Wednesday, March 14, 2012

Maxamud Madaxwayne Siilaanyo Oo Baarlamaanka U Gudbiyey Tallo Soo Jeedin Haweenka Iyo Dadka Laga Tirada Badan Yahay Siinaysa Kuraas kooto Ah Oo Ay Ku Yeeshaan Golayaasha



Hargeysa (Halbeegnews)–Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa golaha wakiilada u gudbiyey tallo-bixinta guddida Gudida Daraasaynta Xoojinta Kaalinta haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay ee ka qayb-galka siyaasada, kaasi oo guddidu Madaxwaynaha u gudbiyeen.
Gudida Daraasaynta Xoojinta Kaalinta haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay ee ka qayb-galka siyaasada oo Madaxwayne Axmed Siilaanyo u xulay inay daraasad ku soo sameeyaan sida ugu haboon ee haweenka iyo dadka laga tiradda badan uag qayb-qaadan karaan siyaasada iyo hogaanka dalka ayaa soo jeediyay tallooyin la xidhiidha in haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay kuraas laga siiyo golayaasha Guurtida iyo wakiilada iyo waliba golayaasha deegaanka dalka, inkasta oo beesha Tumaaluhu ay guddida u sheegeen inay cod wax ku doonayaan.
Sidoo kale guddida oo tallo-bixinta ay Madaxwaynaha u gudbiyeen oo Waaheen nuqul ka mid ah helay ayaa tallooyinka ay soo jeediyeen waxa ka mid ah in golaha Wakiilada haweenka laga siiyo 8 kursi, halka rayiga guddidu ka qaaday haweenka ay ku sheegeen in aanay wakhtigan diyaar u ahayn inay galaan Golaha Guurtida, balse guddidu waxay ku taliyeen in haweenka 8 xubnood laga siiyo, haddii uu isku rogo gole siyaasadeed.
Tallo-bixinta guddida oo Madaxwaynuhu u gudbiyey golaha wakiilada ayaa Madaxwaynuhu waxa uu mudanayaasha wakiilada ka dalbaday inay meel-mariyaan “Mudanayaal waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa tallo-bixinta ay gaadheen Gudida Daraasaynta Xoojinta Kaalinta haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay ee ka qayb-galka siyaasada, sidaa daraadeed waxaan idinka rajanayaa inaad waafajisaan shuruucda dalka idinka oo ka gudanaya waajibaadkiina wakhtiga ugu haboon”
Ka sakow codsiga Madaxwaynaha, guddida Daraasaynta Xoojinta Kaalinta haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay ee ka qayb-galka siyaasada, waxay tafaasiil ka bixiyeen hanaankii ay u hawl-galeen “Tan iyo markii la unkay Somaliland, waxa jiray dedaalo isdaba jooga oo haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay ugu ololaynayeen sidii ay u heli lahaayeen xuquuqahooda kala duwan, gaar ahaan ka qayb-galkoda siyaasadeed ee talada dalka, hanaankii nidaam beeleedka waxa uu u suurtogaliyey in dadka laga tiradda badan yahay ay ka mid noqdaan golayaasha qaranka sida Wakiladda iyo Guurtida, inkasta oo haweenku ka maqnaayeen golayaashaasha sharci-dejineed, markii Somaliland u guurtay hanaanka dimuqraadiga ah, beelaha laga tiradda badan yahay kumay guulaysan inay kaalin ka helaan golihii loo tartamay, waxa kale oo muuqatay in haweenay kali ahi ku soo baxday tartankii doorashada, sidaas daraadeedna ay adag tahay in haweenku tartan doorasho wax ku helaan” ayaa lagu yidhi war-bixinta la socotay tallo-bixinta guddidaasi, oo intaasi ku daray “Waxa jirtay in 2008-dii, ay kooxaha u ololeeya haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay isku dayeen in kooto looga gooyo golayaasha sharci dejinta, golaha wakiiladu waxa uu diyaariyey sharci arintaasi ku saabsan, hase-yeeshee waxa diiday golaha Guurtida, waxa iyana jirtay, In xsbiga Kulmiye intii aanu tallada qaban uu barnaamijkiisa siyaasadeed ku qoray in haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay uu golayaasha qaranka uga qoondeynayo tiro kuraas ah, golaha Guurtida oo hore u diiday in dadkaasi kooto, ayaa markii xukuuumada uu hogaaminayo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku guulaysatay talada dalka, soo jeediyay in ka qayb galka haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay laga yeesho tallo-qaran”
