Friday, May 20, 2011

Banaan Baxii Ugu Ballaadhnaa Ee Ka Dhaca Waddanka Ingiriiska Oo Shalay Ay Isugu Soo Baxeen Dad Weynaha Rer Somaliland Maagalada London, Quruxdii Xaflada Maxaad Ka Ogtahay Daawo Sawira Layaabka Leh.

Hadhwanaagnews) Thursday, May 19, 2011 
(London-HNW) Waxaa ka dhacday magaalada London shalay oo ahayd 18 May banaan bax kii ugu ballaadhna ee inta la ogyaay sannadahan ka dhacda dalka Ingiriiska ka soo ay dhigaan dadka asal koodu u dhashay qaarada Afrika, banaan baxan oo lagu beegay sannad guurada 20 dee ka soo wareegtay markii ay Somaliland lasoo noqotay madax banaanineeda wuxuu ahaa mid si cajiiba losoo agaasimay, dadka ayaan 

(London-HNW) Waxaa ka dhacday magaalada London shalay oo ahayd 18 May banaan-bax kii ugu ballaadhna ee inta la ogyaay sannadahan ka dhacda dalka Ingiriiska ka soo ay dhigaan dadka asal koodu u dhashay qaarada Afrika, banaan baxan oo lagu beegay sannad guurada 20 ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland lasoo noqotay madax banaanineeda wuxuu ahaa mid si cajiiba losoo agaasimay, dadka ayaan tiradooda si dhaba loo ogayn balse isha ayaa kugu daalaysay markaad is tidhaadso si rasmiya uga bogo. Waxaana lagu qiyaasayay ilaa dhawr kun oo qof, waxaa ka muuqatay dadka wajiyadooda qiiro iyo farxad aan xadlahayn, waxayna isugu hanbalyeynayeen sidii maalin ciid oo kale ah. Hablaha ayaa dhabanadooda ku xardhacay calanka qurxoon ee Somaliland. Waxayna dadku isaga kala yimadeen dhammaan gobolada uu ka kooban yahay waddanka Boqortooyada Ingiriiska.
Hablaha Rer Somaliland ee Ku dhaqan waddanka Ingiriiska oo banaan baxii London dhabanadooda  ku xardhay calanka Somaliland
Goobtu waxay ahayd afafka hore ee xarunta baarlamaanka Ingiriiska looga arrimiyo, waxaad odhan karaysay looma kala hadhin, wayeel haween iyo dhalinyaraba, waxaa sidoo kale goobta ka muuqday Mujahidiintii ururkii SNM qaybo kamid ah, anoo arkaayay Muj; Ibraahim Dhagayweyne iyo Muj: Axmed Mire, sidoo kale Muj: Dolaal iyo Mujahidiin kale ayaa yaguna ka dhex muuqday banaanbaxa. Fanaaniinta caanka qaar kamid ah ayaa yaguna ku sugnaa yadoo ishaydu ku dhacday, Fanaanka weyn ee Maxamed Axmed Kuluc, Xudaydi, Fanaanka Abdifataax Yare, Abdi Qaboojiye, Abdi Cumar,  Maxamuud Halwad, Yuusuf Dheere, Fanaanada qaranka Saynab Cige iyo kowo kale oo badan oo dhammaantod soo camiray banaan bixii shalay. Dadku waxay siteen halkudhigyo ka turjumaaya qaranimada Somaliland iyo waxay qabsatay gaar ahaan aminga iyo dimuquraadiyadda, halka qarkood ay kuba xardheen jidhkooda. Waxay ku dhawaqayeen in Somaliland beesha caalamku indhaha ka qarsatay, isla markaana ay sameyeen wax kasta oo lagu xidhay. Xubno culus oo ka socday Somaliland ayaa ku suganaa banaanbaxa, ku waas oo dadka u jeediyay khudbado iyo fariinta ay u sideen, waxaana kamid ahaa madaxdii goobta ku sugnayd Wasiirka cadaaladda Somaliland Proff: Muumin Aare, Wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Abdillaahi Daahir Cukuse, Dr. Maxamed Rashiid Shiikh Xasan, Aadan Mire Waqaf, iyo Xildhibaano ka tirsan golaha baarlamaanka Somaliland Sidoo kale waxaa yaguna joogay goobta saxaafada caalamiga ah ee waddanka Ingiriiska, anigoo la kulmay Telefeeshinka caanka ee ITV, sidoo kale warbaahinta BBC qaybaheeda kala duwan ayaa ku sugnaa goobta.


Xildhibaano tageera qadiyada Somaliland oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa yaguna goobjoog ka ahaa banaan baxii shalay, waxaa dadka la hadlay xubno ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska gaar ahaan guddi hosaadka arrimaha dibadda ee Britain, sidoo kale waxaa dhanbaal ka turjumaaya banaan baxan iyo waxay Somaliland qabsatay loo gudbiyay Raysal Wasaaraha waddanka Ingiriiska Doved Cameron, muddo ku siman shan sacadood oo xidhiidha ayuu socday banaan baxani, yadoo dadku ay wayeen meel ay is tagaan ka dib markii goobtii buux dhaaftay. Runtii waxaa la odhan karaa marka la eego sida losoo agaasimay wuxuu ahaa mid aad u habaysan. Habeenimadii xalay ayay yadana dhacday xaflad  ballaadhan oo lagu casuumay saaxibada caalamiga ah ee Somaliland, tasoo ay ka qabgaleen dad caan ka ah waddanka Ingiriiska. Si kasta oo ay tahay waxay arrintani ahayd talabadii ugu ballaadhnayd ee ay qadaan qurbajooga Somaliland ee ku dhaqan waddanka Ingiriisku, tasoo wax badan ka tari karta qadiyada Somaliland ee aqoonsiga ay kaga rabto beesha caalamka, sidoo kale waxay u muuqatay mid midaysay dhammaan shacbi weynaha rer Somaliland ee qurbaha.

Muniir Axmed Cigaal
Hadhwanaagmedia England/Uk.
Email 
muniir10@gmail.com

Submitted By: Mr UK

0 comments:

Post a Comment