Hargaysa-(Togdhnews)-Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland C/casiis Maxamed Samaale ayaa maanta faahfaahin ka bixiyay kulamadii ay yeesheen intii safarka ugu maqnaayeen dalka Dibediisa. Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Adis Ababa isla markaana si weyn saxaafada kula hadlay Degmada Wajaale halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay ayaa sheegay inay dhamaan kulamadii ay yeesheen ay ugu dhamaadeen guul iyo asgarad, waxaana uu xusay inay Adduun waynuhu si weyn ula riyaaqay Golaha Wakiilada Somaliland oo uu sheegay inay ku tilmaameen Gole Dimoqraadi ah. Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada C/casiis Maxamed Samaale oo ka hadlay Mooshinka la horkeenay golaha Wakiilada ayaa sheegay inay xildhibaanadu xaq u leeyihiin in mooshin la horkeeno Golaha balse ay muhiim tahay inuu maro sifaha sharciga ah ee u yaala dalka iyo Golahaba, waxaana uu ku eedeeyay Xildhibaanada wada Mooshinkani inay yihiin kuwii ugu habsanka badnaa Golaha ee inta badan ku marmarsoon jiray xanuunka, waxaana uu tilmaamay Golaha Wakiilada inuu yahay gole gudanaya Waajibkiisa isla markaana waxyaabo badan u qabtay dalka soona shuruuc badan. |
0 comments:
Post a Comment