Friday, August 26, 2011

Mucaaridka Liibiya oo ku Dhawaaqay inay 1 Milyan oo Doollar Siin Doonaan Ciddii Soo Sheegta Qadaafi



Saaraakiil xagjir ah ka soo dagaallamay Afganistan oo ka mid ah xooggaga muacaridka Liibiya ee Galay Tripoli

Tripoli (Burcotoday/Sky News)- Mucaaridka waddanka Liibiya, ayaa ku dhawaaqay in lacag ka badan hal milyan oo dollar ay siin doonaan cidda soo sheegta geeri iyo nolol halka uu ku dambeeyey Madaxweyne Qaddafi, iyadoo la caddeeyey inuu lacagtaas heli doono qofka maydkiisa ama nololoshiisa keena Gaddafi.

Hoggaamiyaha Golaha Qaranka Ku-meelgaadhka ee Liibiya Mr. Maxamuud Jibriil, ayaa sheegay in madaxa Qaddafi lacag la duldhigay oo ciddii warkiisa soo sheegta ama nolol iyo dhimasho ku keenta loogu ballanqaadayo in la siin doono lacag gaadhaysa laba milyan oo diinnaar oo u dhiganta 1 milyan oo giniga Ingiriiska ah, taas oo noqonaysa hal miyan oo dollar iyo dheeraad, waxaanay mucaaridka Liibiya tibaaxeen inay lacagtaasi bixinayaan ganacsato ka soo horjeeda xukunka Qaddafi.

“Ganacsato taageerayaasha mucaaridka ah ayaa bixinaya laba milyan oo diinaar oo u dhiganta hal milyan oo giniga Ingiriiska ah, iyada oo lacagtaasina la siin doono ciddii nolol ama dhimasho ku soo sheegta Qaddafi.” Sidaa waxa yidhi Musfate Abdul Jalliil oo ka mid ah saraakiisha sare ee kooxaha mucaaridka ah.

Kooxaha mucaaridka ah oo gacanta ku dhigay inta badan waddanka Liibiya, ayaa ka cabsi qaba in Qaddafi iyo wiilashiisu dagaal kulul la geli doonaan ciidammadooda, waxana laga werwersan yahay in ilaa inta Qaddafi iyo innamadiisa la qabanayo aanay degi doonin xaaladda Liibiya, taasina waa arrinta keentay in lacag xad-dhaaf ah loogu ballanqaado ciddii soo sheegta ama warkiisa keenta hoggaamiyaha Liibiya ee la doonayo in laga tuuro talada dalkaas oo uu gacanta ku hayey in ka badan 40 sannadood, iyada oo dagaallo googoos ah ka socdaan badhtamaha magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

Waxa kaloo xalay ilaa shalay dagaal kulul ka socday degaannada Bab Al-axziziyah oo ah xaruntii Qaddafi iyo degaanka Al-mansoura iyo meelo kaloo uu ka mid yahay hudheelka Rixos, halkaas oo laga sii daayey suxufiyiin badan oo muddo shan maalmood ah ku xannibnaa.

Hoggaamiyaha waddanka Liibiya Col. Muamar Al-gaddafi oo la rumaysan yahay inuu ka baxay caasimadda Tripoli, inkastoo aan war sugan laga hayn, ayaa sheegay in aannu dinacna uga bixi doonin waddanka Liibiya ilaa uu ku dhimanayo ama ka xoraynayo xulafada NATO iyo xooggaga mucaaridka ah ee iskaashanaya, iyadoo Qaddafi dadweynaha ku dhaqan magaaladaas ugu baaqay inay hubka qaataan oo caasimadooda ka sifeeyaan canaasiirta iyo dambilaayaasha soo weeray ee ku ciyaaraya xadaaraddii dalka Liibiya lahaa.

Dhinaca kale, iyadoo dunidu werwer xooggan ka qabto mabaadii’da hoose ee u qarsoon xooggaga mucaaradka Liibiya, ayaa haddana waxa soo baxaya xogo sheegaya in mucaaridku ay ka mid yihiin saraakiil millatari oo ka soo dagaallamay waddanka Afganistan, kuwaas oo aad ugu dheggan mabda’a islaamnimada iyo nacaybka reer galbeedka.

Sida lagu faafiyey shabakad dhinaca Internet-ka ah oo ay leeyihiin ururro islaamiyiin ah shalay, saraakiisha millatari ee ku jira kooxaha mucaaridka Liibiya ee ka soo dagaallamay waddanka Afganistan waxa ka mid ah Cabdulxakiim Balxaaj, kaasi oo ka mid ah saraakiisha horseedka u ahaa in mucaaridku gudaha u galaan caasimadda Tripoli, isagoo isla markaana sannadkii 1988 ka qaybgalay dagaalkii Afgaanistan lagaga xoreeyey ciidammadii Midowga Sofiyeeti.

0 comments:

Post a Comment