Thursday, May 19, 2011

QIIRADA SHACABKA GOBOLADA AWDAL IYO SELAL+QOSOLKA CABDIRAXMAAN SEYLICI+QARACANKA QABANQAABIYEYAASHII AWDAL STATE=QAANGAADHNIMADA QARANKA SOMALILAND

Hargeysa May 18 11(sdn/qurbejoog)-Waxa maanta Jamhuuriyada Somliland si weyn looga xusay sanad guuradii 20naad ee ka soo wareegtay maalintii magaalada Burco lagaga dhawaaqay la soo noqoshada madaxbanaanidii Somaliland ee ay ku weydey midawgii ay la gashay Soomaaliya.
Gobolada Somaliland ayaa maanta dawlada iyo shacabkuba ka dhigeen munaasibado lagu weyneynayo maalintan 18ka May.
Waxaana dhamaan gobolada ay Somaliland ka kooban tahay la isugu soo baxay fagaareyaasha debaaldegyada iyada oo masuuliyiinta heerarka kala duwan ee dawladeed ay halkaa kula hadleen shicibka jibeysnaa ee sida weyn ugu caano maalay dib ula soo noqoshada Qaranimadoodii.
Markaanu is badhbadh dhignay sawirada iyo macluumaadka naga soo gaaraya guud ahaan gobolada dalka waxa aanu aad iyo aad ula dhacnay sida shicibka wadaniga ah ee reer Awdal sida la yaabka leh ee aan hore Somaliland loogu arag ee ay maanta isugu taxlujiyeen muujinta dareenkooda wadaninimo.
Xaflada sanadkan ayaa ku soo beegmatay iyada oo tiro ka mid ah qurbejoga gobolkaasi ka soo jeeeda ay sameynayeen xaflado ay ku shaacinayeen in gobolkoodu sameystay maamul u gaar ah.
Masuuliyiin waxgarad iyo aqoonyahanka reer Awdal ayaa waxa ay gudaha iyo dibeddaba ka canbaareeyeen sheegashadaa iyo in gobolkoodu ka weecday hanaanka Somaliland ee ay reer Awdal gacantooda dhidibada ugu taageen.
Mar aanu dhawaan wareysanay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylicina waxa uu noo sheegay in xafladaha Somaliland diidka ay abaabulayaan aaney reer Awdal qeyb ka aheyn ama ay kaga jiraan tiro yar oo Dumar iyo Caruur la qalday ah.
Hadaanu nahay bahweynta qurbejoog.com waxaanu siinay gobolka Awdal darejada koowaad ee debaaldega xuska May 18 2011ka.

0 comments:

Post a Comment