Monday, December 27, 2010

Dardartii markhaatiyadda + dalabkii qareenka ninka Jarmalka ah + doodii xeer-ilaalinta + daadafayntii iyo maamulidii habsami u-socodka dhegaysiga dacwada ee garsooraha maxkamadda

Nuxurka Eedaha loo Haysto Ninka Jarmalka ah iyo Haweenay Reer Somaliland ah oo Dacwadoodu ka Furantay Mandheera
 
Dardartii markhaatiyadda + dalabkii qareenka ninka Jarmalka ah + doodii xeer-ilaalinta + daadafayntii iyo maamulidii habsami u-socodka dhegaysiga dacwada ee garsooraha maxkamadda

21 kii sawir ee maxkamadda la horkeenay, dhaygagii iyo isdifaacidii labada eedaysane
Codsigii Guddoomiyaha xee-ilaalinta Gobolka Hargeysa, gunaanadkii wejiga hore ee dacwadda, jawigii guud ee Mandheera, bariiskii barruurta cad lagu dhex kariyey iyo soo dhawayntii askarta

Hargeysa (Jam)- Dhegaysiga dacwadda nin Jarmal ah oo lagu magacaabo Guntar Bischoss iyo gabadh reer Somaliland oo lagu eedeeyey falal dhaqan-xumo ah oo ka baxsan anshaxa dhaqanka iyo diinta islaamka, ayaa shalay si rasmi ah uga bilaabantay xarunta dugsiga tababarka Mandheera oo dhinaca bari kaga toosan caasimadda Hargeysa.
Ninka Jarmalka ah iyo haweenayda reer Somaliland ee sida wada jirka ah shalay loo horkeenay maxkamadda waxa ciidammada boolisku gacanta ku dhigeen horaantii bishii November 2010, kadib markii Kombuyuutarka eedaysanaha Jarmalka ah laga helay sawiro qaaqaawan oo dhaqan-xumo ah oo ay ka dhexmuuqdaan ninka Jarmalka ah, gahadha lala soo eedeeyey iyo haween kale oo aan ilaa hadda ciidammada ammaanku gacanta ku dhigin.
Fadhigga maxkamadu ku dhegaysatay dawcadda eedaysanayaasha loo haysto falalka anshax-xumadda ah oo ka dhacday hool weyn oo ku yaal dugsiga tababarka ciidanka booliska ee Mandheera oo ahayd mid dadweynaha u furan, waxa ka soo qaybgalay saraakiil ka socotay xafiiska xeer-ilaalinta Gobolka Hargeysa, garsooraha kiiskan gacanta ku haya, Mr. Cabdirashiid Duraan, labada eedaysane ee kala ah ninka Jarmalka ah iyo haweenayda reer Somaliland, qareennnada difaacaya eedaysanayaasha, markhaatiyo, culimo awdiin, xubno ka socday ururada xuquuqal-insaanka, suxufiyiin ka kala socday wargeysyada Jamhuuriya, Geeska Afrika, shabakadda wararka ee Araweelonews.com iyo dadweyne kale oo dhegaysiga dacwaddan loo ogolaaday.
suxufi ka tirsan Jamhuuriya oo ka mid ah dadka ka qaybgalay dhegaysiga kiiska loo haysta ninka Jarmalka ah iyo haweenayda reer Somaliland ee maxkamada la horkeenay oo isdhinac fadhiyey hoolka dacwadda lagu qaadayey, ayaa ka diyaariyey warbixintan oo ay ku soo ururiyeen qaabkii fadhiga wejiga koowaad ee dhegaysiga maxkamaddu u dhacay iyo dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa ee ku meersanaa dacwadda xaasaasiga ah ee Mandheera ka bilaabantah.
