Wednesday, March 14, 2012

Madaxweyne SiilaanyoIsku shaandayn ku sameeyay Golihiisa wasiirada Magacaabayna Wasiir Kale, Isku Shaandhayna Sameeyey


Madaxweyne Siilaanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Magacaabayna Wasiir Kale, Isku Shaandhayna Sameeyey Cabdicasiis Samaale Oo Golaha Wasiiradda Ku Jira

Posted by  on Mar 14th, 2012 and filed under featuredtoday's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry
Hargeysa (Halbeegnews)– Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa goor dhawayd wareegto uu ka soo saaray xafiiskiisa wuxuu xilkii kaga qaaday Wasiirkii maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, wuxuu sidoo kale xilalkoodii ka qaaday wasiiro door ah oo ka tirsan golaha wasaaradda, Madaxweynahu wuxuu xilka wasaaradda maaliyadda u magacaabay Guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee golaha Wakiiladda Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Haddaba magacaabista iyo isku shaandhaynta golaha Wasiiradda akhris wacan:
War-saxaafadeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu isku bedel shaqo, Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida Golaha Wasiiradda, Wasiir ku-xigeenada iyo Hay’adaha Dawladda qaar kamida.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.
Waxa uu Xilalkii ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Madaxda Hay’adaha Madaxa banaan qaarkood, isal markaana Madaxweynuhu waxa uu Xilalkaa ay baneeyeena u magacaabay Masuuliyiin Cusub oo kala ah:-
Magac-yada Masuuliyiinta Cusub 

Magacaabidda
Wasaaradda loo magacaabay
1 Cabdicasiis Maxamed Samaale Waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada
2 Axmed Cabdi Xaabsade
(Hore u ahaa Wasiirka War-faafinta) Waxa loo magacaabayWasiirka W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
3Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe)Waxa loo magacaabayWasiirka W/Warfaafinta
4Cali Siciid Raygal
(Hore u ahaa Maareeyaha Madbacada Qaranka)Waxa loo magacaabayWasiirka W/Cayaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka
5Maxamuud Axmed Barre (Garaad)Waxa loo magacaabayWasiirka W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada
6Cabdilaahi Abokor Cismaan (Xil Cusub)
Waxa loo magacaabayWasiir ku-xigeenka Daakhiliga ee dhinaca Amniga, halka Wasiir ku-xigeenkii hore uu ahaan doono Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Maamulka ee W. Arrimaha Gudaha
7Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani)Waxa loo magacaabayWasiiru-Dawle Cusub W-Maaliyada ah
8Mawliid Maxamuud IbraahimWaxa loo magacaabayWasiir ku- Xigeenka W/Arrimaha Dibadda
9Nuux Sheekh Muuse Ducaale Waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha
10Maxamed Cumar CabdilaahiWaxa loo magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha
11Mudane Axmed Xuseen Oomane Waxa loo magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka South Sudan
Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahad-naqaya mudadii ay xilkaa soo hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabistuba isla markaana xilku yahay Meerto waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Masuuliyiintan:-
Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday Xilka uu hayey
1 Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirkii W/ Maaliyadda
2 Prof. Ismaacil Muumin Aar Wasiirkii W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
3 Ilhaan Maxamed Jaamac Wasiirkii W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada
4 Dr. Axmed Xaashi Oday
Madaxweynuhu waxa uu faray Masuulkan in uu xilka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ku wareejiyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta oo si ku meel gaadha u sii hayn-doona inta Masuul Cusub loo soo magacaabayo xilka WasaaraddaWasiirkii W/Boosaha iyo Isgaadhsiinta
5 Cabdi Siciid FaahiyeWasiirkii W/Cayaaraha ,Dhalinyarada iyo Dhaqanka
6 Warsame Siciid CabdiWasiir ku-Xigeenkii W/ Maaliyadda
7 Maxamed Yoonis CawaaleWasiir ku-Xigeenkii W/Arrimaha Dibadda
8 Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil Gudoomiyihii Hay’ada Shaqaalaha (Civil Service commission)
9 Axmed Cali Xirsi (Sulub)Deputy: ku-xigeenka Gudoomiyaha Hay’adda shaqalaha

0 comments:

Post a Comment