Wednesday, March 14, 2012

GUdoomiye Ku Xigeenkii 1-aad ee Golaha Wakiiladda Cabdicasis Samaale Oo Iscasilaadiisii xubinimo iyo xigeenkii Wakiiladda U gudbiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda


Guddoomiye Ku Xigeenkii 1-aad ee Golaha Wakiiladda Cabdicasis Samaale Oo Iscasilaadiisii xubinimo iyo xigeenkii Wakiiladda U gudbiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda

Posted by  on Mar 14th, 2012 and filed under featuredtoday's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry
Hargeysa (Halbeegnews)– Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Wakiiladda imikana loo magacaabay xilka Wasaaradda maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isla maantaba wuxuu u gudbiyey golaha Wakiiladda istaqlaaladda shaqo ka tagistiisa si uu ugu madax banaanado qabashada xilka wasaaradda Maaliyadda.
Mudane Samaale ayaa qoraalka istiqlaaladda uu u gudbiyey golaha Wakiiladda Somaliland wuxuu ku yidhi sidani:
“Anigoo ah Md Cabdicasiis Maxamed Samaale waxaan halkani ku caddaynaya in maanta oo arbaca ah taariikhduna tahay 14.03.2012 iska casilay xilkii Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubinimadii golahaba.
Waxaan si weyn uga mahad-naqaya shir-guddoonka iyo dhammaan mudanayaasha golaha Wakiiladda JSL oo aan muddo dheer soo wada shaqaynay.
Waxaan Golaha ka rajaynayaa inay aqbali doonaan iscasilaadayda
Alla Mahad Leh
Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale”
qoraalka istiqlaaladda Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Wakiiladda Samaale ayaa ka danbeeyey ka dib markii uu maanta loo magacaabay xilka wasiirka maaliyadda, xilkaasi oo laga qaaday Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo dadweynaha reer Somaliland ay afka iyo gacanta saareen markay maqleen xilka Xaashi laga qaaday.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com

This post has been viewed 64 times.

0 comments:

Post a Comment