“xili dhaxan badani dhacayso oo ku beegnaa abaaro 6:30 subaxnimo ee shalay, ayaanu ka amba baxnay magaaladda Hargeysa, anaga oo ku sii jeedna dhinaca dugsiga tababarka booliska Mandheera oo lagu dhegaysanayey dacwada nin Jarmal ah iyo gabadh Somaliland u dhalatay oo si wada jir ah ugu eedaysan inay ku kaceen falal anshax xumo ah oo ka baxsan dhaqanka iyo diinta Islaamka.
Jidka laamida ah ee u dhexeeya Hargeysa iyo Mandheera oo darxumo badan ka muuqatay oo marka aad inyar socotaba aad arkayso burbur iyo godad jidka ka dhex samaysay iyo dhir xooggan oo dhinacayada ka soo galay wadadda awgeed oo aan baabuurka xawaare sare lagu wadi Karin, awgeed, ayaanu gaadhnay dugsiga tababarka Mandheera abaaro 8: 50 ee subaxnimo..
Ciidamo isugu jira boolis iyo taraafiga waddooyinka, ayaa nagu joojiyey meel qiyaastii ilaa boqol tallaabo u jirta dugsiga tababarka dacwadu ka dhacday, gaadhigiibay naga dhigeen, iyaga oo nagu wargeliyey in aan saxaafad loo baahnay, balse booliska oo edeb iyo akhlaab badani ka muuqatay, ayaa noo sheegay inay saraakiisha ka saraysa noo soo waydiinayaan in suxufiyiintu ka qaybgasho dhegaysiga dacwada iyo in kale, nasiib wanaag Garsooraha ka socday maxkamadda Gobolka Hargeysa ee gacanta ku haya kiiska eedaysanayaasha, ayaa ogolaaday in saxaafaddu ka qaybgasho dhegaysiga dacwadda, balse aan la ogolayn in suxufiyiintu wax qalab ah la galaan hoolka dhegaysiga dacwadu ka socday, iyada oo moobiladda iyo kamaradihii bannaanka la nagaga reebay, sidaas ayaanu ku fadhiisanay goobta kiiska eedaysanayaashu ka socday.
Furitaanka bilawga dacwada, nuxurka eedahay loo haysto ninka Jarmalka ah iyo haweenayda reer Somaliland
Muddo kooban markii aanu fadhinay, waxa hoolka la soo geliyey ninka Jarmalka ah oo xidhnaa shaadh iyo surwaal jiimim buni ah, kabo sandal ah iyo muraayadda Indhaca, wax diif ahi korkiisa kamay muuqan, lagamana dareemayn maxbuus muddo xidhnaa, waxa ka soo horeeyey oo kursi iyo miis loo diyaariyey ku sii fadhiyey qareenka difaacaya oo magaciisu yahay Bashiir Xuseen Cabdi iyo turjumaankiisa oo ag fadhiyey, waxyar ka dibna waxa hoolka soo gashay gabadha eedaysanaha ah oo xijaab cas xidhnayd. Waxa kale oo iyaguna hoolka diyaar ku ahaa saraakiil ka socday xafiiska xeer-ilaalinta Gobolka Hargeysa oo uu horkacayey Guddoomiyaha xeer-ilaalinta gobolka oo iyagu eedaha ku soo oogay ninka Jarmalka ah iyo gabadha reer Hargeysa, iyada oo markhaatiyaashu hoolka bannaanka ka joogeen oo kolba ka loo baahdo loo yeedhayey.
Waxayar ka bacdina waxa hoolka soo galay garsooraha ka socday maxkamadda Gobolka Hargeysa iyo kaaliye la socday, waxaanu garsooruhu guddo galay furitaanka dacwadda, isaga oo labada dhinaca ee dacwada soo oogay iyo kuwa iska difaacayaba waydiiyeey inay diyaar yihiin, markii dhinac kastaaba garsooraha ku wargeliyey inay diyaar yihiin, ayuu garsooraha maxkamada gobolku, waxa uu akhriyey nuxurka eedaha loo haysto ninka Jarmalka ah iyo ah haweenayda ku lamaan.
