Sunday, May 22, 2011

War Deg deg ah: Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Dalka Kenya Shaaca Ka Qaaday Inuu Aqoonsanayo Somaliland.






War Deg deg ah: Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Dalka Kenya Shaaca Ka Qaaday Inuu Aqoonsanayo Somaliland.


(Hadhwanaagnews) Saturday, May 21, 2011 
Nairobi (HWN):- Waxaa markii ugu horeysay soo baxaya wararka sheegaya in dalka Kenya uu dhawaan ku dhawaaqayo inuu Somaliland u aqoonsanayo dal ka madax bannaan Somaliya inteeda kale.

Nairobi (HWN):- Waxaa markii ugu horeysay soo baxaya wararka sheegaya in dalka Kenya uu dhawaan ku dhawaaqayo inuu Somaliland u aqoonsanayo dal ka madax bannaan Somaliya inteeda kale.
Sida aanu ka helayno Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo waxaa sidan shaaca ka qaaday Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Kenya Richard Onyonka mar uu la kulmay Odayaal iyo wax-garad kasoo jeeda Somaliland.
“Kenya dedaal dheeri ah ayey u galaysaa sidii ay u baadi-goobi lahayd in Somaliland ay noqoto dawlad madax bannaan oo Somaliya ka go’da, waayo Somaliland nabadda ka jirta darteed waxay ku mudanyihiin in madax-bannaani la siiyo, si ay Somaliya uga go’aan oo ay noqdaan dawlad madax-bannaan..” ayuu yidhi Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya.
Kaaliyuhu waxa uu sidoo kale tusaale u soo qaatay doorashooyinkii ka dhacay Somaliland oo uu sheegay inay muujinayaan sida ay Somaliland uga hir-gashay una biyo-dhagatay dimuqraadiyaddu. Waxaanu xusay in Somaliland ay ka bad-qabto kooxaha Argagixisada Caalamiga ah iyo Budhcad-badeeda.
Dhawaaqan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee Ifafaalo u noqon kara ka midho-dhalinta halgankii muddada 20-ka Sanno ay Somaliland ugu jireen sidii ay beesha Caalamka uga heli lahaayeen Ictiraaf caalamiya. Waxaana la filayaa haddii ay Kenya horseed ka noqoto arrintan in dalal badan oo Afrika iyo Caalamka kaleba ahi kusoo hiran doonaan una soo baratami doonaan Ictiraafka Somaliland.

C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abuhurayra)
salaanmuctasim@hotmail.com           
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa, Somaliland.

Submitted By: Abdisalaam Abuhurayra

0 comments:

Post a Comment