Sunday, December 5, 2010

Shirkii Habar yoonis ee Qaarada Yurub iyo Mujaahid Ahmed Mire oo kasoo qaybgalay + SAWIRO

Sheffield(BCT)- Waxa maanta oo taariikhdu tahay December 4, 2010 lagu qabtay Hotel Holliday Inn, Royal Victoria ee magaalada Sheffield shir balaadhan oo si weyn oo qurux badan loo soo agaasimay laguna magac daray HANAD 1. Shirkaasi waxa ka soo qeyb galay ergooyin ka kala socday beelaha Habar Yoonis ee ku dhaqan dalalka ka mid ah qaaradda Yurub iyo magaalooyinka dalka Ingiriiska. Ergooyinkaasi oo isugu jiray mujaahidiintii halgankii SNM oo uu horkacaaya Mujaahid Axmed Mire Maxamed, Siyaasiin, odayaal, waxgarad, aqoon yahano, dhallinyarro lahaa rag iyo dumarba. Waxa halkaasi ka hadlay dad ay ka mid ahaayeen Axmed Ismaaciil Xuseen (Gaane), Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw-xoog), Axmed Aden Ismaaciil (Keyse Gurey), Cabdirisaaq Maxamuud Saleebaan (Mingiste), Xuseen Adan Cali (Asad), Maxamed Cabdillahi Ciise, iyo Mujaahid Axmed Mire Maxamed.

 

Waxa kale oo khadka telefoonka kaga qaybgalay shirka isaga oo jooga Caasimada Somaliland Hargaysa Dr Maxamed Cismaan Fadal oo soo jeediyey talo dhaxal gal ah.

 

Go’aamada shirka ka soo baxay waxa ka mid ahaa:

 

  • In la qabto shirweyne ay beelaha Habar yoonis ku qabsadaan gudaha dalka JSL. Waxana la magacaabay guddi qaban- qaabo oo ka shaqeeya qabsoomidda shirka gudaha..

  • In laga shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa deegaanada beelaha Habar yoonis ee ka tirsan Gobolada.Sool,Sanaag,Togdheer,Saaxil,Daad madheedh (oodweyne) iyo Maroodi jeex(Hargaysa).

  • In beeshu qayb libaax ka qaadato adkeynta nabada Dalka.

  • In shirku baaq u diro beelaha habar yoonis kuna boorriyo inay midoobaan, meelna iska dhigaan khilaafkii siyaasadeed ee laga dhaxlay doorashoyinkii ka dhacay Somaliland.

 

Waxa uu shirku ku bilaabmay jawi aad u qurux badan oo dhamaan ergooyinkii kasoo qayb galay ay aad ugu faraxsanayeen sida quruxda badan ee losoo agaasimay iyo sida quruxda badan ee uu shirkii kusoo gabo-gaboobay.

0 comments:

Post a Comment