Wednesday, May 4, 2011

Kedis Aqooneed xiisa leh oo dhexmaray ardeyda Labada Dugsi SARE ee CANDLELIGHT oo ka socdey Magaalada Burco & dugsiga sare ee GACANLIBAH ee caasimada Hargeysa

Tartan aqooneed aad si fiican loosoo abaabulay ayaa dhex maray labada Dugsi ee Gcanlibah & Candlelight. ugu horeyn waxaa ardeyda dugsiga sare ee candleligh ka soo dhaqaaqeen magaalada Burco oo ah halka uu ku yaalo dugsigoogu. Traag aad u dheer ka sokow waxaa ardey si fiican loosoo abaabulay oo iyana ka socota dugsiga dhigooda ee Gacanlibah ay ku kulmeen Tuulada Haleeya oo 30 km u jirta Hargeysa , aad & aad baa loo soo dhaweeyey halkaas oo salaan ka dib loo soo dhaqaqey xagaas & magaalada Hargeysa . xoogaa isbarasho ah ka dib anaga oo daalaneyn awgeed waxanu iska tagney hotelkii anagoo berito uunoo bilaami doono tartankii.
Waaberigii waxaanu nimi Jaamacada Burco oo ah halkii uu tartanku ka dhacey. waxaa aad u mudan oo haboon inaan marna la hilmaamin RUWAAYADII aadka u macaaneynd ee naloo qabtey markanu jogneyoo runtii dareenka dadka oo dhan aad u gilgishay. waxaa halkas xooga ka dib nooga bilaamy Aqoon iswayedaarsigii , oo lays weydiiyey 7 suaalood labada iskuulba, halka iskuul walba uu helay 6 dhibcood KEDIS kiina ku dhamadey barbardhac. waxaa barbardhaca & tartankaba ka qaayo Iyo qiimo weynaa soo dhaweyntii diirneyd & maamul wanaaga iskkulka gacanlibah & sida ardeydoodu u thay UL & DIIR.

0 comments:

Post a Comment