Waxa uu madasha ka akhriyey afar eedood oo saddex ka mid ahi ka dhexeeyaan Guntar Bischoss iyo gabadha kale, halka eeda afraadna gaar u ahayd ninka Jarmalka ah, waxaanu u sheegay inay si wada jir ah ugu eedaysan yihiin qodobada xeerka ciqaabta guud ee kala ah; 405 oo qeexaya sinaysi, 407 oo ka hadlaya dhiirigelin sinaysi, maadaama ay sawiro qaaqaawan iska qaadeen iyo 426 oo tilmaamaya sinaysiga qofka xaaska leh, maadaama labadooda la sheegay inay xaasas leeyihiin.
Qofka afraad oo isagu gaar u ahaa ninka Jarmalka ah ee lagu soo eedeeyey, waxa uu ahaa qodobka 403, xeerka-ciqabta guud oo ka hadlaya faafin sawiro qaaqaawan oo dhaqan xumo xambaarsan, iyada oo ujeedaduna tahay in dhuuni laga helo, kadibna waxa garsooruhu labada eedaysani waydiiyey inay qabaan eedaha loo soo jeediyey, in aanay wax dambi ah lahayn iyo inay eedahaasi dood sharci ah ka qabaan, balse labada eedaysaneba waxay isla goobtii kaga dhawaaqeen inay aanay qabin eedaha loo haysto oo aanaya waxba ka jirin.
21 kii sawir ee maxkamadda la horkeenay, dhaygagii iyo isdifaacidii labada eedaysane
Intaa ka bacdi garsooraha maxkamadda Gobolka Hargeysa ee kiiskan gacanta ku haya waxa uu xeer-ilaalinta ka dalbaday inay soo bandhigaan waxyaabaha ay ku caddaynayaan in labada eedaysane ku kaceen falalka anshax-xumada ah ee ay ku soo eedeeyeen, maadaaba ay ay la badoodu sheegeen in aanay wax dambi ah qabin, waxayna xeer-ilaalintu soo bandhigeen oo garsooraha horkeeneen 21 sawir oo isugu jira kuwo dhaqan-xumo xambaarsan oo ay ku wada jiraan ninka Jarmalka ah, gabadha eedaysanaha ee la hayo iyo dumar kale oo aan tiradooda la shaacin, isla markaana aanay ciidammada ammaanku ilaa hadda ku guulaysan inay soo qabtaan, iyada oo 21 kaa sawirba garsooruhu mid mid u eegay.
Waxa kale oo ay xeer-ilaalintu maxkamadda horkeentay saddex markhaati oo kala ah sarkaal ka tirsan ciidanka dambi-baadhista CID-da oo sheegay inuu kiiskan baadhitaan ku sameeyey, ninka qabay gabadha eedaysanaha ah oo isagu sheegay in hore sifo-xaqdaro ah loogu xidhay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa, kadib markii xaaskiisu ka ashkataysan booliska, isla markaana ku wargelisay inuu doonayo sidii uu u dili lahaa ninka caddaanka ah ee eedaysanaha ah iyo nin dhalinyaro ah oo ka shaqaynayey meherada ninka Jarmalka ahi lahaa oo isagu sheegay inuu sawirada u gudbiyey hay’adaha sharciga, saddexda markhaatiba waxa si isweydaar ah su’aalo kala duwan oo kiiska ay ka markhaati fureen ku saabsan waydiiyey xeer-ilaalinta, qareenka difaacayey ninka Jarmalka ah iyo garsooraha dacwadda dhegaysanayey, iyada oo markii sawirada la soo bandhigay ay labada eedaysaneba ku dhaygageen, isla markaana ishoodu ku maqnayd halka sawirada lagu hayey, balse labadoodu way iska difaaceen inay eedahaasi qabaan.
Dardartii markhaatiyadda + dalabkii qareenka ninka Jarmalka ah + doodii xeer-ilaalinta + daadafayntii iyo maamulidii habsami u-socodka dhegaysiga dacwada ee garsooraha maxkamadda
