Saturday, March 24, 2012

heeso qoraala & fanaankii waynaa ee MAXAMED MOOGE

Mudantii haweenkaay
marwadii la sheegee
dadku wada majiirtaay
dumar lama mid dhigayee
muxubada kal gacalkaa
laanyahay magooshee
midhihiyo caleentiyo
manka lagu talaalee
ubax lagu mariimee
qurux lagu manaystaay
mudo aan yarayn baan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenadan
sida mayayga roobkoo
hadba maayad keenaa
ii muuqa taayee
muxibada kalgacalka
hadba soo mir kacayaa
Midhaha hadalku leeyey
ereygiisa ma huraan
waana loo mashxaradaa
midaa taaladeedaa
igu mayracaysaa
marti waa la sooraa
magan waa la bixiyaa
haw udhuran masuuge
maahmaahda sheegtayoo
dhibtan ha igu madinine
mudo aan yarayn baan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenadan
sida mayayga roobkoo
hadba maayad keenaa
ii muuqa taayo
muxibada jacaylka
hadba soo mir kacayaa
Masalooyin dhawroo
mahadhooyideedaan
kuu marinayaaye
maqal waanadaydanoo
miisaan warkeygoo
caynkii xalaytoon
waaba midhiq ii odhan
madaxaanba duubtee
naftu way ku maagtayoo
kaa maar mi waydayee
mudo aan yaraynbaan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenada
sida mayayga roobkoo
hadba maayad keenaa
ii muuqa taayo
muxibada jacaylkaa

1 comments:

Anonymous said...

ilaahayaw godka u nuuri aaaaaaaaamin aaaaaaaaaaaaaamin

Post a Comment