JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Republic of SOMALILAND
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
Date: 05/12/2010
Hargeisa
Hargeisa
War-Saxaafadeed
Weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo wali ay u socoto booqashadii ay ku joogeen dalka boqortooyada Ingiriiiska, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyo Mucaawimada dibadda ee Ingiriiska Md. Andrew Mitchel.
Kulankan oo ay Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed C/llaahi Cumar, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, iyo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Xirsi X Cali. Waxa uu Md. Andrew Mitchel ugu horeyntiiba ku hambalyeeyay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo doorashada loo doortay kursiga madaxtinimada Somaliland, isagoo shacbiga reer Somaliland ku bogaadiyay sida nabadgalyada leh ee doorashadaasi ku dhacday. Wasiirka Iskaashiga iyo Mucaawimada dibadda ee Ingiriiska Md Mitchel waxa uu intaasi ku daray in dowladda Ingiriisku kor u qaadi doonto taageerada ay siiso Somaliland shanta sanno ee soo socda.
Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu waxay si mug leh oo balaadhan uga warbixiyeen qorshayaasha lagu horumarinayo dalka iyo dedaalka xukuumada Somaliland ugu jirto kor u qaadida hawl-galada ka socda dalka ee ku wajahan horumarka iyo dhismaha dalka. Waxaanay halkaasi ku soo bandhigeen oo sharaxaad ka bixiyeen weftigu qorshayaasha xukuumada ee dhinacyada waxbarashada , caafimaadka, biyaha iyo horumarinta kaabiyada dhaqaalaha sida dhismayaasha dekadaha, garoomada, waddooyinka, Leydhka iyo isgaadhsiinta.
Madaxweyne Siilaanyo Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Wasiirka Iskaashiga iyo Mucaawimada dibadda ee Ingiriiska Md. Andrew Mitchel waxa kale oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka iyo wada shaqaynta labada dal ka dhexeysa (Somaliland iyo Ingiriiska), gaar ahaana waxay si aada uga wada xaajoodeen xagga nabadgalyada, fidinta dimuqraadiyada iyo adeegyada bulshada ee ay dowladda Ingiriisku gacanta ka geysato.
Kullankan labada dhinac dhexmaray waxa uu ku dhamaaday jawi guul iyo is afgarad ah, waxaanay madaxweynaha iyo weftigiisuna uga mahadceliyeen dowladda Ingiriisku sida qiimaha leh ee ay ugu soo dhaweeyeen dalkooda iyo kaalmada joogtada ah ee ay u fidiyaan Jamhuuriyada Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
0 comments:
Post a Comment