Guddidu waxa kale oo ay qoraalkooda tallo-bixinaneed ku yidhaahdeen “Madaxwaynuhu isaga oo ka ambo-qaadaya, arimaha kor ku xusan, ayuu magacaabay guddi qaran oo ka soo talisa sida ugu haboon ee arimahaas wax looga qabanayo, sidaa daraadeed Guddidu waxay asi rasmi fikradahooda oo qoraal ah ka ururisay in ka badan 125 haween ah, in ka badan 100 xubnood oo dadka laga tiradda badan yahay ah iyo in ka badan 150 ka socda madax-dhaqameedka, culimada, aqoonyahanka iyo waxgaradka kale ee bulshada ee shanta gobol ee Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer iyo Sanaag iyo waliba 15 xubnood oo ka kala socda saddexda xisbi Qaran, natiijada daraasadaasi ka soo baxday ee ay ka helaan dadkii ay la kulmeen intooda badan way taageereen in haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay ay ka qayb-galaan tallada dalka, gaar ahaana ay ka muuqdaan golaha wakiilada iyo kuwo deegaanada, marka arinta  Golaha Guurtida dad badan oo haweenku ka mid yihiin ayaa walaac ka muujiyey ka mid noqoshada haweenka ee Golahaas, haweenku waxay tibaaxeen in wax hunguri ahi ka hayn golaha Guurtida, haddii golahaasi sii ahaanayo golle dhaqan, haddiise golaha Guurtida u xuubsiibanayo gole siyaaasdeed sida golaha wakiilada, kolkaas haweenku waxay sheegeen inay doonayaan inay sadkooda ku yeeshaan, sidaas oo tahay dadku iyagga oo tixgainaya inay golaha Guurtida wakhtigan ku jirto haweenay, waxay ku taliyeen in haweenka lagu darro golahaas”
Gudida Daraasaynta Xoojinta Kaalinta haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay ee ka qayb-galka siyaasada oo muddo ku hawlanaa sidii ay tallo uga keeni lahaayeen hanaanka ugu macquulsan ee dadka laga tiradda badan yahay iyo haweenku siyaasada uga qayb-qaadan karaan ayaa ku taliyey “Inkasta oo aynu kor ku cadaynay codsiyadii haweenka, beelaha laga tiradda badan yahay iyo aragtiyihii bulshada inteeda kale, isla-markaana aanu soo bandhigtay celceliska aragtiyahaa, haddana waxay guddidu ku tallo- bixinaysaa in marxaladan la joogo laga siiyo haweenka iyo beelaha laga tiradda badan yahay golayaasha sharci dejinta tirooyinkan hoos ku qoran.
CidaGolaha DeegaankaGolaha WakiiladaGolaha Guurtida
Dadka Laga tirada badan yahayHal Kursi (Lixda Magaalo madax ee goboladii hore iyo GabileyHal KursiHal Kursi
Haweenka15%10% oo u dhigma 8 KursiHaddii uu sii ahaado golle dhaqan uu ku ekaado odayaasha, haddii’se dabeecadihiisa wax iska bedelaan in markaa haweenka laga siiyo 10% oo u dhigma 8 kursi.
Dhinaca kale, beesha Tumaalaha oo ka mid ah beelaha laga tiradda badan yahay isla-markaana ka mid ah dadka la doonayo in kooto loo xidho ayaa diiday isla-markaana cadaysay inay cod wax ku doonayso “Waxa xusid mudan in beesha Tumaalaha oo guddidu ay u arkeysay inay ka mid tahay beelaha ay ahayd in looga faa’ideeyo daraasadan ay ergooyinkii ka socotay beeshaas ee ay guddidu kula soo kulantay 5 ta gobol ee aynu kor ku soo sheegnay ay si aan khilaaf lahayn guddida ugu cadeeyeen “In aanay beeshaasi diyaar u ahayn in kooto wax lagu siiiyo balse ay sida beelaha kale ee Somaliland ay ka qayb-galayso tartanada loo gelayo doorashooyinka oo ay cod wax ku doonayso wixii ay cod ku waydana aanay si kale ku qaadaneynin”sidaa waxa lagu yidhi tallo-bixinta guddidaasi.

0 comments:

Post a Comment