Saturday, March 24, 2012

Golaha wakiiladda oo iska dhex doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad iyo magacyadda masuuliyiintan cusub



Golaha wakiiladda oo iska dhex doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad iyo magacyadda masuuliyiintan cusub


(Hadhwanaagnews) Saturday, March 24, 2012
Golaha wakiiladda oo iska dhex doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad iyo magacyadda masuuliyiintan cusub

Hargeysa (HWN) Mudaneyaasha golaha wakiiladda ayaa maanta fadhigoodii ku doortay guddoomiyaha koowaad iyo labaad ee aqalkaasi.
Fadhigan saaka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayay mudaneyaashu aqlabiyad ugu doorteen guddoomiye ku xigeenka 1-aad in uu noqdo Mud. Baashe Maxamed Faarax, halka guddoomiye ku xigeenka koowaadna loo doortay Md. Cali Yuusuf Axmed.
Fadhigan oo ay ka soo xaadireen 64 mudane ayaa waxa 39 mudane ay ku doorteen in uu noqdo guddoomiye ku xigeenka 1-aad baashe maxamed Faarax, halka ibraahim axmed oo u taagnaa isna jagadda guddoomiyeay u codeeyeen 22 mudane, waxaan ka amusay 3 mudane.
Dhinaca kale mudaneyaasha ayaa guddoomiye ku xigeenka 2-aad u dooartay xildhibaan Cali Yuusuf axmed oo helay 43 mudane, halka axmed yaasiin sheikh cali ayaanle  uu isna helay20 mudane.
Sidaas ayaanay saaka mudaneyaasha golaha wakiiladdu ku doorteen in labadaas mudane ay noqdaan guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee golahaasi.

0 comments:

Post a Comment