhinaca kalena madaxa laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cismaan Caalin oo Haatuf wax ka weydiiyay muddo toban maalmood ka hor waxa ka jira xafiiskaasi uu isaguna beeniyay, isaga oo sheegay in aanay suurtagal ahayn in xafiis Baasaaboorka Somalia lagu bixiyaa Hargeysa ka furan yahay.

0 comments:

Post a Comment