Saddexda markhaati ee xeer-ilaalintu keentay, waxa ka muuqday adardar xooggan, iyaga oo u muuqday qaar doonaya inay markhaartiga ay u furayaan ku saleeyanaya wixii ay ka ogaayeen kiiska maxkamadda ka socday iyo eedaysanayaasha ay ku markhaarti furayaanba, maadaama garsooruhu kitaab quraan ah gacanta u saaray oo uu ku dhaariyey inay runta sheegeen, wax been ahna ka sheegin kiiskan, balse qareenka difaacaya ninka Jarmalka ah, ayaa dalbaday in markhaatiga saddexaad aanay maxkamadu dhegaysan, maadaama uu yahay nin ay meel ka wada shaqayn jireen eedaysanaha Jarmalka ah, isla markaana caddaawadi ka dhexayso oo mar hore laga eryey shaqada uu ka hayey meherada ninka Jarmalka ah.
Dalabka uu soo jeediyey qareenku waxa ka iska difaacay xeer-ilaalinta eedahan soo oogtay oo sheegtay in dalabkaasi qayrul-sharci yahay, maadaama qofkasta oo qaangaadh ah xeerarka iyo shareecadda islaamku u ogoshay inuu markhaati geli karo, waxaanu garsooraha maxkamadda gobolku daadafeeyey dalabkii qareenku soo jeediyey, isaga oo ogolaaday in markhaatiga saddexaad ka marag kaco waxa uu ka ogyahay kiiska iyo eedahay loo soo jeediyey labada eedaysane, iyada oo garsooruhu u si fiican u maamulayey hab-sami u socodka dhegaysiga dacwaddaasi.
Codsigii Guddoomiyaha xee-ilaalinta Gobolka Hargeysa, gunaanadkii wejiga hore ee dacwadda, jawigii guud ee Mandheera, bariiskii barruurta cad lagu dhex kariyey iyo soo dhawayntii askarta
Markii saddexda markhaati la dhegaystay, waxa Guddoomiyaha xeer-ilaalinta Gobolka Hargeysa uu garsooraha maxkamadda ka codsaday in caddaymahoogii iyo markhaatiyaashiiba badh u dhiman yihiin, sidaa darteedna loo muddeeyo wakhti kale oo ay ku soo dhamaystirtaan caddaymaha ay u hayaan waxyaabaha kiiska ay ku soo oogeen labada eedaysane, iyada oo garsooruhuna aqbalay in muddo kale la siiyo si ay hawlahooda u soo dhamaystaan, wakhtigaasi oo garsooruhu aanu cayimin xiliga uu noqon doono, iyada oo qareennada u doodaya eedaysanayaashuna sheegeen inay difaacooda bilaabi doonaan markay ay arkaan caddaymaha kale iyo markhaatiyaasha u dhiman xeer-ilaalinta. Abaaro 12: 22 duhurnimo ayuu garsooruhu soo gunnaanaday wejiga hore ee dacwada shalay ka bilaaban tahay Mandheera.
Dugisiga tababarka Mandheera oo ku yaal dhul buuro dhexdood ah, isla markaana dhir badani ku hareeraysan tahay, ayey cimiladiisu ahayd jawi kulayl xigay, iyada oo hawo huur xigtaana ka dhacaysay, waxaana jooga askar ishoodu fiican tahay, maadaama ay joogaan dhul deegaan fiican ah, iyaga oo edaab iyo soo dhawayn badani ka muuqatay, isla markaana si ixtiraam ku la dhan yahay u soo dhaweynayey martida soo booqata. Waxayna qaar ka mid ah askartaasi noo sheegeen in si fiican loo dhaqaaleeyo oo raashin fiican la siiyo, balse shalay waxa qado u ahaa bariis barruur lagu dhexkariyey oo mid waliba sixni buuxa uu gidaar iyo geedaha hoostooda la fadhiyey.”





Xigasho Jamhuuriya

0 comments:

Post a Comment