Friday, May 20, 2011

Burco: (HWN)Dallada isku xidhka Dhalinyarada Somaliland ee SYNA ayaa Dabaaldeggi u ballaadhnaa abid xalay ka dhigtay Hoolka weyn ee Jamacadda Burco.(DAWO SAWIRADA)



Burco: (HWN)Dallada isku xidhka Dhalinyarada Somaliland ee SYNA ayaa Dabaaldeggi u ballaadhnaa abid xalay ka dhigtay Hoolka weyn ee Jamacadda Burco.(DAWO SAWIRADA(Hadhwanaagnews) Wednesday, May 18, 2011 
Burco:(HWN) Dallada isku xidhka Dhlinyarada Somaliland ee SYNA oo xalay soo Bandhigtey Sugaan iyo Masraxiyad aad u soo jiidatay Dadweynihii Tirada Badnaa ee madasha fadhiyey ayaa waxa kala qaybgalay Dabaaldegga 18ka m ay ee xalay Maayar xigeenka Degmada Burco Axmed Cabdi fly, Isuduwaha W/qoyska Marwo Casha Cali Qabille iyo....

Burco: (HWN)Dallada isku xidhka Dhalinyarada Somaliland ee SYNA ayaa Dabaaldeggi u ballaadhnaa abid xalay ka dhigtay Hoolka weyn ee Jamacadda Burco.(DAWO SAWIRADA)

Burco:(HWN) Dallada isku xidhka Dhlinyarada Somaliland ee SYNA oo xalay soo Bandhigtey Sugaan iyo Masraxiyad aad u soo jiidatay Dadweynihii Tirada Badnaa ee madasha fadhiyey ayaa waxa kala qaybgalay Dabaaldegga 18ka m ay ee xalay Maayar xigeenka Degmada Burco Axmed Cabdi fly, Isuduwaha W/qoyska Marwo Casha Cali Qabille iyo saraakiil ka kala socday ururada Bulshada, Shirkadaha ganacsiga ee koro ntada iyo isgaadhsiinta iyo weliba Fannaaniin reer ka yimi imaaraatka Carabta iyo Marti sharaf kale oo badan.
Guddomiyaha Dallada SYNA ee Gobolka Togdheer Shabac Cabdi Maxmed oo khudbado kooban halkaas ka jediyey ayaa shegay in Dallada SYNA ay tahay Dallada keliya ee u shaqaysa heegankana u ah sidii Da’yarta Dalku ay u noqon lahaayen kuwo wax bedeli kara, islamarkaasna ay u noqon lahaayeen, kuwo heegan buuxa u ah kana midaysan horumarka Dalka.
"Dallada SYNA waxay idin ballanqaadaysa inay soo dhoweynayso fikirkiina, aqoontiina, iyo wax kasta oo aad is leedihiin ka dhalinyar ahaan waa u faaido dalka ama waad ku darsan kartaan" ayu yidhi Gudomiye Shabac.

Wuxu sido kale Guddomiyuhu Carrabka ku dhuftay ee Magaalooyinka Berbera,Hargysa Ceeriigabo iyo Boorama ba ay SYNAku qabanayso XAFLADO iyo Dabaaldegyo ay ku xusayso Sannadguurada 20aad ee ka soo wareegtay markii ay somaliland dib ugala noqtay xorriya deedii Somaliya.
Abwaano Isugu jira, kuwo dhex, kuwo waaweyn iyo kuwa Da’yar ahba ayaa halkaas ka tiriyey maansooyin,gabayo iyo Suugaan Qiiro iyo xamaasadba ku abuurtay Dadkii Madasha Fadhiyey.
Khaalid Maxmed Muse ookamid ahaa Abwaanadi Da’da yaraa ee maansooyinka ka tiriye madasha ayaa waxa suugantisii kamid ahaa "magaceed jiryeey, mar baan is idhi MAY ma labaxdaa, May,Soomaaliyaay kaa maaranee meeshaada joog, adiguna muqdishooy meeshaan marnoba Mawdaa ka hay MAW, MAW, MAW" AYU YIDHI, waxana mar qudha sacab , iyo mushaxarada xamaasadaysan a y isla oogsaden dadkii madasha fadhiyey.
Waxa iyana madasha masraxiyad aad u soo jiidatay dadkii madasha fadhiyey ku soo Bandhigay Naadi kamid ah Naadiyada kumidaysan Dallada SYNA oo la yidhaa Horseed, majaajilada ay kooxda horseed soo bandhigeen oo uu sameeyey Abwaanka Da;’da yar ee C/raxman Ubaxle ayaa kahadlaysay marxaladihii uu Dalka Somaliland soo maray tan iyo 1960kii.

Maayr xigeenka Degmada Burco Axmed Cabdi FLY iyo Isuduwaha W/qoyska Casha Cali Qabile iyo weliba Madax Markettingka Shirkadda Laydhka ee KAAH C/risaaq Aar ayaa kelmado waano, guubaabo, iyo taariikh dheer ba uga sheekeeyey Martidii Madasha Fadhidey, waxayna Dhammaantood ku nuuxnuuxsadeen Qiimaha Maalintani leedahay, sidookale waxay mahad balladhan u jeediyey Dallada iskuxidhka iyomidaynta Dhalinyarrrada Somaliland ee SYNA, oo ay sheegeen inay Tahay Dallada keliya ee Sannad kasta Soo qabanqaabisa Xuska 18ka may, waana Dhalinyaro Qadiyadda Somaliland nimo ay aad ugu weyntahay ayay yidhaahdeen, Abwaan Ubaxle, jamac Sidiq, iyo Sayid Maxmed C/lahi Xasan oo ka mid ah Marti sharafti madasha fadhidey ayaa Dhaammaantood iyaguna ku booriyey dadka in maalintani la wayneeyo, sidoo kale Abukar Carab ileeyo oo ah isku xidhaha Naadiga Halkaraan ayaa isna Dhincisa Hambalyo u diray Dallada SYNA iyo Guud ahaanba Shacabka Somaliland.
Ugu Danbanyntii Munasibadda waxa lagu soo xidhay hees waddani ah oo Midhaheeda ay leedahay AbwaanLayla Maxmed Siciid oo ah Madaxa FANKA IYO SUGANTA EE dallada SYNA, waxana Codka saaray Actorkii Riwaayada Maxmed Aadan Black, iyadoo Munasibadduna ay ku soo Dhammatay Jawi Deggen iyo Damaashaad farxad badani ku dheehntahay.

Ka bilow bidix Khadar ahmed faarax, dhexda Aamiin hassan daacad midig: Cabdirisaq actionman 




C/salaan Maxmuud Ducaale(Ilkacase)
Hadhwanaagnewsburco/Office
Ilkacase1@hotmail.com

Submitted By: Mustafa Burco

0 comments:

Post a Comment