Wednesday, March 14, 2012

Madaxtooyada Oo U Fidisay Badhasaabkii Hore Ee Gobolka Hargeysa Xamarje In Damiin Lagu Sii Daayo, Xamarje Oo Ku Gacan Saydhay iyo Ammaanka Wasiirka Madaxtooyada Oo La Adkeeyey


Madaxtooyada Oo U Fidisay Badhasaabkii Hore Ee Gobolka Hargeysa Xamarje In Damiin Lagu Sii Daayo, Xamarje Oo Ku Gacan Saydhay iyo Ammaanka Wasiirka Madaxtooyada Oo La Adkeeyey

Posted by  on Mar 13th, 2012 and filed under featuredtoday's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry
Hargeysa (BURCOTODAY)– Warar shabakadda  caalamiga ah ee  Halbeegnews ay heshay  ayaa xaqiijinaya in Madaxtooyadu ay aqbashay gallabta in damiin lagu sii daayo Badhasaabkii gobolka Maroodi Jeex Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarje iyo laba masuul oo intoodaba dhawaan xilka lagaga qaaday falal lagu sheegay Musuq maasuq,balse warka ayaa tibaaxaya in markii qoraalka damaanadda ah ay xeer ilaalintu u gudbisay waaxda asluubta la sheegay inuu Badhasaabku diiday in damiin lagu sii daayo balse uu sheegay in lagu soo caddeeyo danbiga lagu eedeeyey.
Arrintani ayaa ku soo beegantay ka dib markii kooxo dhalinyar ah oo aad u tiro badan oo qaarkood ay hubaysanyahiin ay ku henjabeen inay weerari doonaan Wasiirka Madaxtooyada iyo qoyska Madaxweynaha Somaliland iyagoo kaga aargoosanaya falkaasi lagu fuliyey Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Xamarje oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid siyaasadaysan.
waqooyiga galbeed ee caasimada Hargeysa ayaa la sheegay inuu maanta ka dhacay fal ay dhalinyaradaasi Xamarje taageersani ay ku weerareen gaadhi ay ku khaldameen oo uu leeyahay Wiil dhalinyar ah oo Madaxweynahu Sogo u yahay, dhinaca kalana ammaanka Wasiirka madaxtooyada iyo guriga uu caasimadda Hargeysa ka degenyahay ayaa aad loo adkeeyey iyadoo la dhoobay ciidamo xad dhaaf ah oo ilaalinaya.

0 comments:

Post a Comment