Waanu Soo Dhawaynaynaa Aftida Konfurta Sudan Loo Qaadaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland |
Sunday, 19 December 2010 | |
Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa waxa uu sidan ka sheegay mar uu maanta u waramayey idaacada BBC-d, waxaana uu sheegay inay aad u soo dhawaynayaan ka xukumad ahaan afitida laga qaadayo dadweynaha ku dhaqan koonfurta dalka Suudaan, taasoo uu sheegay inay soo dhawayanayso aqoonsiga Somaliland. Md Cumar oo arintaas ka hadlayaa waxaa uu yidhi “Aad ayaanu u soo dhawaynaynaa aftida bisha dambe lagu waydiinayo dadweynaha ku dhaqan koonfurta Suudaan inay ka go’aan Suudaan inteeda kale iyo in kale, arintan hadii lagu guulaysto waxa ay iridaha u furaysaa qadiyada aqoonsi raadiska ee Somaliland.” Sidoo kale Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar wasiirka arimaha dibedda Somaliland waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin shir ay mucaaridka Somaliland sheegeen in uu Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland uga socda magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti. |
0 comments:
Post a Comment